️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
رفتن به کانال در Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
نمایش بیشترکشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
260
مشترکین
+224 ساعت
+197 روز
+1930 روز
آرشیو پست ها
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 01-01-1448 oo waafaqsan 15-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Bulshooyinka Ku Dhaqan Bariga Afrika ayaa Si adaga Uga Horyimi Qorshayaal Cusub oo uu Faransiisku Doonayo In uu Ka Hirgaliyo Dalalkaas.
Faransiiska ayaa wajahaya caqabado isa soo taraya oo ku saabsan dadaalladiisa uu ku doonayo inuu dib ugu soo ceshado saameyntii uu ku lahaa qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Bariga Afrika, kadib markii uu lumiyay xiriirro iyo saameyntii uu ku lahaa dalal badan oo dhaca Galbeedka qaaradda Afrika.
Warbixinno ay daabaceen warbaahino calami ah ayaa tilmaamaya in dowladda Faransiisku ay Kenya u aragto albaabka ugu weyn ee ay uga sii gudbi karto Bariga Afrika, iyadoo sheegaysa in ay xoojinayso iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa la kulmaya mucaaradad iyo shaki ay muujinayaan qaybo ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka.
Muddooyinkii dambe, mudaharaadyo iyo falcelinno siyaasadeed ayaa ka dhacay Kenya xilligii booqashooyinka iyo shirarka uu ka qaybgalay Madaxweynaha Faransiiska, taas oo muujisay in dareenka ka
Itoobiyaa ayaa la Tilmaamay, inay Duulaan Aamusan oo Dhinacyo Badan Leh ku Hayso Jabhadda Tigreega ee TPLF.
Wargeyska Itoobiya ee Addis Standard ayaa maqaal dheer oo uu daabacay waxa uu ka hadlay xaaladda cakiran ee ka aloosan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya kadib heshiiskii nabadda ee Pretoria ee 2022-kii lagu soo afjaray dagaalkii gobolka Tigrey.
Maqaalkan oo uu qalinka u qaatay Hagos Mezgebe Atsbaha oo ah cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda dhaqaalaha ayaa waxaa lagu sheegay, in inkastoo dagaalkii hubaysnaa uu istaagay 2022-kii, haddana Tigrey uu wajahayo cadaadis baahsan oo dhinacyo badan.
Qormada ayaa sidoo kale lagu xusay, in xukuumadda Abiy Axmed ay adeegsanayso xeelado kala duwan oo ay ku doonayso inay ku wiiqdo oo ay kala furfurto Tigray, taasoo ka hor imanaysa ayuu yiri, mabaadi'da dastuuriga ah, xuquuqda aadanaha, iyo dib u dhiska kadib colaadda.
Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Puntland ayaa Lagu Eedeeyay inuu Qeyb ka Yahay Kala Goynta Soomaaliya.
Geelle Casayr oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka la baxay Puntland ayaa eedeeymo kala duwan u jeediyay hogaamiyihiisa Saciid Cabdullaahi Deni.
Xildhibaanka ayaa Saciid Deni ku eedeeyay, inuu qeyb ka yahay kala goynta Soomaaliya, islamarkaana uu la saftay maamulka gooni goosadka ah ee la magacbaxay Soomaaliland.
Khudbad uu Saciid Deni maanta u jeediyay Baarlamaankiisa ayuu xildibaankani ku tilmaami mid khiyaale aheyd.
Maamulka la baxay Puntland ayaa lagu tiriyaa maamullada qarka uu saran gooni goosed si lamid ah maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.
Waa Habeennimo Talaado ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 30-12-1447 oo ku beegan 15-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Sidee ayay Qaaradda Yurub Ugu Diyaar-garoobeysaa Duullaanka Kaga Soo Wajahan Shiinaha?[WARBIXIN]
Ku dhawaad 20 ruux oo Falastiiniyiin ah oo Ku Shiiday Duqaymo ay Fuliyeen Ciidamada Yahuuda,Tobonaan ruux oo Itoobiyaan ah oo ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Amxaarada. Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Muqaawamada Falastiin ayaa si Kulul uga hadlay Booqashada uu Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Soomaaliland ku Tagay dhulka Yahuudu heysato.
Maamulka Itoobiya ay ka Dhisatay Dhulka Soomaali Galbeed ayaa Laba Jibaaray Dhaca iyo Boobka uu u Geysanayo Shacabka ku Dhaqan Dhulkaas.
Dowladda Kenya ayaa qiratay in uu khasaare kasoo gaaray weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysigeeda.
Kacdoon hubeysan oo lagu diidan yahay doorashada uu wado Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa ka billowday magaalo katirsan gobolka Galgaduud.
Magaalooyinka Buulofullaay iyo Ceelcadde oo ka kala tirsan Gedo iyo Bay ayaa lagu daawaday muuqaal ay dhawaan baahisay mu’asasada Al-kata’ib oo lagu soo bandhigay natiijada kamiin culus oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan gobolka Sh hoose ayaa aragtiyo ka dhiibtay booqashada cabdiraxmaan cirro ee Yahuuda.
Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 29-12-1447 oo waafaqsan 15-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Maxamed Sheekh Cali
Muqaawamada Falastiin ayaa si Kulul uga Hadashay Booqashada uu Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Soomaaliland ku Tagay Yahuudda.
Garabka siyaasaddda ee muqaawamada Falastiin ayaa si kulul uga hadlay qorshaha hogaamiyaha maamulka la baxay Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu safaaradda uga furtay magaalada barakaysan ee Qudus ee ku hoos jirta gumaysiga Yahuudda.
Waxa ay muqaawamada ku tilmaamay tallaabadaas “qalad siyaasadeed” iyo mid sharci darro ah sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay maktabka siyaasadda ee Muqaawamada Falastiin.
Bayaanka ayaa lagu yiri: "Waxaan si kulul u cambaareyneynaa oo aan gaashaanka u daruuraynaa booqashada madaxweynaha gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu ku tagay Kayaanka Sahyuuniyadda iyo kulankiisa uu la yeeshay hogaamiyaasha Yahuudda, ee caanka ku ah xasuuqa dadkeenna reer Falastiin iyo guud ahaan Carabta."
Dowladda Kenya ayaa qiratay in uu khasaare kasoo gaaray weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysigeeda.
Saraakiisha amniga ee Dowladda Kenya ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay, inay saraakiil uga dhaawacmeen weerar ay dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Fiinow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera.
Illaa Saddex sarkaal oo booliis ah ayay Dowladda Kenya qiratay inay uga dhaawacmeen weerarkaas, sida saraakiisha amniga u sheegeen warbaahinta gudaha ee Kenya.
Saraakiisha dhaawaca ayay tilmaameen, in weerarka kadib loo qaaday xarumaha caafimaadka si loogu daweeyo, iyagoo aan wax faahfaahin ah ka bixinin xaaladdooda caafimaad.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray, in dagaalyahannada ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerarka ku qaadeen xerada ciidamada Kenya iyagoo adeegsanaya qoryaha RPG-ga iyo qoryaha fudud ee boobaha ah sida PKM.
Kacdoon hubeysan oo lagu diidan yahay doorashada uu wado Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa ka billowday magaalo katirsan gobolka Galgaduud.
Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay isku soo bax ballaaran oo ay dhigeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaas iyo maleeshiyaad hubeysan, kaas oo ay kaga soo horjeedaan doorashada uu wado Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh.
Hub iyo gaadiid dagaal oo ay qoryo ku rakiban yihiin ayay soo bandhigeen dibad-baxayaasha, iyagoona si cad uga soo horjeestay doorashada uu Xasan wato iyo midda uu doonayo inuu ka hirgaliyo deegaannada uu ka arrmiyo maamulka la baxay Galmudug.
Sarkaal katirsan maleeshiyaadka qeybta ka ahaa dibadbaxa ayaa waxa uu goobta ka sheegay, in aysan ogoleyn doorashada uu wado Xasan Sheekh, dagaalna ay kaga hortagi doonaan haddii doorasho lala soo aado.cod
Xukuumada Shiicada ah ee Iiraan ayaa Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqday Inay Heshiis Lagusoo Afjaroyo Dagaalka La Gashay Dawaladda Maraykanka. [Falanqayn]
Mid kamid ah Hey’adaha Reer Galbeedka ayaa Sheegtay, inay Xirtay Tobanaan Xarumood oo ay ku Laheed Soomaaliya Dhaqaale La’aan Soo Foodsaartay Awgeed.
اکنون در دسترس! پژوهش تلگرام ۲۰۲۵ — مهمترین بینشهای سال 
