es
Feedback
WACYI || وعي

WACYI || وعي

Ir al canal en Telegram

Love quotes and relatabke 📚 post الحمدلله على كل حال💙 Sido kale waxad kala socon kartaa _____________________________ ◇ Wacyigelin ◇ Xikmado ◇ Dhiirigelin ◇ Oraahyo

Mostrar más
1 581
Suscriptores
Sin datos24 horas
-47 días
-1230 días
Archivo de publicaciones
Wakhtigu waa hadiyadda ugu weyn ee noloshu ku siisay balse hadiyaddan waxaa muhiim ah in si xikmad leh loo isticmaalo. Wakhti
Wakhtigu waa hadiyadda ugu weyn ee noloshu ku siisay balse hadiyaddan waxaa muhiim ah in si xikmad leh loo isticmaalo.
Wakhtigu mahan oo kaliya saacadaha iyo daqiiqadaha ku dhaafaya, ee waa noloshaada lafteeda, Sida aad u qiimeyso wakhtigaaga, waa sida aad u qiimeyso naftaada

Cajiib!!😭 Dadku way wada dhimanayaan, laakiin, ninkii ubad dhalay adduun iyo aakharaba waa u baxsan. Bal arag sida ay ugu ha
Cajiib!!😭
Dadku way wada dhimanayaan, laakiin, ninkii ubad dhalay adduun iyo aakharaba waa u baxsan. Bal arag sida ay ugu hareeraysanyihiin qabriga!. 😭😭

Mar haddii qalbigaagu niyadsan yahay, maankaagu aragti fog leeyahay, naftaaddu go’aan adag leedahay, ruuxdu Rabbi kaashi leedahay, waqtina la haysto, wax waliba waa suuragal gaadhiddiisa

Ixtiraamku waa aasaaska xiriir kasta oo guuleysta wuxuu ka muhiimsan yahay saaxiibtinimo, qaraabo, xitaa jacayl, Haddii uusan
Ixtiraamku waa aasaaska xiriir kasta oo guuleysta wuxuu ka muhiimsan yahay saaxiibtinimo, qaraabo, xitaa jacayl, Haddii uusan jirin ixtiraam wax kale oo qurux badan ma jiro

Laga yaabaa inaad marayso maalmo adag oo culays kugu haya, oo aaddan helin cid kuu qalbi-qaboojisa oo kadeedka iyo diihaalka kula qaybsata , maalmuhu kashaada ayey cusleynayaan adigoo u maleeya inaad hoogtay se ugu dambaynta Ilaahay ayaa ku badbaadiya oo kaa saara dhibta ka dib waxaad noqotaa sida qof aanay waxba ku dhicin weligii. 🤍✨

‏Eid Mubarak تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال وكل عام وانتم بخير Allaha inag aqbalo Acmasha iyo cibadada ✅️
‏Eid Mubarak
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال وكل عام وانتم بخير
Allaha inag aqbalo Acmasha iyo cibadada ✅️

Maalinkii aynnu sugaynay waa yimid Ugu danbayn Allahayoow waa mahaddaa, Yaa Rabbi kuwii ka faa’iidaysta naga yeel oo cibaadad
Maalinkii aynnu sugaynay waa yimid Ugu danbayn Allahayoow waa mahaddaa, Yaa Rabbi kuwii ka faa’iidaysta naga yeel oo cibaadada ooga intii hore ee ay samayn jireenna sii labanlaaba si ay maalinkan nimcooyinka ku duuggan oo dhan u hantiyaan oo ay danbi-dhaaf ugu helaan yaa Allah

Repost from Dareen Bulsho
𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐫𝐚𝐟𝐨. 1. Seexo habenkii xili hore si aa xiliga dambe u cibaadeysato. 🍂 2. Soo kac salaadda subax kahor si aa u saxuurato oo u soonto. 🍂 3. Kadib duko laba rakco ama 4 rakco oo qiyaamulleyl ah oo bari allaah, adiga oo sujuudsan oo uga mahad celi inuu nabad kugu soo gaarsiiyay maalinkan, oo duceyso. 🍂 4. Inta salaadda subax ka dhiman istiqfarso, oo tasbiixso. Haddaa wiil tahay masjidka aad. 🍂 5. Isku diyaari salaadda subax oo soo weyso qaado adiga oo niyadda ku haya in dhibic walboo biyaha weysada ah ay la dhaceyso dambiyadaada. 🍂 6. Kadib dheh ducada weysada kadib la aqriyo ee ah( Ashhaddu an laa'ilaaha illaa laahu waxdahuu laa shariika lah, wa ashhadu anna muxammadan cabduhuu warasuuluh, allaahummajcalnii minat tawaabiina wajcalnii minal mutadahhiriin) 🤲. 🍂 7. Duka salaadda subax oo saligaaga haka kicin ilaa ay qoraxda kasoo baxeyso. 8. Intaas takbiirso oo qur'aan aqriso, oo tasbiixso. 🍂 9. Intaas kadib haddaa doonto kulaabo hurdada adigoo u niyeysanaya in ay tahay laba saacadood oo aa naftaada ku xoojineyso si ay awood ugu yeelato cibaadada rabbi, ama sii wado ajarkaa shaqeysaneyso. 🍂 10. Hurdada markaa kasoo kacdo sedax saac cml, duko 4 rakco oo salaatul duxaa ah, oo bilaaw digriga alle, tasbiixda qur'aan aqrinta iyo ducada ugu fadliga badan in lagu duceysto oo ah: Laa ilaaga illa laahu waxdahuu laa shariika lah, lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli shey'in qadiir. 🍂 11. Duhurka duko, oo sii wado tasbiixdaadi iyo takbiirtaadi oo qur'aanka sii aqri ama sheekha lasii aqri adiga oo dhageysanaya howlahaagana haysta. 🍂 12. Dhageyso qudbadda carafo, oo ka dhabeey sanadkan inaa ka faa'iideysato maalinkan qiinaha badan. 🍂 13. Casarka duko oo hakala joojinin tasbiixda iyo istiqfaarta iyo ducada. 🍂 14. Maqribka kahor 1 saac, fadhiiso saliga oo qur'aanka aqri oo alle bari hana ilaawin inaa muslimiinta, wadankaaga, shacabkaaga, ehelkaaga, walaalahaaga, iyo waalidkaaga oo dhan u duceyso. 🍂 15. Alle ka bari in ay qoraxda carafo dhicin illaa asaga oo raali kaa ah mooyaane. 🍂 16. Allaha na waafajiyo in aan ka mid noqono dadka qiimaha badan ee nasiibka u yeelan doona in uu allaah cafiyo oo dunuubtooda dhaqo maalinkan aadka u weyn 🤲🤲🤲 Adkaarta: 1000 jeer laa'ilaaha illa laah. 1000 jeer ku sali rasuulka scw. 100 jeer astaqfirullaah. 100 jeer subxaanallaah. 100 jeer al xamdu lillaah. 100 jeer allaahu akbar. 100 jeer laa xawla walaa quwwata illaa billaah. 100 jeer subxaanallaahi mabi xabdih, subxaanallaahil cadiim Takbiirta: Allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar laa'ilaaha illa laahu allaahu akbar allaahu akbar walillaahil xamd. Fadlan la wadaag ehelkaaga iyo intaa jeceshahay. #marwo@dareenbulsho

Fadliga iyo faa'idada ay sadaqadu leedahay waxaa ka mid ah in ay tahay cibaadada ugu wanaagsan ee Alle loogu dhawaado, cadhadda iyo ciqaabta Allena damisa, cudurka iyo caydha suulisa, cimriga qofka dhowrta, cadowga ka caabisa, carruurta barakaysa, cuud iyo calaf weyna lagu helo. Hadh iyo hoos ayey qiyaamaha u noqota dadka, jawharad Jidka siraad lagu dhaafo weeye jahannabana lagaga badbaado, Jannada Rabbina lagu galo, qiimaha iyo qaddarka ay leedahayna waxa inagaga filan in Salaadda iyo Soonka ay tahay sadaqadu ta saddexaad ee Alle ku ladhay! Qof kaste qabriba sugaya wixi qadarkiisa ah ha bxiyo maalin aynu ka baahi badannahay ayaa Iman doonta!

Salaadu dhaqanka qofka wax ayeey ka badashaa, akhlaaqdiisa ayeey wax ka badashaa oo xumaha ayeey ka rebtaa, hadii aad aragto
Salaadu dhaqanka qofka wax ayeey ka badashaa, akhlaaqdiisa ayeey wax ka badashaa oo xumaha ayeey ka rebtaa, hadii aad aragto adiga oo dhaqankaagu is badalin xumihiina aan wali ka harin hadana salaad. Tukanaayo saladaas ayaan ahayn salaadii saxda ahayd ileen Allah baa qur,aanka noogu shekagay in salaadu xumaha ay dadka ka reebto - Sh.mustafa xaaji ismaciil

Laba maalin oo qura ayaa ka hartay maalinka Carafo! Waxan idin xasuusinayaa in saxaabada ay sii diyaarsan jireen ducooyinkood
Laba maalin oo qura ayaa ka hartay maalinka Carafo!
Waxan idin xasuusinayaa in saxaabada ay sii diyaarsan jireen ducooyinkooda si ay maalinkaa weyniga badan ugu duceystaan. Waxayna aad ugu kalsoonaayeen in maalinka Carafo sanadka ka dambeeya ducooyinkooda oo dhan ay noqon doonaan kuwo aqbal noqday oo rumoobay. Sanad kama soo wareegi jirin ducooyinkooda oo Alle sw wuu u aqbali jiray oo sida waa baryay oo kale ayey u arki jireen wixi ay ku duceysteen. Hadaba waxaa haysataa fursad aad u weyn ood ku duceysan kartid uguna duceyn kartid dhamaan ummadda islaamka Fadlan ka faa'iideyso Walaalahaana gaarsii

Qof kasta oo marka ay dhibi ku haleesho garab ku siiyaa, murugo kama madhna, laga yaabaa in u garanayo qadhaadhka ay leedahay
Qof kasta oo marka ay dhibi ku haleesho garab ku siiyaa, murugo kama madhna, laga yaabaa in u garanayo qadhaadhka ay leedahay in u qofku murugoodo o aanu helin cid isgarab taagta 0 murugtiisaas la wadagta! Qof kasta oo wax ku siiyana ma ahan hantiile lagayaba inu waayey waxsiin😥

Lammaanayaasha waxaa waydiinayaa bal wax nooga sheega faa'iidada guurka?
Aniga haddaan idiin billaabo: Degganaan, Jacayl, Ixtiraam, Jawi beddel, masuuliyad, ka warqab, ilmo iyo koolkoolis. Waa haddii Alle kuu wanaajiyee.

Noloshu waa cajiib!. Habeenba qofbaa murugsan Halka mid kale faraxsan yahay silsilada noloshu waxay dhamaataa markaad adduunk
Noloshu waa cajiib!.
Habeenba qofbaa murugsan Halka mid kale faraxsan yahay silsilada noloshu waxay dhamaataa markaad adduunka aad ka tagto ee u samir wareega Nolosha iyo waqtiyadda is dabo maraaya
Rabbi ha u naxariisto qof waliboo muslim ah oo inaga hooseeya darajadiisa jano meesha ugu saraysa ha ka dhigo aamiin, illaahayna ha caafiyo kuweena xanuusan لا تحزن ان الله معنا🤍 Alleh wuxuu ogyahay waxaynu ogayn

Majiran wax Aadan marna Noloshadda aadan ka badaleynin?
Majiran wax Aadan marna Noloshadda aadan ka badaleynin?

Markaad la doodo qof kaa wacyi iyo garaad badan, dooddaasi way macaantahay oo dhadhan ayay leedahay. Walawba aad ku kal aragt
Markaad la doodo qof kaa wacyi iyo garaad badan, dooddaasi way macaantahay oo dhadhan ayay leedahay. Walawba aad ku kal aragti duwanaataane,wuxuu kuu furayaa oo uu ku barayaa waxyaalo cusub. ____
@wacyi01

❊ 𝐗𝐚𝐫𝐟𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐬 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐟 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐚❊ B---------------------F Labadan xaraf ee sare waa tusmo ku taabsiinaysa is-weydaarkoodu inuu ugu dhadhamo hadlaha iyo la-la-hadlahaba si isku hal ah, iyada oo aan macnihi ereygu is-doorinaynin marka labada shibbane ay is-qaataan. Hoos ka dheeho astayntan uu tusuhu kuu muujinayo sida ay labada xarafi kii la qaataba ay isugu mid yihiin. Baanis-------- faanis Rubuc---------rufuc B----------------------Sh Tus--- Baafto---------------shaafto B--------------------N Tus------- Haab----------------Haan X-------------Kh Tus Xadhaadh-----Khadaadh Xuuro--------Khuuro J-----------------Sh Tus------- Joocaar---shoocaac Jabaq------shabaq Kaadjay---kaadshay KH----------------Q Tus------- Bakhti--------Baqti Dakhar---Daqar D-------------------S Tus------- Danbiil-----------Sanbiil Dugul-------------sugul D---------------------Dh Tus------- Bud--------------Budh Daandaan-------Dhaandhaan D---------------G Tus------- Duunyo----------Guunyo Laad-----------Laag D--------------------T Tus------- Dukaan----------Tukaan Fiid--------------fiiit

Magacyada Roobka ======================= 119 Magac oo roobku keligii leeyahay Af-oomaaliga mooyee Afkale ma leh, aabbaha Afafka aadanaha weeye. Bal eeg; Noocyada daruurta roobka: 1 Daruur 2 Heego 3 Hogol 4 Hanjalis 5 Waqal 6 Fad 7 Guulaamo 8 Marso 9 Biyo la roor 10 Jarar 11 Sagal 12 Yaare 13 Yal 14 Caad 15 Ceeryaan 16 Cirtoob 17 Wayle 18 Kaydaf 19 Cadar Xagaa 20 Garab 21 Gaadh Jaadadka Roobka 22 Mahiigaan 23 Miiraale 24 Mayey (aroor) 25 Moodaale (galab) 26 Gadiidaale (duhur) 27 Mayrac (fiid) 28 Mir (saqdhexe) 29 Jir (habeen) 30 Jirdagooye 31 Jigaanjig 32 Gudgude 33 Garamme 34 Geeldooje 35 Dhool 36 Dhaan negeeye 37 Dhibic 38 Johorad Noocyada roobku uu u da'o 39 Hoorrimaad 40 Mijo haadle 41 Caaro hoor 42 Burur 43 Daadmaris 44 Biyodhig 45 Qoordadab 46 Tumay 47 Tiix 48 Gebedh 49 Ururufo 50 Cadcadays 51 Joojoojis 52 Hubuc 53 Hugunbaadh 54 Helimaas 55 Hayeys 56 Habqam 57 Bushuq 58 Circadaadi 59 Dhalaal 60 Waraab 61 Candho qoys 62 Afqoys 63 Duulduul 64 Qabqable 65 Yaare 66 Yuurur 67 Nayle hafiye 68 Nayle jaliye 69 Heega dhac 70 Jidhaameeye 71 Amaaguur 72 Jartaale 73 Deyrooti 74 Hibitiq 75 habis 76 Gabaabe 78 Bululuqle/Gululucle Noocyada Roobka 79 Xays Lix kor 80 Todob 81 wajiine 82 Diraac 83 Deyr Gudban 84 Deyr Halalood 85 Deyr Habis 86 Karan 87 Samalaho 89 Seyr (sadexda bilood ee guga seyr ma weydo oo gugu curto , bisha dirir iyo bisha cawl) Noocyada onkadka roobka 90 Hanqadh 91 Riigaan 92 Gariir 93 Reen 94 Gugugucle 95 Qowqowle 96 Nownowle 97 Jignigle 98 Jawjawle Noocyada hilaaca roobka 99 Galalacle 100 Galacle 101 Halalacle 102 Bililigle 103 Biligle 104 Walalacle 105 Milikhsade 106 Kaah Noocyada dabaylaha roobka 107 Foore 108 Ufo 109 Dabayl 110 ciiryaamo 111 Duufaan 112 Calaydh 113 Geydh 114 Gufaaco 115 Qayood 116 Qajajo 117 Saxansaxo 118 Galangal 119 Walanwal Adna ku darso Maaha xog aan soo ururshay ee waan intaan anigu aqaano ama deeggaanka aan ku barbaaray laga adeegsado. W/ q:- cabdixamik sheekh maxamed

WACYI || وعي - Estadísticas y analítica del canal de Telegram @wacyi01