cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegación. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

Liibaan Lugcad

Bartaan Telegram, waxaan idinkugu soo gudbi doonaa macluumaad u badan jabka Khawaarijta iyo muuqaalada xiisaha leh ee rukumo.

Mostrar más
Finlandia246El idioma no está especificadoNoticias y medios7 803
Publicaciones publicitarias
19 823
Suscriptores
+1024 horas
+4447 días
+2 19830 días

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

Cabdullaahi Muuse Seeraar ayaa galabta lagu fuliyey dil toogasho ah, kadib markii uu shalay degmada Caabudwaaq ku dilay Afwayne Lugey Xayle, ninkaan waxaa maanta xukunka dilka ah ku riday maxkamadda gobolka Galgaduud, wuxuuna toos u qirtay inuu kas u dilay marxuumka.
Mostrar todo...
👍 34👎 2
Horjooge Siidoow Cali Ibraahim oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dhuumaaleysata koonfurta Gobolka Mudug ayaa xalay iska dhiibay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii uu u dul-qaada waayey dhibaatada argagixisada ku heysata duurka iyo howlgallada is dabajooga ah ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka. Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah ku sheegay Aanas, ayaa mar soo noqday horjoogihii Khawaarijta ee ugu sareeyey deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, balse hadda wuxuu ahaa madaxa maleeshiyaad ku dhuumaaleysta aagga deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere, sida ay noo sheegeen saraakiisha ku sugan Xarardheere.
Mostrar todo...
👍 22👎 1
👍 4🔥 1
👍 4
Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaashii ugu badnaa oo ka tirsan Khawaarijta, kadib howlgallo culus oo ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga. Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay soo qabteen 12 xubnood oo la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, kuwaas oo qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baada ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xiliyada habeenkii ah. Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran. Tallaabadaan ayaa ka dhigan in lagu guuleystay burburinta shabakado halis ku ahaa shacabka oo ka tirsanaa Khawaarijta, mana ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale xididada loogu siibay dhagarqabaasha dhuumaaleysiga ku jooga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee dalka. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee ka soo haray fikirka guracan ee Khawaarijta, waxaana dhalinyarada ugu badan ee isisoo dhiibayaasha ah laga diiwaan geliyey deegaanada K/Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
Mostrar todo...
👍 14
Mostrar todo...

19👍 5
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay, kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka shaqada Qaran ee loo igmaday.
Mostrar todo...
👍 34 6
👍 28 5
👏 38🤣 14 13👍 9🔥 8 1