cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegaciรณn. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

๐˜€๐˜‚'๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ถ ๐—ฎ๐—ต

ma jeceshahay sualo dini ah hadaba halkan waxad ka helaysa su'alo ku cajiib galiya (joinn dheh ) ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡

Mostrar mรกs
Finlandia3 281El idioma no estรก especificadoReligiรณn y espiritualidad92 876
Publicaciones publicitarias
572
Suscriptores
Sin datos24 horas
+27 dรญas
+2030 dรญas

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ูŠ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… "ูƒู„ ุงู„ู†ุงุณ ูŠุบุฏูˆ ูุจุงุฆุน ู†ูุณู‡ ูู…ุนุชู‚ู‡ุง ุฃูˆ ู…ูˆุจู‚ู‡ุง" Nabigu (scw) wuxuu yidhi dadka oo dhammi way kallahaan dad naftoodelay iibiyaan, dadna way xureeyaan, amaย  way halaagaan." Waxaa wariya Muslim Waxaad jirtay tan iyo markii lagu abuuray,ย  tareenkii noloshaada ayaa ka dhaqaaqay saldhigga adduunka. Waxa hubaal ah inuu gaadhi doono saldhiga aakhiro.. Safarkaaga, awaxaad ka dhigi doontaa inaad naftaada baabi'iso ama aad Naarta ka xorayso. Qofkii ku dadaala inuu Eebbe adeeco wuxuu naftiisa ka gaday Eebbe oo uu ka xoreeyey cadaabkiisa. Ruuxii ku dadaala rabitaankiisa iyo raaxadiisa wuxuu ka gaday naftiisa Shaydaanka isagoo ka dhigay mid halaagsantay oo lagu xidhxidhay dambi iyo xumaan.
Mostrar todo...
โค 1
KA fAA'IIDAYSIGA WAKHTIGA Wakhtigu inuu cajiib yahay kii caqli leh baa garan Wakhtigu waa shayga ugu muhiimsan noloshaada ee aan dib loo iibasan karin Wakhtigu wa waxa aan soo noqon wax kasta hadii aad samayso Wakhtigu waa cimriga qofka iyo raasamaalkiisa nolosha sababtoo ah malin kasta oo ku soo marta waxay kaa qaada qayb cimrigaaga ah waxayna kusii dhawaysaa xaga dhimashada Wakhtigu wa shayga lagu waydiin doono maalinta qiyaame adigoo Alle SWT hortaagan meeshaad ku bixisay Sidaa darteed wakhtigaaga ugu faa'iidayso wax ku anfacaya aakhiro iyo aduunba Adeecida iyo u dhawaansha Alle Wayne waa lagama maarmaan in aad ku bixiso wakhtigaaga si aad u gudato cibaadada Iyada oo Tani ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee wakhtiga loo isticmaalo ย "Waqtigu waa sida dahab oo kale, haddii aadan ogaanin, wuu tagaya" ย ย ย ย ย ย  Waqtigu waa hanti, haddii aad lumiso waad luntay Wakhtigu waa mid muhiimad wayn leh waayo soo noqon maayo lamana kaydin karo lamana badali karo lamana magdhabi karo Wakhtigaaga ku bixi meel kasta oo khayr ah oo Alle SWT raali ka yahay Wakhtigaaga gali meel kasta oo aad xirfad iyo aqoon ka helayso adigoo 1 ka dhigaya diinta Wakhtiga badankii ku bixi cibaado inta yar ee kuu hadhayna nolol maalmeedkaga raadso adigoo ka raadinaya meel xalaal ah Wakhtiga gali sidii aad labo nolol oogu guulaysan lahayd mida aad maanta nooshahay iyo mida xigi doonta Wehel malaha duniduye wadaygaagaa yacni sxbkaga ka yeel cibaado Warsan iyo mid murugo leh weeyo duniduye rabi wehelkaaga ya yeel Wakhtiga ku bixi sidii aad hadafkaaga aduunyo ku gaadhi lahayd adigoo hadafkaaga ka dhigaya aakhiro aduunyadan hadii aad guul gaadho iyo hadii aadan gaadhinba wa mid gaaban oo aad ka guuri doonto Hadii aad guuldaraysato mar ama labo aduunyada intaad joogto waxaa macquul ah marka 3 aad inaad guulaysato balse geerida ka dib guul ma jirto hadi aadan manta wakhtigaaga ku bixin. guuldarada dhabta ah waa Mida aakhiro guusha dhabta ahna waa mida aakhiro Wakhtigeena kuma dadaalo inta badan enagoo ah dad Islaam ah oo laa abuuray cibaado oo kaliya W'Q wllkiin๐Ÿ‘‡ muhamed garaneโœ
Mostrar todo...
Ibrahim ibnu ad-ham wuxu kamid ahaa salafkii wanaagsanaa wuxu ahaa nin zaahid ah oo aduunyo ka zaahiday aabihii boqor buu ahaa asagana nin maal badan buu ahaa maalin maalmaha kamida asagoo faras saaran adoonkiisina la socdo aya xag Alle lagala hadlayย  ibraahiimoow sidan kuumaana abuurin aya lagu yidhi yaci codkaan ayuu maqlay kadib malkiisa iyo wax kasta oo uu haystay wuu ka dhax baxay wuxuu noqday cumlimada ugu waawaynayd ee zaahidiinta ahaa wuxuu so maray maalin maalmaha kamida magaalada Basra dadkii ayaa kuso xoomeen waxay ku dheheen yaa abaa isxaaq wa magaciisa maxaa nagu dhacay mar kasta ilaahay ayaan barinaa nalamana aqbalee Wuxuu yidhi quluubtiina 10 shay ayay uย  dhimatay 1- ilaahay ayaad aqoonsateen xaqiisina ma gudanaysaan 2-ย  Nabi Muxammad inaad jeceshihiin baad sheeganaysaan sunadiisina waad ka taqteen 3 - Qur'aanka ayaad akhrinaysaan habeen iyo maalin kumana camal falaysaan 4- ilaahay nimcooyinkiisa ayaad cunaysaan kumana shukhrinaysaan 5- shaydhaan inuu cadawgiina yahay ayaad sheeganaysaan mana khilaafaysaan 6 - janadu waa xaq ayaad leedihiin uma camal falaysaan 7 - naartu waa xaq ayaad dhahdeen kamana cararaysaan 8 - geeridu waa xaq ayaad tiraahdeen umana diyaar garoobaysaan 9- ceebaha dadka ayaad ku mashquulaysan hurdada markaad kaso kacdaan ceebihiininaย  waad ilawdeen 10 kuwiina dhintay ayaad xabaalaysaan malin kasta kumana cibro qaadanaysaan Tobanka shay ayay quluubtiinu u dhimatay wax la idanka aqbalayo ma jiro Danbigaagu haduu bato qalbigaaga ayaa angagaya qalbiga haduu angagana maxa laga qabali bal is waydii !?
Mostrar todo...
โค 4๐Ÿฅฐ 1
Sheeg suurada loo yaqaano mu'min?Anonymous voting
  • Suuratu axqaaf
  • Suuratu ghaafir
  • Suuratu faaxita
  • Suuratu mu'minuun
0 votes
Sheeg suurada loo yaqaano suuratu sayf?Anonymous voting
  • Suuratu kahfi
  • Suuratu tawbah
  • Suuratu baqarah
  • Suuratu quraysh
0 votes
Rasuulku N.N.K.H wuu diiday maalinta Sabtida in Soon Sunne ah la soomo, laakiin arinkaasi wuxuu ku gaar yahay Soonka aan Sabab lahayn, hadaba Soonka berri oo Sabti ah la soomayo wuxuu leeyahay sabab u gaar ah oo ah in uu ku beegmay maalintii Carafa; sidaa darteed way banaan tahay in berri oo Sabti ah la soomo iyada oo aan laga horaysiinayan Jimcaha.
Mostrar todo...
๐Ÿ‘ 4
Sheeg aayadaha suuratu daahaa?Anonymous voting
  • 138 aayadood
  • 137 aayadood
  • 135 aayadood
  • 136 aayadood
0 votes
Photo unavailableShow in Telegram
Via @same_wade_team Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. ๐Ÿ˜‡ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—ธ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผo ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป, ๐Ÿ’™๐Ÿ˜˜ โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚  โžฆ โโ”โ”โ” ๐Ÿ“โœฆ ๐—ฆ๐—ฃ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—ข๐—ฅ๐—˜๐—— โœฆ๐Ÿ“ โ”โ”โ”โ     โ‚โœฟโ‚โœฟโ‚ - โœฟโ‚โœฟ โ†ช๏ธ @XIKMADAHA_NOLOSHAA โ†ช๏ธ @xikmadosomali โ†ช๏ธ @same_wade_team โ†ช๏ธ @wadnojacayl โ†ช๏ธ @kaahanolosha โ†ช๏ธ @ARMAAN_FILMIS โ™งGuddoomiyaha kooxdaโ™ง @PROFESSOR_ARMAAN
Mostrar todo...
๐Ÿ“๐—›๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”๐—”๐—ก ๐—™๐—จ๐—ฅ ๐—”๐—ค๐—ฅ๐—œ๐—ฆ๐—ง๐—˜๐Ÿ“
Tobanka maalmood ee Adduunka ugu fadli badan. !!! 1-Rabbi sw dadka wuu kala fadilay oo Nabi Muxammed ๏ทบ ayaa ugu fadli badan, dhulkana wuu kala fadilay oo Makka iyo madiinaa ugu fadli badan, sidoo kale wakhtiga Alle wayne wuu kala fadilay waxaa maalmaha ugu fadli badan maalinta Jimce, sidoo kale habeenka laylatul-qadriga ayaa ah habeen ka fadli badan kun bilood, waxaa kamida wakhtiyada ugu fadli badan tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Carrafo. ( dul xijah ) 2-Markuu Allaah sw adoomadiisa jeclaysiiyay inay booqdaan gurigiisa sharafta leh waxaa iska caadi ah in qof kasta Karayn inuu tago xaramka ayuu Allaah sw qofka karaya cimirigaiisa dhan hal mara xajka ku waajibiyay. Tobanka maalmood ee ugu fadli badan aduunkana dhextaal ooga dhigay ka xajinaya iyo kan kale ee kari waayayba, qofkii Kari waaya inuu xajiyo wuxuu awoodaa isagoo gurigiisa jooga inuu shaqasto camalka fadli badan ka muujihidka soo laabtay xataa. 3-Allaah sw maalmahan wuu ku dhaartay waxaan qiimo wayn lahayna Alla Wayne Kuma dhaarto. { ูˆูŽุงู„ู’ููŽุฌู’ุฑู โ—‹ ูˆูŽู„ูŽูŠูŽุงู„ู ุนูŽุดู’ุฑู โ—‹ ูˆูŽุงู„ุดู‘ูŽูู’ุนู ูˆูŽุงู„ู’ูˆูŽุชู’ุฑู . } Sidoo kale Alla Wayne maalmahan wuxuu ina faray inaan xuskiisa badina badino wuxuuna ku tilmaamay maalmo laysla yaqaano. { ูˆูŽูŠูŽุฐู’ูƒูุฑููˆุง ุงุณู’ู…ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูููŠ ุฃูŽูŠู‘ูŽุงู…ู ู…ูŽุนู’ู„ููˆู…ูŽุงุชู. } -4 Waxuu yidhi Nabi Muxammed ๏ทบ: "Ma jiraan maalmo camal la qabtaa ka fadli badanyahay maalmahan " Waxaa la waydiyay suubanaha ๏ทบ : Ma xataa Jihaadka!? " haa xataa jihaadka marka laga reebo nin naf iyo maalba la baxay oon waxba lasoo laaban." ( shahiiday hantidiisiina la qaatay ) 5-Sidoo kale wuxuu yidhi Nabi Muxammed ๏ทบ: Xadiith uu warinayo Jaabir: " maalmaha adduunka waxaa ugu fadli badan tobankan maalmood " 6-Wuxuu Abuu qataada wariyay xadith uu soo saaray Muslim inuu yidhi Nabi Muxammed ๏ทบ : "Soomitaanka maalinta carafo waxaan rajaynayaa in lagu dhaafo danbiga sanadkii tagay iyo sanadka soo socda" waa maalinta 9aad waxaana soomitaanka maalintan loo sunneeyaa qof kasta oon acmaasha xajka ku guda jirin. 7- Wuxuu yidhi Anas ibnu maalik rc: Maalmahan tobankaa maalin walba oo kamida waxay u dhigantaa xagga fadliga 1000 maalmood maalinka carafana ( 9aad ) 10,000 maalmood. Shucabul-iimaan 3/358๐Ÿ““ 8-Abuu hurayra iyo Cabdullaahi ibnu cumar maalmahan marka la gaadho suuqa intay usoo baxaan ayay kor takbiirta u qaadi jireen. ( Allaahu akbar, Ahlaahu akbar, Allaahu akbar) Wuxuu yidhi Xassan Al basri: Hal maalin oo laga soomo tobanka hore ee carafo waxay u dhigantaa labo bilood soonkood. Addurar-Al-manthur 8/501๐Ÿ““ 9-Wuxuu yidhi Abu cuthmaan An-nahdi: Waxay salafku waynayn jireen Afar Tobnaad: tobanka danbe ee bisha Ramadaan, tobanka hore ee bisha Carafo, iyo tobanka hore ee bisha Muxarram. 10-Waxaa la waydiiyay Shaykhul islaam Ibnu taymiyah : Midkee fadli badan Tobanka ugu horeeya bisha dul-xijah ( carrafo ) iyo tobanka u danbeeya bisha Ramadaan ? Wuxuu yidhi sheekhu: Haday noqoto habeenkii waxaa fadli badan tobanka danbe ee ramadaan, haday maalinka noqotana waxaa fadli badan tobanka hore ee bisha dul-xija. ( carrafo ) ๐Ÿ““ Majmuucul Fatawa 25/154. 11-Waxaa kamida waxyaabaha layna faray maalmahan qofka doona inuu udxiyo gawraco inuusan tintiisa iyo cidiidisa jarin tobankan cisho. Umu salama waxay ka warisay Nabiga ๏ทบ inuu yidhi: " Markii tobankan la galo ee midikiin doono inuu udxiyaysto uusan taaban tintiisa iyo cididiisa toona. " 12-Waxaa layna Faray maalmahan inaan gabiba khayrka badino, hadday Salaad noqto, soon, sadaqo, qur'aan akhris, saaltu-layl, udxiyo, badinta saliga nabiga ๏ทบ qaraabo xiriirin, marti sooridda, tasbiixda ( Subxanallah ) taxmiidda ( Alxamdullilaah) tahliisha ( Laa ilaaha Illa-Allaah ), takbiir (Allaahu akbar. ) iwm 13- Ka dheeroow xumaanta mar walba gaar ahaan wakhtiyada fadliga badan iyo bilaha xurmada leh, waayo xumuhu wuu ka danbi badanyahay wakhtiyada kale. โบ๏ธ Laasii wadaag walaalahaa khayrka Badanoow Akhyaat kaloo badan
Mostrar todo...
Elige un Plan Diferente

Tu plan actual sรณlo permite el anรกlisis de 5 canales. Para obtener mรกs, elige otro plan.