es
Feedback
🌴 Murti & maad 🫂

🌴 Murti & maad 🫂

Ir al canal en Telegram

كُنْ فَيَكُونُ Tik: @daweeyyee Ins: @apdifatah 🫂 Kusoo dhawoow gacmo furan 🌴

Mostrar más
8 442
Suscriptores
Sin datos24 horas
-167 días
-9730 días
Archivo de publicaciones
Aayaddan Qur’aanka (Al-Cimraan: 19) waxay si cad u muujinaysaa in diinta Ilaahay aqbalay tahay Islaamka. Ma aha diin cusub, b
Aayaddan Qur’aanka (Al-Cimraan: 19) waxay si cad u muujinaysaa in diinta Ilaahay aqbalay tahay Islaamka. Ma aha diin cusub, balse waa fariintii Ilaahay uu u soo diray Nabi kasta oo ummadihiisa siiyey — laga bilaabo Nabi Aadam ilaa Nabi Muxammad (NNKH). Islaamku waa isku dhafka rumaynta Ilaahay keliya, raacidda rasuulkiisa, iyo ku dhaqanka caddaaladda, naxariista iyo tawxiidka. Waa nidaam nololeed oo dhamaystiran oo xoojinaya xiriirka bani’aadamka iyo Rabbigood. Qof walba oo doonaya badbaado iyo raalli ahaanshaha Ilaahay, ha ogaado: Waa inuu Islaamka rumeeyaa, oo ku dhaqmaa. Barre Adan ✍️

Jacaylka Alle waxaan u waayay halbeeg aan ku cabiro waana jacaylka dhabta ah ee waaraya وَأَلْقَيْتُ عَلَيْكَ مَحَبَّةً مِّنِّى Muusoow dushaada waxa aan yeelay kalgacayl xaggayga ka ahaaday Jacaylkaasi waa mid dhab ah waana ka waaraya ilaahay ha inagu arsaaqo jacaylkiisa Galab wanaagsan saaxiibayaal 

Dhambaalka 10aad 📜💞 Casharka manta:- ○ in aan marnaba laga quusan ilaahay sbw oo la talo saarto laguna kalsonaado ○ muhiimada ay leedahay ducado Ilaahayna qurankisa wuxu ku yiri (iwaydista waan idin siin doona ) Aqdartana way badasha ee halagu dadaalo 🫱🏻‍🫲🏼 Janatayn 🌴

Dhambaalka 9aad 📜💞 Casharka manta :- Ogow in jiritanku si kasto u dheeraado ay ka danbeyso jiritaan la'aan , dhalasho kasta ay ka danbyso dhimasho , camal kastana xisaab Intaas oo dhana ay kuso mari doonaan lana rabo sahaydada inad sii qaadato 🫱🏻‍🫲🏼 janatayn 🫂

Kala saaridda asalka iyo turunturrada Dadka qaar maba oggola in ciddii wax xumaysa canaanta lagu adkeeyo, kuwo iska xamaasada
Kala saaridda asalka iyo turunturrada Dadka qaar maba oggola in ciddii wax xumaysa canaanta lagu adkeeyo, kuwo iska xamaasadaysan oo jidkii salafka in ay hayaan sheeganayana qalad kasta ayaa ay dadkii ku rifayaan labadaa midna sax ma aha, waana in la kala saaro qofka masalo ama labo ku khilaafay Ahlu Sunnaha, taas oo ah turunturro uun, iyo qofka ku khilaafsan asal manhajeed oo guud oo ay tahay in tahay in lagu dhaleeceeyo. Dhaleecayntu waa ciqaab dan laga leeyahay ee ma aha xukun guud. Iqra books 📚

Magalada jacaylka ma dagaan kuwa caqliga leh: ayuub hajji ahmed 📚🫂
Magalada jacaylka ma dagaan kuwa caqliga leh: ayuub hajji ahmed 📚🫂

Dhambaalka 8aad 📜💞 Fg : ○Sunnabixı magaciisu waa Cabdiraxmaan binu Cusayla Al-Sunaabixi oo ka mid ahaa haldoorkii, hormuudkii iyo culimadii taabiciinta ○Saxaabi waa qofka Nebiga (NNKH) la kulmay, rumeeyay, sidaasna ku dhintay. Casharka manta :- Waxkasta oo aakhiradada anfacaya hadib dhigin sababtoo ah lama dib dhigi doono geeridaada 🫱🏻‍🫲🏼 janatyn [جنتين ] 🫶🏻

Dhambaalka 7aad 📜💞 Casharka maanta: Shayaadiinta casriga ah (dadka rabitaankoda racay ) waxay dembiyada ugu magacdaraan magacyo soo jiidasho leh, sida "khamriga" oo loo yaqaan "sharaabka ruuxiga ah," ama "zina" oo loo bixiyo "furfurnaan." "Qaawananta" oo loo yaqan "fasion" ama ilbaxnimo iyo heblayo stelka ayay taqan Waa muhiim in aan magacyada qurxoon lagu sirmin oo xaqiiqda loo fiiriyo iyo dhamadka ka dhalanaya 🫱🏻‍🫲🏼 janatayn [ جنتين ]

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

"Waxaad ahaanaysaa mid habowsan oo wareersan ilaa aad salaadda ka tukato" ____________ apdifataaaaah ✍️

Ku qurxista galabtiinan saliga nabiga 🌴S.C.W

Noloshu xoog iyo xanuuno badanaa Noloshu xasid iyo xin badanaa Noloshu xan iyo xasarad badanaa Noloshu xadhig iyo xabsi badnaa Allow naga yeel kuwa ku samra Gadgadoonka waayaha!! 😔

Dhambaalka 6aad 📜💞 Pov :- 1. Ilaahay waxa uu kaa qaado waxa uu ka leeyahay xikmad, waxa uu kuu daayaa waa naxaris dhankisa ka timi . 2. Guud ahaan, qorshaha Alle waa wanaag, haba yeesho duruufo adag oo lagugu imtixanayo. 🫱🏻‍🫲🏼 janatayn 🌴 murti & maad 🦁

Dhambaalka 5aad 📜💞 Pov :- ●bahidaada allah kaliya ubandhig ● Ku dadaal xalaasha marwalba si ducooyinkaga loo aqbalo 🫱🏻‍🫲🏼 janatn 🔥✍️

Kani waa gurigeena dhabta ah قال الله تعالى 《 قُلْ إِنَّ ٱلْمَوْتَ ٱلَّذِى تَفِرُّونَ مِنْهُ فَإِنَّهُۥ مُلَـٰقِيكُمْ ۖ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَـٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَـٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ, 》 Alle s.w.t wuxu yiri 《 Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla kulmi, markaasaa laydiin celin Ilaaha og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu idinka warrami (idinka jaasin) waxaad camal falayseen"💕 Ilahayoww gafkena iyo geridena ha kulmim🤲🏼✨ Ustaad abubakar ✍️

Xikmadda 597aad — Haddii aad laba qof wada jeclaatid waxaad doorataa midka aad gadaal ka jeclaatay, maxaayeelay haddii aad mi
Xikmadda 597aad — Haddii aad laba qof wada jeclaatid waxaad doorataa midka aad gadaal ka jeclaatay, maxaayeelay haddii aad midka hore si dhab ah u jeceshahay maba aadan jeclaateen midka dambe. Iqra books 📚

Dhambaalka 4aad 📜💞 Pov :- muhiim maha aragtidoodu waxa tahay naftada utahay , waxanad ahayna kuma noqonaysid carabkooda 🫱🏻‍🫲🏼 janatayn ✍️

Doorka labaad ee Islaamku amrayo in uu buuxiyo qofku waa wakiilnimada dhulka. Aayadda dhexdeeda, markuu Alle u sheegay Malaa'igta "Waxaan wakiil dhigaya dhulka" (2:30). Erayga Carabiga ah ee aayaddan loo adeegsaday خليفة waa khalifah" oo inta badan si khaldan loo fahmay, waxa loo qaatay in loola jeedo nidaamka siyaasadeed ee Islaamka ee uu hogaamiyo khaliifku. Fahamkaasina maaha macnaha Qur'aanka ee ereygan. Macnaha Qur'aanka ee khaliifku waa wakiil, ama mas'uul xilka si ku-meel-gaadh ah loogu dhiibo. Kaasi oo karti iyo aaminaad leh. U fiirso, waxaan idhi karti, sababta oo ah waxaynu u baahannahay in aynnu si dhab ah wakiil uga noqonno dhulka. macnaheedu waa, in dadku ay dhulka wakiil ka yihiin si ku-meel-gaadh ah. Ku cammiriddiisa shayga wanaagsan iyo ka fogaanshaha wixii xumaan ahina ay tahay masuuliyad iyaga saran.

Dhambalka 3aad 📜💞 Pov : waxyabahan hasameyn balse haday dhacdo kuwan ka danbeysi ● Markaad salaada faralka Ah aad dib dhigto raaci Sunaheeda ● Markaad heesaha dhagaysatona Jus quraan ah akhriso ● Markad waalidkaa codka Kor ugu qaado sadaqo baxso ● Qof markad xamato Uducee [janatayn] جنتن 🔥🌴