es
Feedback
Smart Crypto

Smart Crypto

Ir al canal en Telegram

Your gateway to the latest in cryptocurrency! 🚀🔹 News & Updates 🔹 Market Analysis 🔹 Investment Tips 🔹 Educational ContentJoin us and stay ahead in the crypto world

Mostrar más
1 674
Suscriptores
Sin datos24 horas
-47 días
-2130 días
Archivo de publicaciones
Shirkadda NCR Atleos ayaa ku dhawaaqday adeeg cusub oo loogu talagalay dadka isticmaala Bitcoin, kaas oo ah LibertyX Bitcoin
Shirkadda NCR Atleos ayaa ku dhawaaqday adeeg cusub oo loogu talagalay dadka isticmaala Bitcoin, kaas oo ah LibertyX Bitcoin Cashout. Adeeggan cusub wuxuu u oggolaanayaa dadka inay si sahlan ugu beddelaan lacagta dhijitaalka ah ee Bitcoin lacag kaash ah iyadoo la adeegsanayo in ka badan 30,000 ATM oo ku yaalla Mareykanka. Nidaamkan cusub wuxuu ka caawinayaa dadka inay si fudud u helaan lacag kaash ah oo ka timaadda Bitcoin, taas oo kordhinaysa fursadaha isticmaalka lacagaha dhijitaalka ah ee nolosha maalinlaha ah. Shirkadda NCR Atleos waxay muujisay inay ku hawlan tahay sidii ay ugu xidhnaan lahayd nidaamka bangiyada ee hadda jira iyo dunida lacagaha dhijitaalka ah, taasoo ka dhigaysa adeeggan mid muhiim ah oo loogu talagalay mustaqbalka lacag-bixinta. Adeeggan wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa isbeddelka sii kordhaya ee dadka isticmaala lacagaha dhijitaalka ah, sidoo kalena wuxuu ka caawinayaa inay si fudud ugu dhex milmaan dhaqaalaha caadiga ah.

Sawirkan wuxu soo bandhigayaa qiimaha Bitcoin-ka (BTC) oo sanado kala duwan, gaar ahaan xilliyada u dhexeeya bilaha Maarso iy
Sawirkan wuxu soo bandhigayaa qiimaha Bitcoin-ka (BTC) oo sanado kala duwan, gaar ahaan xilliyada u dhexeeya bilaha Maarso iyo Oktoobar.. 1. Apr - Oct 2020: Intii u dhaxeysay Abriil iyo Oktoobar 2020, waxaa la arkay koror xoog leh oo ku yimid qiimaha Bitcoin-ka, taas oo muujineysa bilowga bull market ama suuqa koraya. 2. Mar - Oct 2022: Xilligan waxaa lagu arkay Bitcoin-ka xasillooni dhexdhexaad ah, oo macnaheedu yahay in aysan jirin isbeddel weyn oo qiime ah oo dhacay muddadan. Suuqu wuxuu galay xaalad go'an ama suuq xasilloon. 3. Mar - Oct 2024: haddii Maarso ilaa Oktoobar 2024 uu noqon doono mid la mid ah xilliyadii hore, iyada oo la fiirinayo haddii suuqu uu dib u soo laaban doono, ama haddii uu hoos u dhici doono. Waxaa muuqata in dadka falanqeeya suuqa ay il gaar ah ku hayaan xilligan si ay u arkaan sida uu Bitcoin u dhaqmi doono, iyadoo la eegi doono haddii taariikhdu ay dib isku soo celin doonto, taas oo ah mid muhiim ah oo wax badan ka badali karta rajada suuqa.

Milkiilaha Telegram, Pavel Durov, ayaa lagu sii daayay dammaanad $5 milyan ah, balse weli waxaa lagu hayn doonaa kormeer maxk
Milkiilaha Telegram, Pavel Durov, ayaa lagu sii daayay dammaanad $5 milyan ah, balse weli waxaa lagu hayn doonaa kormeer maxkamadeed, iyadoo loo diiday inuu ka baxo Faransiiska, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Paris. Dhibaatadiisu waxay soo bilaabatay markii uu ka gaabsaday inuu ka tirtiro macluumaad sir ah oo la sheegay in laga xaday Israil oo lagu faafiyay Telegram. Hadda waxaa loo haystaa eedeymo cusub oo la sheegay inay yihiin aan sal baar lahyn ,

Waa maxay USDT ? USDT, oo si buuxda loogu magacaabo Tether (USDT), waa mid ka mid ah lacagaha ugu caansan ee kriptada ah, oo ka tirsan nooca loo yaqaano stablecoins. Stablecoins waa lacagaha digital ah oo loo sameeyay inay ku xidhnaadaan qiime rasmi ah, sida doolarka Mareykanka, si looga hortago isbedelka badan ee qiimaha, kaas oo badanaa ka dhaca lacagaha kriptada ah. USDT waxaa soo saartay shirkadda Tether, taas oo ballanqaaday in mid kasta oo USDT ah ay taageerto hanti dhab ah oo u dhiganta hal doolar ($1 USD). Marka la eego qaab-dhismeedkeeda, USDT waxay u shaqeysaa sida kayd digital ah oo lagu keydiyo qiimaha doolarka, iyadoo la fududeeyo hawlaha ganacsi ee dhexmaraya lacagaha kriptada iyo lacagaha dhaqameed. USDT waxay caan ku noqotay sababtoo ah waxay bixisaa: 1. Xasilooni Qiimo: Sababtoo ah USDT waxaa taageera doolar, qiimaheedu waa mid u dhow inuu ahaado $1 mar walba, taas oo ka dhigaysa doorasho wanaagsan oo lagu keydiyo qiimaha marka la barbar dhigo lacagaha kale ee kriptada ah, kuwaas oo qiimahoodu si weyn u beddeli karaan. 2. Isticmaalka Suuqyada Kriptada: USDT waxaa si weyn looga isticmaalaa suuqyada kriptada ah, gaar ahaan marka dadku ay rabaan inay ka baxaan ganacsiga lacagta kriptada ah iyagoon u wareegin lacagaha dhaqameed. Tani waxay u oggolaanaysaa ganacsatada inay si fudud u kala beddelaan lacagaha kriptada iyagoo aan u wareegin bangiga dhaqameed. 3. Degdeg iyo kharash yar: Isticmaalka USDT wuxuu fududeeyaa in lacagaha loo diro meel kasta oo dunida ah si degdeg ah oo leh kharash yar marka loo eego lacagaha dhaqameed. USDT waxaa laga heli karaa badanaa suuqyada lacagaha kriptada, waxaana looga isticmaalaa si ballaaran oo ku saabsan lacag-bixinta, kaydinta, iyo ganacsiga. Si kastaba ha noqotee, marar badan waxaa la is weydiiyaa taageerada rasmiga ah ee shirkadda Tether iyo habka ay u ilaaliso xasiloonida qiimaha lacagta USDT, taas oo mararka qaar dhalisa muran iyo baaritaanno sharciyeed. Si kastaba ha noqotee, USDT waxay weli tahay mid ka mid ah lacagaha stablecoin-ka ah ee ugu caansan uguna isticmaalka badan dunida.

photo content

Wiil Xaaskiisu kala Tageen ayaa sheekh Shibilli soo wey diiyey su'aal cajiib ah oo eheed Sheekhoww. Xaaskeyga ayaan 2010 ku m
Wiil Xaaskiisu kala Tageen ayaa sheekh Shibilli soo wey diiyey su'aal cajiib ah oo eheed Sheekhoww. Xaaskeyga ayaan 2010 ku mehersaday 10 Bitcon oo xiligaa Qiimahaan 10 kaa Bitcon 0.30 Cent lacag ka ayar Hada oo ah 2024 ayaa Furay oo aan kala Tagnay waxayyna igu tiri waxaan karabaa 10 keygi Bitconka ahaa ee aad igu mehersatay sheekhoow tasoo hada u dhiganta Aduun lacageed oo garaya $650.000 kun oo doolar Sheekha ayaa ugu Jawabay waad inaad sisaa Gabadha 10 Bitcon sabatoo ah waxaad ku mehersatay waa 10 Bitcon lacag kash kuma adan mehersan .. F-G gaar ah hada Ninkaan wuxuu rabay in uu meher ahaan u siiyo qiimaha uu 10ka Bitcon 2010 ahaa oo u dhigneed wax ka yar 0.30 cent doolar Balse sheekh ayaa ku tiri waxaana lagu yiri Sii 10kii Bitcom aad ku mehersatay oo hada lacag ahaa. U dhiganta lix Boqol oo kun oo Doolar $640.000 US doolat waana kugu waajib. ( Gabadhani hada waxay xaq ahaan u helaysaa lacag ku dhow $1M ) Waa Hadii aysan Cafin ama wada xojood u ogolaanin .

farqiga u dhexeeya cryptocurrency iyo Forex: 1.Hantida La Kala Iibsanayo: ● Cryptocurrency: Lacagaha dijitaalka ah (e.g., Bit
farqiga u dhexeeya cryptocurrency iyo Forex: 1.Hantida La Kala Iibsanayo:Cryptocurrency: Lacagaha dijitaalka ah (e.g., Bitcoin, Ethereum). ● Forex: Lacagaha caadiga ah (e.g., Dollar, Euro, Yen). 2.Qaab-Dhismeedka Suuqa: ● Cryptocurrency: waa Suuq furan 24/7. ● Forex: waa Suuq xakameysan, shaqeeya 24 saacadood maalintii, shan maalmood usbuucii. 3. Isbeddelka Qiimaha:Cryptocurrency: Qiimaha si degdeg ah ayuu isu beddelaa, isbeddelka bil kasta waxaa laga yaabaa inuu gaaro 10-30%. ● Forex: Qiimaha waa mid deggan, isbeddelka bil kasta waxaa laga yaabaa inuu gaaro 1-5%. 4.Xeerarka: ● Cryptocurrency: Xeerar kala duwan, waddan kasta si gaar ah ayuu u xakameeyaa. ● Forex: Xeerar adag oo caalami ah. 5.Helitaanka Suuqa: ● Cryptocurrency: Si sahlan ayaa loo heli karaa, maalgashi yar ayaa ku filan (e.g., $10-$50). ● Forex: Maalgashi badan iyo faham wanaagsan ayaa loo baahan yahay (e.g., $500-$1,000+). #smartcrypto

Sawirka kor kamuuqda waxaw tusinaya ● Coin-ka:Popcat (SOL) ● Qiimaha Hadda: $0.5728 ● Isbedelka 24 saac: Kor u kacay 30.93% o
Sawirka kor kamuuqda waxaw tusinaya ● Coin-ka:Popcat (SOL) ● Qiimaha Hadda: $0.5728 ● Isbedelka 24 saac: Kor u kacay 30.93% oo ah $0.00000936 B ● Isbedelka 24 saac ee lasoo dhaafay: +34.61% Screenshotkaas: wuxuu muujinayaa in qiimaha Popcat uu kor u kacay si weyn 24-kii saac ee la soo dhaafay, gaar ahaan laga soo bilaabo 0.4318 ilaa 0.5728, oo ah koror qiyaas ahaan 30.93%. Waxay u muuqataa in xiisaha maalgashadayaasha uu kordhay, taas oo keentay in qiimaha si degdeg ah uu u kordho. Falanqayn: Haddii aad haysato maalgashi Popcat(SOL), waxaa laga yaabaa in fursad wanaagsan ay tahay in aad qiimeyso suuqan marka uu qiimuhu sareeyo si aad faa'iido u hesho. Haddii aad qorsheynayso inaad ku maalgashato, waxaa fiican inaad fiiriso suuqyada kale iyo isbedelka qiimaha Popcat ka hor intaadan go'aan ka gaarin. #smartcrypto. #2024.

Weli ma isticmaashay lacagta Dollar ka Cryptada ee loo yaqano USDT
Anonymous voting

Cryptocurrency waa lacag dijital ah ama elektaroonig ah oo lagu sameeyo kuna shaqeysa iyada oo aan loo baahnayn hay'ad dhexe
Cryptocurrency waa lacag dijital ah ama elektaroonig ah oo lagu sameeyo kuna shaqeysa iyada oo aan loo baahnayn hay'ad dhexe sida bangi ama dowlad. Waxaa lagu sameeyaa oo lagu xafidaa tiknoolojiyada loo yaqaan blockchain, taas oo ah diiwaan dadweyne oo ammaan ah oo ka diiwaangeliya macaamillada dhammaan isticmaaleyaasha lacagtaas. Halkii ay ka noqon lahayd mid la taaban karo sida lacagaha caadiga ah (sida doollarka ama shilinka), cryptocurrencies waxay ku jiri karaan oo keliya qaab dijital ah. Cryptocurrencies waxay u oggolaanayaan dadka inay sameeyaan macaamillo caalami ah oo toos ah, iyada oo aan la marin wax dhedhexaadiye ah sida bangiyo. Sababtan awgeed, waxay bixiyaan qarsoodi dheeraad ah, kharashyo yar, iyo xawaare sare, laakiin sidoo kale waxay keeni karaan halisyo sida isbedelka qiimaha oo degdeg ah iyo caqabadaha sharciyeed. Noocyada ugu caansan ee cryptocurrencies waxaa ka mid ah Bitcoin, Ethereum, iyo Litecoin.

Shirkadda Meta ee leh Facebook ayaa maanta ku dhawaaqday in dadka jooga Kenya ay hadda lacag ka sameyn karaan Facebook. Adeeg
Shirkadda Meta ee leh Facebook ayaa maanta ku dhawaaqday in dadka jooga Kenya ay hadda lacag ka sameyn karaan Facebook. Adeegyada sida in-stream ads, reels ads, iyo dhammaan adeegyada lacag sameynta ee Facebook, dadka jooga Kenya ee content creators ah, waxay hadda si toos ah u isticmaali karaan bank-yadooda iyaga oo aan u baahneyn inay kusii xirnaadaan dadka kale ee meelaha kale jooga.Arrinta xiisaha leh ayaa ah in madaxda dalka Kenya ay ka shaqeeyeen suuragalinta howshan!Wasaaradda Isgaarsiinta Soomaaliya ma u suuragalin kartaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee content creators ah, oo qaarkood u guura Turkiga iyo waddamo kale, qaarna dadka dibadaha jooga ku xirnaadaan ciwaanadooda, iyo qaar kale oo server laga iibsado inay iyagana ka maarmaan? Fiiro Gaar ah: Waxaa jira adeegyo badan oo kale oo dalka ka maqan, kuwaas oo haddii la heli lahaa ay dhalinyarada ka xoroobi lahaayeen wax badan oo ay ku dabran yihiin.

Makawar qabtiin in suuqi Cryptada aw Hoos u dhac aad u wayn Lasoo deristey maalmihii ugu danbeysey Waana waqtiga ugu fiican e
Makawar qabtiin in suuqi Cryptada aw Hoos u dhac aad u wayn Lasoo deristey maalmihii ugu danbeysey Waana waqtiga ugu fiican ee aad maal gashan karto maadama suuqu dhacsanyahay sidaas darteed kafaaideyao Fursada hoos u dhaca aw suuqu sameyey oo iibso intaad ka gaarto ✅️

Appkaas beryahan suuqa haysta Waxaa lalaeeyahay lacag laga sameeya marka linkigan raaco soo fiiri bal in warkaas wax ka jiraan

Check out this free app — It Pays to Walk 🚶 https://sweatco.in/i/sirhafid

Ma rabtaa crypto free ah Raac linkigan kuso dhiegy kor👆👆

4 Days Lefted .🔔 Weli waxaan kujirnaa Maalmihi discount aan ugu talagelney inay ka faaideysataan ardeydena waxaan sameyney i
4 Days Lefted .🔔 Weli waxaan kujirnaa Maalmihi discount aan ugu talagelney inay ka faaideysataan ardeydena waxaan sameyney ila laga gaaro 01.08.2024 Qiima dhimis Gaareysa 75% Oo aan ugu talagalaney inay nagula dabaal Dagaan Malintaas waxaan koorsoyinkena ka dhigney 👇👇👇 ✅️ Mobile Graphic Design. $1.5 ✅️ Mobile Video Editing. $1.5 ✅️ Facebook Course . $1.5 Hadi aad jeceshahay Nagala.soo xariir whatsappkeena 👇👇👇👇 https://wa.me/+252616343351 https://wa.me/+252616343351 https://wa.me/+252616343351

01.08.2024 waa maliin aad noogu wayn Waxana jeceleysanay ardeydeena jecel barashada koorsoyinkeena sidaas darteed waxaan same
01.08.2024 waa maliin aad noogu wayn Waxana jeceleysanay ardeydeena jecel barashada koorsoyinkeena sidaas darteed waxaan sameyney ila laga gaaro 01.08.2024 Qiima dhimis Gaareysa 75% Oo aan ugu talagalaney inay nagula dabaal Dagaan Malintaas waxaan koorsoyinkena ka dhigney 👇👇👇 ✅️ Mobile Graphic Design. $1.5 ✅️ Mobile Video Editing. $1.5 ✅️ Facebook Course . $1.5 Hadi aad jeceshahay Nagala.soo xariir whatsappkeena 👇👇👇👇 https://wa.me/+252616343351 https://wa.me/+252616343351 https://wa.me/+252616343351

Maxaa ka dhacay Maalmihii lasoo dhafay suuqa Cryptocurrance ? Maalmahan dhow, suuqa cryptocurrency ayaa la kulmay isbeddelo x
Maxaa ka dhacay Maalmihii lasoo dhafay suuqa Cryptocurrance ? Maalmahan dhow, suuqa cryptocurrency ayaa la kulmay isbeddelo xooggan. Bitcoin ayaa hoos ugu dhacay $54,000 sababtuna waa cadaadis iib oo ka yimid iibinta Bitcoin la haystay ee xukuumadaha Jarmalka iyo Mareykanka, iyo sidoo kale lacagaha loo celinayo isticmaaleyaasha Mt. Gox. Tani waxay sababtay in Bitcoin hoos ugu dhaco in ka badan 10% usbuucii la soo dhaafay, waxaana la filayaa inuu sii hoos ugu dhaco $50,000 haddii cadaadiska iibka uu sii socdo . Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira fursado wax iibsiga marka cadaadiska iibka uu yaraado. Maalgeliyeyaasha Mareykanka waxay ka faa'iidaysteen hoos u dhaca, waxayna maalgelin $140 milyan ku sameeyeen ETFs-ka Bitcoin ee suuqa . Dhinaca kale, hadalka Guddoomiyaha Federal Reserve Jerome Powell oo ku saabsan hoos u dhigista suurtagalka ah ee heerka dulsaarka bisha September ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay suuqa . #smartcrypto2024

Smart Crypto - Estadísticas y analítica del canal de Telegram @smartcryptacurrency