️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
رفتن به کانال در Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
نمایش بیشترکشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
259
مشترکین
+224 ساعت
+217 روز
+2130 روز
آرشیو پست ها
Dawladda Maraykanka ayaa Shaacisay in ay Dalkeeda Ka Masaafurin Doonto Ku Dhawaad 50 Qof oo Kasoo Jeeda Dalka Kenya.
Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Mareykanka ayaa shaaciyay in 45 muwaadin oo Keenyaan ah ay ku jiraan liiska dadka lagu bartilmaameedsanayo howlgalka cusub ee lagu xoojinayo qabashada iyo masaafurinta dadka soo galootiga ku ah Maraykanka.
Waaxda arimaha Gudaha ee Mareykanka ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan dadkaas, iyadoo lagu sheegay inay ku lug lahaayeen dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin wadista gaadiidka iyaga oo sakhraansan, Rabshado ka Dhacay Gudaha dalkaas, iyo samaynta dukumiintiyo been abuur ah.
Dadkan ayaan la cadayn dalka loo masaafurin doono, in kasta oo uu Maraykanku horay uga dhawaajiyay jiritaanka dal sadexaad oo ay suuragal tahay in loo masaafuriyo, waxayna imaanaysaa xili Maraykanku uu mucaaradad badan kala kulmayo shacabka Keenyaanka ah oo kasoo horjeeda mashaariic uu doonayo in uu ka hirgaliyo Kenya.
Waa Habeennimo Khamiis ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 18-12-1447 oo ku beegan 03-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
Dhaawacyo shacabka kasoo gaaray hubka culus oo ay isku adeegsanayaan ciidamada Dawladda Fadaraalka iyo kuwo Mucaaradka.
Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dawladda Fadaraalka iyo kuwa Mucaaradka ayaa xiray inta badan wadooyinka soo gala xaafada uu dagan yahay Xassan Cali Khayre, waxaana lasoo sheegayaa inay dad shacab ah ku dhaawacmeen.
DAAWO: Dawaagaalka ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalku ka socdaa aaga guriga Xassan Cali Khyre.
DEG DEG: Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Dawladda Fadaraalka iyo kuwa Mucaaradka ayaa hada ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan hoyga uu dagan yahay Raysal wasaarihii hore ee Dawladda Fadaraalka Xassan Cali Khayre.
Kadib Weerarkii San Diego Islaam Naceybka oo Kusii Xoogeysanaya Mareykanka.[WARBIXIN]
Jamaacadda Nusratul islaam oo Baahisay Muuqaallka Weeraro lagu dilay in ka badan 10 askari oo ka soo jeeda Dalka Baniin, In ka badan 10 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar Diyaaradeed oo Dowladda Ukraine ku qaaday Dalka Rusuhka.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Hey’adaha Reer Galbeedka ayaa Bilaabay inay Warbixinno ka Qoraan Dhul-boobka iyo Barakicinta ay Dowladda Fedaraalku ka Waddo Magaalada Muqdisho.
Siyaasi Taabacsan Dowladda Fedaraalka ayaa Maqaal ka Qoray dhaqan xumo si ula kac ah dalka loogu faafinayo si ummadda qayimkeeda meesha looga saaro.
Ku Dhawaad 40 Ruux oo Kiristan ah ayaa Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Gobal Oramiya ee Gudaha Itoobiya.
Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa Qof Shacab ah Ku Dilay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Maanta waa maalin Arboco, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 17-12-1447 oo waafaqsa 03-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
Qarax ay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ayaa lala eegtay askar ka tirsan Dawladda Fadaraalka, waxaana ku dhaawacmay askari lagu magacaabo Farey.
Gobalka Gedo, qarax ay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Baladxaawo ayaa lala eegtay guddoomiye ku xigeenka maamulka ridada ee Baladxaawo Sugow Cali Barre, waxaana khasaaro soo gaaray qaar kamid ah ilaaladiisa.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax ay ka fuliyeen deegaanka Buurane ee gobalka Shabeladda Dhexe la eegtay ciidamo Burundees ah oo lugeynayey, waxaana qaraxaasi ku dhintay 4 askari, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa Qof Shacab ah Ku Dilay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Maalintii shalay waxaa afaafka hore ee demada Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ka dhacay, dil loo geystay qof shacab ah oo ahaa darawal ka xeynayay mootada loo yaqaan Sedax Lugooleyda, dadka qaarna ay dhahaan mooto Gaari.
Dilkan ayaa waxaa ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan magaaladaasi, wuxuuna yimid kadib markii uu askarigan qofka rayidka ah waydiistay lacag baad ah dabadeed uu u sheegay inuusan haynin lacagtaas, muran ka dhashay arrintaas kadibna waa uu dilay.
Ku Dhawaad 40 Ruux oo Kiristan ah ayaa Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Gobal Oramiya ee Gudaha Itoobiya.
Wararka inaga soo gaaraya Itoobiya ayaa ku warramaya, in ugu yaraan 37 qof oo Kiristan ah lagu dilay gobolka Oromiya oo ka mid ah dhulka ay Xabashida Itoobiya xoogga ku haysato.
Warbaaahinnada kasoo warrama dalkaas ayaa sheegaya, in dadkani si gaar ah loogu laayay degmada Aleko Teleta ee deegaanka Tefa Kebele ee aagga Arsi oo ka tirsan gobolka Oromiya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in tiro kale oo Kiristan ah la la'yahay, kuwaas oo laga cabsi-qabo in iyagana dhegta dhiigga loo daray amaba la afduubtay.
Kooxo hubaysan oon haybtooda la aqoon ayaa la sheegay in ay weerareen degaankan, kuwaas oo dhinaca kalena dab qabadsiiyey kaniisad ku taallay degmadaasi muddo ka badan 100 sano, taas oo gebi ahaanba basbeeshay.
Dhawr Qof ayaa Ku Dhintay Dibadbaxyo Ka Dhashay Xarun Karantiil oo uu Mareykanku Ka Hirgaliyay Dalka Kenya.
اکنون در دسترس! پژوهش تلگرام ۲۰۲۵ — مهمترین بینشهای سال 
