Salah Muse Hassan
Ir al canal en Telegram
4 073
Suscriptores
-524 horas
-387 días
-12230 días
Archivo de publicaciones
4 072
Anas ayaa Nabiga ﷺ Ka
Wariyay Inuu Yiri:
"Jumcaha Waa Maalinta Uu Rabbigaada ka Sara maray Carshiga"
Shaafici ayaa ku wariyay Musnadkiisa, Cabdul-laahi Binu Axmad-na Kitaabkiisa As-sunnah, Ibnu Khuzeyma Iyo Kuwa Kale.
4 072
Layaab kale
"لَتَجِدَنَّ أَشَدَّ ٱلنَّاسِ عَدَ ٰوَةࣰ لِّلَّذِینَ ءَامَنُوا۟ ٱلۡیَهُودَ "
Maalin walba waxay kukacayaan cadaawad iyo gawrac cusub oo aan maskax aadame kusoo dhicin , maxaad filan kartaa oo ay kukeceen??
Waxay kukeceen dadka inay qaxiyaan kadib duqeeyaan kadib wixii firxaday jidka ay ugalaan oo waydiiyaan sharciga jid marka !! .
Hada waxaa lasoo sheegayaa inay xadeen maydad shacab reer gaza si ay warshadooda maqaarka aadama sameeya ay u geeyaan , horay waxay uqaadan jireen maydad maxaabiista Falastiiniyiinta ah.
Abdinasir Wanagsane
4 072
{ فَالِقُ ٱلۡإِصۡبَاحِ وَجَعَلَ ٱلَّيۡلَ سَكَنٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ حُسۡبَانٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ }
[سُورَةُ الأَنۡعَامِ: ٩٦]
Alle sareeyay waa kan ka dhambalo mugdiga habeenka iftiinka subadxdii, waa isaga kan habeenkii dadka ooga dhigay dagan oo ay ooga xasilaan dhaqdhaqaaqa macaash raadinta owgeed, Alle waa isaga kan ka dhigay qoraxda iyo dayaxa kuwa ku socdo xisaab la jaangooyay, kaas lasoo sheegay ee farsama yaabka u sameysan ah waa jaangoynta Allaha Caziizka ahee cid ka Adkaan karto aynan jirin, Waa Allaha ku ogaalka badan abuurkiisa iyo waxa u haboon.
Tafsiir Al-mukhtasar
4 072
Ingiriiska cadaawada muslimiinta
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa u codeeyay qaraarka in aan xabbad joojinta degdega ah Gaza laga sameynin wuxuuna taageeray sii wadida mashiinka dilka naxariis darada ah.
Natiijada codeynta ayaa ku soo baxday sida soo socota: 125 ayaa u codeeyay xabbad joojinta, halka 293 qof ay u codeeyeen in wax xabbad joojin ah la sameynin.
Mawqifkani maaha mid lagula yaabo Ingiriiska, maadaama uu yahay (ingiriiska) mid ka mid ah boqortooyooyinkii ugu dhiigga badnaa ee waayahaan casriga ah, waa tii dhidibada u taagtay hay’adda Sahyuuniyadda, isla markaana si rasmi ah u kafaala qaaday dambiyada ay galayso tobanaan sano.
Waa wax lala yaabo in mustaqbalka la arko qof amaanaya Ingiriiska oo u ololaynaya inuu tusaale u yahay xorriyadda iyo xuquuqul insaanka.
Xigasho
Dagaalkii ruushka uu ku qaaday yukreyn gaalada galbeedka oo dhan wey ka hor yimideen duulaankaas halka ay isku raaceen duulaanka yahuudu ku qaaday muslimiinta Gaza.
4 072
Wixii nacasnimo ahaa Mowsil caqli ayuu ku noqday Gaza.
Waxii argagixisanimo ku ahaa Mowsil waxay Gaza ku noqdeen jihaad.
Waxa Mowsil daandaansi cadaw ku ahaa Wuxuu ku noqday Gaza lama huraan.
Wixii nacasnimo ahaa ee lagu burburiyay degmooyinka Muslimiinta ee Mowsil waxay Gaza ku noqdeen qiimiha xorriyadda.
qahtan fattah.
Maxaa inaga khaldan oo inoo kala duway labo qadiyadood oo isku mid ah midna aan oogu aragnay khalad midna sax iyada oo kan soo duulay uu yahay mareekan iyo xulafadiisa, xaga wuu ku khaldan yahay intana wuu ku saxan yahay.
4 072
Madaxwayne Xassan iyo Raisal Wasaare ku xigeenka soomaaliya Saalax ayaa kulan la qaatay safiirka #Ingiriiska u fadhiya #Soomaaliya Mike Nithavrianakis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, xasilinta, wax ka qabashada saameynta El Niño, iyo u diyaargarowga shirweynaha caalamiga ah ee cunnada ee soo socda.
Waqti reer yurub ay xasuuq ugaysanayaan shacabka reer #gaza ayay madaxdeenii tuugsanayaan gaaladii reer yurub. Xitaa damiirku wuu dhaqaaqi wayay.
Abdinasir Wanagsane
Madax-weyne muslim sheegto oo rajo laga qabo ma jiro inuu go'aan ilaahey iyo rasuulkiisa iyo Mu'miniinta raali galiyo ka qaato waxa xilligaan muslimiinta ku dhacaayo gaalada midowdayna ay ku dhigeyso.
4 072
Madaxda galbeedka maanta
Biden : israaiil xaq ayay u leedahay in ay isbitaalada gasho sababtoo ah xamaas ayaa ku jirro
Naaziga jarmalka hogaamiyo : israaiil waxay dabaqaysaa qaanuunka caalamiga ah wax dambi ah ilaa hadda qaza kama ayna galin.
#Xigasho
4 072
Weriye yahuud ah:
"Tirada askarta naga dhimatay kama yara 2,985 labo kun sagaal boqol sideetan iyo shan askari, dhaawacana waa 11,600 toban iyo kow kun oo askari, waan naxay oo waan ooyay, Netanyahu adiga iyo Bidenbo Nacalad Ha idin ku dhacdo Israa'iil waxey galiyeen dagaal uu cid walba uga digay."
"Waxaan kula talinayaa dhammaan walaalahayga, qaraabada iyo asxaabta inay ka baxaan Falastiin, maadaama ay tahay habaarkii Ilaahay ee ku dhacay reer Israa'iil, maxaa yeelay waxaan dilnay dad aan waxba galabsan, bal waxaan geysanay xasuuqyo, oo ka dhan ah caruurta reer Gaza."
“Habaarka Qasa ayaa nagu dhici doona???
"Markaan baxo, waxaan baahin doonaa fadeexadaha Netanyahu, Gavier, iyo Biden."
4 072
Waxaa baqtiyay Gaalki weynaa ee sucuudiyaanka Ahaa Turki Alxamad waa kii dhahay: "Rasuulkeena Sharfan Wuxuu U Yimid Si'uu U Saxo Caqiidada Ibraahiim Al-khaliil, Waxaase Yimid Waqti Aan U Baahanan-nahay Qof Saxo Caqiidada Muxammad Binu Cabdil-laahi" uu ola jeedo Nabigeena Muxammad Scw.
Alle Ayaa Ku Mahad San Oo Nooga Raaxeeyay Habaar-Qabaha.
4 072
1. Balamaha oo aad ilaaliso.
2. Dadka kuu dhib sheegta oo aad caawimaad siiso.
3. Qof niyadjaban oo aad ka farxiso.
4. Qof fikir habowsan oo aad u nasteexayso.
5. Ammaanta aadan la gabanayn.
6. Xumaanta oo aad si qumman u reebto.
7. Wanaaga oo lagaa arko.
Arrimahan ayaa kaa dhiga qof dadkiisi u wacan, lagu tashan karo, oo xilliyada duruufaha adag ee ay dadku is hilmaamaan la xasuusto.
Raad qurxoon dadka uga dhex tag.
Abubakar Salafi
4 072
Dagaalka u dhexeeya ciidamada Yuhuuda iyo dagaalyahanada Falastiin wuxuu galay maalintii 36-xaad. Dadka shacabka Falastiin ee ay Yuhuudu xasuuqday mudadaas waxay gaarayaan 11, 360 (Kow iyo toban kun, sadax boqol iyo lixdan) qofood. 4,609 waa caruur saqiiro ah, 3,100 waa dumar, 678 kalena waa dad waayeello ah. Dhaawucu waa 28,200 oo qofood. Sidaas waxaa shaacisay wasaarada caafimaadka Falastiin.
FG: Muuqaalku waa labada nin ee masuulka ka ah xasuuqa bahalnimada ah ee ay Yuhuudu u geysanayso shacabka Falastiin ee Gaza.
#Xigasho @followers @highlight
¡Ya disponible! Investigación de Telegram 2025 — los principales insights del año 
