cookie

ما از کوکی‌ها برای بهبود تجربه مرور شما استفاده می‌کنیم. با کلیک کردن بر روی «پذیرش همه»، شما با استفاده از کوکی‌ها موافقت می‌کنید.

avatar

Radio Muqdisho

Radio Muqdisho (راديو مقديشو‎) is a station radio broadcasting in Somalia. The headquarters for Radio Muqdisho is located from Mogadishu.

نمایش بیشتر
پست‌های تبلیغاتی
27 103
مشترکین
-824 ساعت
+717 روز
+51330 روز

در حال بارگیری داده...

معدل نمو المشتركين

در حال بارگیری داده...

02:00
Video unavailableShow in Telegram
19.60 MB
8
17🍾 2
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada Xoogga Dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray.
نمایش همه...
9
04:53
Video unavailableShow in Telegram
Hees Cusub "Anaa xamareey ku jecel Alfanaan Nimcaan Abdirahman Hassan ‘’Hilaac’’
نمایش همه...
An9jrCsmfBF_9gNlu_a388OxdfDSJU4W_NHj63xc6X92jRudLXu7uR3CKa8YwHt.mp438.34 MB
36🥰 5👍 2🍾 2
Ciidanka NISA ee ka howlgala Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in habeeno ka hor uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas. Taliyaha qaybta guud ee Nabad sugidda Galmudug Feysal Ibraahim Caanood ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in dabagal dheer kadib ay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha, isla markaana baaritaan kadib loo gudbi doono cadaaladda.
نمایش همه...
👍 22 5🍾 3
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Garoowe ka dejiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin ka hor Ciidanka Booliiska Caalamiga ah ay kasoo qabteen Dalka Kenya. Hoggaanka xiriirka dibadda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasi oo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska Xeer ilaliyaha guud ee Qaranka. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamadda awooda u leh.
نمایش همه...
👍 25 7🍾 3
Howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan. Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey. Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka.
نمایش همه...
👍 26 11😁 2
03:03
Video unavailableShow in Telegram
Fariin ka timid halgamayaasha dagaalka kula jira khawaarijta ee furmaha jooga.
نمایش همه...
An8W70KNLftRFVqM4GH_aqbIfXPgo2DIRqcZdyGNV6AIDYEr57YSKlhxNBtG9sX.mp444.86 MB
14👍 6🤣 1
Photo unavailableShow in Telegram
Isxaaq Sheekh Cali Cabdullahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ninkaan oo 14 sano ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaaleysata goballada Baay iyo Bakool ayaa saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda.
نمایش همه...
👍 22🍾 2 1
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka. Xarumahaan oo dhammaantood lagu dhisayo isku tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.
نمایش همه...
👍 22 8👌 6😁 3
یک طرح متفاوت انتخاب کنید

طرح فعلی شما تنها برای 5 کانال تجزیه و تحلیل را مجاز می کند. برای بیشتر، لطفا یک طرح دیگر انتخاب کنید.