fa
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

رفتن به کانال در Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

نمایش بیشتر
کشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
263
مشترکین
+124 ساعت
+157 روز
+2030 روز
آرشیو پست ها
Maamulka Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan oo Diraya Hambalyo Ku Aadan Ciidul-Adxaa. Maamulka Warbaahinta islaamiga ah e
Maamulka Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan oo Diraya Hambalyo Ku Aadan Ciidul-Adxaa. Maamulka Warbaahinta islaamiga ah ee Al-Furqaan wuxuu hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul-adxaa u dirayaa dhammaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan dadka ku taxan wararka iyo barnaamijyada idaacadda. Wuxuu maamulka Al-Furqaan boorrinayaa xiriirinta qaraabada siiba maalmaha ciidda iyo in laga war qabo dadka taagta daran, wuxuuna guud ahaan Muslimiinta u rajeynayaa inuu Allaah dhibka ka qaado, sannadkan kiisana ay ku naaloodaan xorriyad iyo horumar Alle idankiis.

DHAGEYSO: Kalimadda Hambalyada Ciidul Adxaa 1447 Hijri, Oo Uu Soo Jeedinayo Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Azmada ka Taagan Marinka Hormuz oo Saameysay Bangiyada Waaweyn ee Mareykanka.[WARBIXIN]

Xujeyda baydka Alle oo maanta taagan buurta carafo halkaas oo ay ku gudanayaan rugniga ugu wayn xajka, 130 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax lala eegtay Tareern ay saar nayeena askar iyo Qoysas kooda dalka Pakistaan.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Weerar ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada askarta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Sheekh Barrow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya.

Ugu yaraan afar askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay 11 kalana waa looga dhaawacay gaari Kooyal ahna waa looga gubay, qarax ay Mujaahidiintu ka fuliyeen duleedja magaalada Dhadhaab ee dhacda xad beenaadka Soomaalya iyo Kenya.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Muuqaal: Xujeyda Muslimiinta ayaa maanta gudanaya rukniga ugu weyn ee Xajka oo ah istaagidda Banka Carafo.

Dowladda Fedaraalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa is weydaarsaday hanjabaado ka dhashay dibadbixii shalay ka dhacay Muqdisho.

Maamulka la Baxay Jubbaland ayaa DF Ku Eedeeyay, inay Hawada ka Celisay Diyaarad Siday Dad Rayid ah oo Ka Duushay Magaalada Kismaayo.

Xoolo aad u badan ayaa maanta lagu kala iibsaday suuqa magaalada Kuunyobarrow ee wilaayada sh hoose.

Xildhibaan Ka Baxay Baydhabo ayaa Biiriyay Safka Maleeshiyaadka Daacadda u ah Laftagareen ee Ku Sugan Duleedka Magaaladaasi.

Suudaan ayaa Xadka ay la Wadaagto Itoobiya soo Dhoobtay Ciidamo Badan, Xilli Laga Digayo Dagaal Dhexmara Labada Dowladood.

Maanta waa maalin Talaado, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 09-12-1447 oo waafaqsa 26-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdulkhaaliq Macalin Cabduwali

Xildhibaan Ka Baxay Baydhabo ayaa Biiriyay Safka Maleeshiyaadka Daacadda u ah Laftagareen ee Ku Sugan Duleedka Magaaladaasi.
Xildhibaan Ka Baxay Baydhabo ayaa Biiriyay Safka Maleeshiyaadka Daacadda u ah Laftagareen ee Ku Sugan Duleedka Magaaladaasi. Xogahaa inaga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku waramaya, in mas’uul horay uga tirsanaa maamulka la baxay Koonfur Galbeed oo ka baxay magaalada Baydhabo uu u galay dhanka maleeshiyaadka daacadda u ah C/Caziiz Laftagareen oo ah Hogaamiyihii hore ee maamulkaas. Masuulkan oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Macallin Salaad islamaraana ahaa xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa gaaray jiidda dagaalka ee banaanka Baydhabo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen afhayeenkii Laftagareen iyo wasiirkiisa amniga sida laga dheehan karo sawirroo ay baahiyeen masuuliyiintaas.   Waxaa xildhibaanka halkaasi uga sii horeeyay, taliyihii booliska degmada Qansaxdheere iyo 50 askari oo la socday oo iyagana dhawaan ku biiray maleeshiyaadka Laftagareen.

Maamulka la Baxay Jubbaland ayaa Dawlada Fadaraaalka Ku Eedeeyay, inay Hawada ka Celisay Diyaarad Siday Dad Rayid ah oo Ka Du
Maamulka la Baxay Jubbaland ayaa Dawlada Fadaraaalka Ku Eedeeyay, inay Hawada ka Celisay Diyaarad Siday Dad Rayid ah oo Ka Duushay Magaalada Kismaayo. Maamulka Axmed Madoobe ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay, inay hor istaagtay diyaarad siday dad rayid ah oo ka baxday magaalada Kismaayo kuna socotay degmada Dhoobleey. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka la baxay Jubaland ayaa lagu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay diyaaradda ku amartay, inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer ee ku hoos jirta gumaysiga Dowladda Kenya. Falkaan ayuu maamulka Jubbaland ku tilmaamay, mid sharci darro ah islamarkaana ka baxsan waxa uu ugu yeeray xeerarka duulimaadyada rayidka ah. Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ayaa waxa uu ugu baaqay, hay'adaha caalamiga ah ee sheegta inay qaabilsan yihiin duulista rayidka ah, inay si dhow ula socdaan waxa uu ku tilmaamay xadgudubyada soo nognoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah iyo xorriyadda socdaalka shacabka.

Dowladda Fedaraalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa is weydaarsaday hanjabaado ka dhashay dibadbixii shalay ka dhacay Muqdi
Dowladda Fedaraalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa is weydaarsaday hanjabaado ka dhashay dibadbixii shalay ka dhacay Muqdisho. Saacadihii lasoo waxa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbax abaabulan oo ay dhigayeen dadkii uu dhulka ka boobay Xasan Sheekh loogana soo horjeedo xukunkiisa, halka DF lafteedu ay xalay Xamar ka dhigtay banaabax iyadu lagu taageerayo oo ay ku qasabtay dadka shacabka ah ee saarnaa gaadiidka dadweynaha, kadib markii ay tiradoodu yaraatay dadka iyada taageersan. Sidoo kale Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Mahadi Cumar Muumin ayaa hanjabaad warbaahinta umariyay mucaaradka iyo dadkii shalay dhigay dibadbaxa ka dhanka ah Dowladd Fedaraalka, isagoo sheegay in mudaaharaadkoodu ahaa fal dembiyeed ay mudaaradku soo abaabuleen. Siyaasiyiinta mucaaradka ayuu dhankooda usheegay inuu ujari doono waaran maxkamadeed waana kan isagaoo uhanbaya. Mucaaradka ayaa usoo jawaabay Mahdi, waxayna ugu goodiyeen in lala xisaabtami doono isaga iyo saraakiisha la midka ah.

Suudaan ayaa Xadka ay la Wadaagto Itoobiya soo Dhoobtay Ciidamo Badan, Xilli Laga Digayo Dagaal Dhexmara Labada Dowladood. Wa
Suudaan ayaa Xadka ay la Wadaagto Itoobiya soo Dhoobtay Ciidamo Badan, Xilli Laga Digayo Dagaal Dhexmara Labada Dowladood.   Warbaahinnada ayaa tabinaya, in Millatariga Suudaan ay cutubyo ka tirsan ciidamadooda ku daabulayaan soohdimaha ay la wadaagaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin maleeshiyaadka RSF iyo SPLM-N ee uu taageero Imaaraatka Carabta.   Ciidamadan oo aad u fara-badam ayaa lagu soo warramayaa, inay isku balaarinayaan aagagga xuduuda si ay u yareeyaan khataraha kaga imaan kara maleeshiyaadkaas oo la tilmaamay, in marar qaarkooda laga soo abaabula gudaha Itoobiya iyagoo kasoo gudba dhinaca xuduuda.   Xogaha ayaa intaasi ku daraya, in Dowladda Suudaan ay damacsan tahay dib u qabsashada degmada Kurmuk oo ah magaalo xuduudeed taariikhi ah oo ku taalla xad beenaadka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya

Diyaar garow balaaran oo ku saabsan ciidul adxaa ayaa laga dareemayaa magaalada Saakow ee wilaayada islaamiga ah ee Jubada Dhexe