️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
رفتن به کانال در Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
نمایش بیشترکشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
260
مشترکین
+224 ساعت
+217 روز
+2130 روز
آرشیو پست ها
Maanta waa maalin Sabti ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 20-12-1447 oo waafaqsan 06-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, guri ay ku qayilayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku yaalla magaalada Buulomareer ee gobolka Sh/Hoose.
Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay laba kalana waa lagu dhaawacay, weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, ciidamo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada Buufow Iyo Lambar-60 ee gobolka Sh/Hoose.
Mid Kamid ah Xildhibaannada ayaa Xasan Sheekh ku Eedeeyay, inuu Go’aansaday Laynta Madaxdii Isaga ka Horeeyay.
Ciidamo la sheegay inuu soo amray Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa Maanta is-hor-istaag ku sameeyay kolonyo galbinaysay Shariif Sheekh Axmed oo ka guuray xaafadda Miranaayo kuna sii jeeday gurigiisa ku yaalla afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Muddo ku dhow 40 daqiiqo ayaa la tilmaamay, in Shariif Sheekh Axmed iyo ciidamadiisa ku xayirnaayeen Bar kontarool oo Ku Talla degmada Shangaani ee gobalka Banaadir.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa arinkaasi ku tilmaamay isku day uu Xasan Sheekh doonayay inuu ku khaarijiyo Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay, in Xasan Sheekh si uu kursiga u haysto uu lasoo baxay ficillo iyo qorshalyaal uu kaga dayanayo madax digtaatoore ah oo ka jira Afrika, sida uu sheegay xildhibaanka.
Dawladda Kenya ayaa Sheegtay Inuu Hoos u Dhac Dhaqaale oo Xooggan Ku Socdo Miisaaniyadda Dalka.
Warbixinno iyo falanqaymo dhaqaale oo kasoo baxaya dalka Kenya ayaa muujinaya in xukumada dalkaas ay wajahayso cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya, iyadoo khubaro badan ay ka digayaan in miisaaniyadda dalka ay gaartay heer halis ah.
Dhaqaalo xumadan ayaa sii laba lixaadsanaysa iyada oo ay dowladdu si joogto ah u kordhinayso canshuuraha, si loo xoojiyo dakhliga soo galaya khasnadda xukuumada, haddana waxay falanqeeyayaashu sheegayaan in caqabadaha jira aysan ku koobnayn dakhli yaraan oo keliya.
Khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya, in dhibaatada ugu weyn ay ka dhalatay kororka kharashaadka dowladda iyo habka loo maareeyo lacagaha dadweynaha, iyada masuuliyiinta ugu sareeya dalka lagu eedeeyay in ay musuq ku hayaan hantida dadwaynaha.
Jabhadda Amxaarada ee Faano ayaa si Adag uga Hortimid Qiimeyn uu Ururka Midowga Afrika ku Sameeyay Doorashada Itoobiya.
Maleeshiyaadka Amxaarada ee Faano ayaa ku dhaleeceeyay Midowga Afrika, Urur Goboleedka (IGAD), iyo kormeerayaasha kale ee caalamiga ah qiimeyntooda hordhaca ah ee ay ku sameeyeen doorashooyinka guud ee Itoobiya ka dhacay 1-da bishan Juun.
Faano ayaa ku dooday, in doorashooyinku aysan buuxin waxa ay ugu yeereen heerarka dimuqraadiyadda islamarkaana aan loo tixgelin inay matalaan xaqiiqada siyaasadeed ee dalka.
Warqad Faano u diray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayay ku sheegtay, in qiimeynta wanaagsan ee ay soo saareen hawlgallada kormeerayaashu ay halis gelinayso sharciyeynta doorashooyinka lagu qabto colaadaha hubaysan iyo xayiraadaha siyaasadeed.
Waa Habeennimo Sabti ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 20-12-1447 oo ku beegan 05-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax ka fuliyay gudaha magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, waxaana lala eegtay gaari uu la socday taliyaha saldhigga Booliiska magaalada Baydhabo, ninka lagu magacaabo Aadan Moora-gaabey.
Sarkaalkaas ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxa uu khasaare soo gaaray ilaaladiisa, iyada oo uu burbur soo gaaray gaarigii uu la socday.
Ciidamo kalaTaabacsan Xasan Sheekh iyo Sharif Sheekh Axmed ayaa isku Horfadhiyo Gudaha Magaalada Muqdisho.
Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaarihii Hore ee DF-ka ayaa Sheegay, inu ka Badbaaday isku dey Dil.
Maanta waa maalin Jimco, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 19-12-1447 oo waafaqsa 05-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaarihii Hore ee DF-ka ayaa Sheegay, inu ka Badbaaday isku dey Dil.
Shir jaraa’id oo uu saacadihii lasoo dhaafay ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayuu Xasan Cali Kheyre kaga warbixiyay dagaalkii isaga iyo ciidamada xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray caasimadda.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay, in madaxweynaha Dowladda Fedaraalka uu adeegsaday wasiilo iyo qaab kasta oo uu ku dili lahaa isaga iyo siyaasiyiinta lagu weeraray guriga ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho.
Kheyre ayaa intaasi ku daray, in Xasan Sheekh uu goobta ku laayn gaaray erga isaga ka socotay oo laga soo diray Villa Soomaaliya si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac.
Ciidamo kalaTaabacsan Xasan Sheekh iyo Sharif Sheekh Axmed ayaa isku Horfadhiyo Gudaha Magaalada Muqdisho.
Dowladda Fedaraalka aya lagu soo waramayaa, in ciidamo fara-badan ku daabulayso Xafadda Mirinaayo ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu dhufays ka dhigtay Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda ku Meel gaarka.
Abaabulkan ayaa yimid, kadib markii Afhayeenka booliska Dowladda Fedaraalka ee gobalka Banaadir uu shalay si cad u sheegay, inay duulaan ku yihiin xaafadda Mirinaayo ee uu degan yahay Shariif Sheekh Axmed.
Labad ciidan ayaa lasoo wariyay, in tan iyo xalay isku horfadhiyeen xaafadda, walow uusan wax dagaal ah dhicin, inkasta oo lasoo sheegayay, in meelaha qaar xalay laga maqlayay rasaas teel-teel ah.
Mudahaaraadyo Sababay Khasaare Isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhacay Degaan ka Tirsan Gobalka Togdheer ee uu ka Arimiyo Maamulka la Baxay Somaliland.
Wararka inaga soo gaaraya gobalka Togdheer ayaa ku waramaya, in ugu yaraan hal qof uu ku geeriyooday, mid kalana uu ku dhaawacmay mudaharaad maalintii shalay ka dhacay degmada Sheekh ee gobalkaasi.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo goobjoogayaal mudaharaadkan ayaa ka dhashay oday maamulka la baxay Soomaaliland uu dhawaan ku xiray deegaanka Mandheera ee hoostaga magaalada Barbare.
Mudaharaadyada ka dhacay degmada Sheekh ayaa lasoo wariyay, inay isku badaleen isku dhac dhexmaray ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland iyo dibadbaxayaasha oo qaarkood weeraray saldhigyo ciidan oo ku yaalla gudaha magaalada, sida laga dheehan karo muuqaallo laga soo duubay.
Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa hadba qodobka ugu weyn ee todobaadkaas taagan, iyadoo mararka qaarna lagu soo gudbiyo mawaadiic gaar ah oo ahmiyad xambaarsan.
Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta looga hadlay Xiisada siyaasadeed ee ka dhaxesa Dawlada Fadaraalka iyo mucaaradka taa soo gacan kahadal isku badashay.
Maanta waa maalin Jimco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 19-12-1447 oo waafaqsan 05-06-2026, Barnaamijka Tarbiyada Caruurta waxaa soo jeedinaya Cabdi-Khaaliq Macallin Cabdi-Wali.
Dad Soomaali ah ayaa Lagu Dilay Gudaha Waddanka Koonfur Afrika.
Masuul Sare oo Ka Tirsan Dawladda Kenya ayaa Lagu Qabtay Lunsashada Maalaayiin Shilinka Dalkaas ah.
Askari Kasoo Goostay Dowladda Fedaraalka ayaa Isu Soo Dhiibay Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud.
اکنون در دسترس! پژوهش تلگرام ۲۰۲۵ — مهمترین بینشهای سال 
