cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegación. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

Fataawada Dr Khadar

Waa mareeg lagu aruuriyo fataawada Sh Dr Khadar Xassan Axmed. Halkan su'aashaada ku soo dir: T.me/AskFiqibot Waxa ka masuul ah: T.me/Ishraqcenter

Mostrar más
Finlandia902El idioma no está especificadoReligión y espiritualidad13 548
Publicaciones publicitarias
6 906
Suscriptores
+124 horas
+127 días
+2230 días

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

Fataawada Ramadaanta1445H | kulankii 2aad| Sh Dr Khadar Xasan Axmed. https://youtube.com/watch?v=TJeR2F0vFhE&si=BNlZvtCV3YKy2q3z
Mostrar todo...
Fataawada Ramadaanta1445H || Kulankii 2aad || Sh Dr Khadar Xasan Axmed.

Channelka Fataawada Dr Khadar:

https://t.me/Fataawo

Repost from TUBTA TOOSAN
Barnaamijka TUBTA TOOSAN| Fataawada bisha Ramadaan1445H Waxa soo jeedinaya: Sh Dr Khadar Xassan Axmed. https://us02web.zoom.us/j/83740911606?pwd=MWpyUTFzT3NNMzFMYmtpUDVtNWJLZz09 Meeting ID: 837 4091 1606 Passcode: 12345
Mostrar todo...
Mostrar todo...
TUBTA TOOSAN

#Ogeysiis Kulankii labaad ee fataawadu waa casarka arbacada ee soo socda insha Allaah. Halkan ku soo dir su'aashaad: T.me/AskFiqibot

224. Qofkii maalinka oodhan soomanaa haddii uu suuxo maalinka aakhirkiisa, miyuu soo qalleyn maalinkaas? Jawaab: Maya, kol haddii qeyb kamid ah maalinka miyirkiisu joogay, soonkiisuna waa u ansax. 225. Qofku isaga oo sooman dhiig ma shubi karaaa? Sidoo kale dhiiga baadhitaanka ma iska qaadi karaa? Jawaab: Haa, labada dhiig midna majabiyo soonka, laakiin waxa fiican in qofku habeenkii iska shubo; si aanuu udaciifin. 226. Aniga oo sooman haddii aan is idhaahdo iska afur, haddana aan iska daayo, soonku miyuu iga jabay? Jawaab: Maya, kol haddii aanaad waxba cunin, soonku niyadda kuma jabo. 227. Aniga oo soon la igu leeyahay haddii ramadaantii kale soo gasho, maxaa la igu leeyahay? Jawaab: Haddii aad wakhti helaysay aad ku qalleysid se aad dayacday, waxa lagaa rabaa in aad qalleysid , fidyana aad bixisid, laakiin haddii aanay kuu suurtagalin oo aad xanuusanaysay ama safar aad ku jirtay qalle kaliya ayaa lagaa raabaa. 228. Haddii la adimo ma la suxuuran karaa? Jawaab: Maya, haddii uu yahay eedaankii salaadda subax, wixii aad afka ku haysana waad tufaysaa. 229. Haddii anoo sooman oo salaad ku jira ay xaako isoo qabato maxaan sameeyaa? mana tufi karo mana liqi karo'e? Jawaab: Haddii maro ama wax lamida aad helaysid waad ku tufi, haddii kalena salaaddaad kabixi oo waad soo tufi, kadibna waad ku noqon salaadda. 230. Kaanoole ayaan ku qaataa daawooyin, markaa soonka wax ma yeelayaa? " Jawaab: Haddii aanay ahayn daawooyinka udhigma cuntada iyo cabitaanka waa caadi, laakiin haddii ay yihiin daawooyinka qofka awoodda siinaya ee tamarta usoo celinaya maya, waad xanuusanaysaa ee iska afur, oo dib kasoo qallee.
Mostrar todo...
Repost from Fataawada Dr Khadar
Konton (50) su'aalood iyo jawaabahooda oo ku saabsan axkaamta #Soonka iyo #bisha_Ramadaan: [173-223] https://t.me/Fataawo/53 Sidoo kale waxa aad fataawadan ka dhageysan kartaa halkan: https://youtube.com/playlist?list=PL_dIfrvnKLIfRaGIOD8srb5uc423kFAGs&si=PmNCHjZ1tWtPBZht
Mostrar todo...
220. Gabar aniga oo la hadlaya ayay biyihii taranku iga imaadeen, soonku miyuu iga burayaa? Jawaab: Haddii uu hadal kaliya yahay oo fal aad qabatay aanu jirin, sidoo kale aanaad is dareemin in hadalkaas biyuhu kaaga imanayaan soonku uu kuu jiraa, laakiin haddii fal la socday ama adigoo og in biyuhu kaga imanayaan hadalka sii waday waa ka buray soonku, qallena waa lagugu leeyahay. 221. Qofku haddii uu witriga taraawiixda raaciyo oo haddana habeenkii xaga danbe rabo in uu ka tukado muxuu samayanayaa? Jawaab: Waxa uu tukanayaa salaatul-layl labo labo rakcadood ah, witrina raacin maayo oo hore buu usoo tukaday. 222. Taraawiixda witriga ma banaan tahay in la israaciyo saddexda rakcadood? Jawaab: Haa, laakiin waa in aad sii niyooto. 223. Qofku salaadda ciisha'iga maku dabo xidhan karaa taraawiixda? Jawaab: Haa, mad'habkeena way u ansaxaysaa, laakiin waa arrin laga fiican yahay, oo waxa ka fiican in aad gaar iskaga tukatid ama dad kale oo cishaa'i tukanaya la tukatid; si aad iskaga ilaaliso culimada madaahibta kale oo aan arrinkan ogalayn. #Soonka
Mostrar todo...
187. Qofka haddii soon badan lagu lahaa oo uu ilaawo tiradii lagu lahaa xukunkiisu muxuu noqonayaa? Jawaab: Wuxuu soomayaa inta uu is leeyahay soon baa kugu hadhay ama tirada ugu badan ee uu is leeyaahay waa lagugu leeyahay. 188. Waxa aan soo kacay xilli la eedaamay oo aqiimkii dhiman yahay kadib aniga oo aan eegin wakhtiga ayaan suxuurtay kadibna dib baan ka ogaaday, marka maalinkaa soonku ma iijiraa? Jawaab: May, laakiin maalinkaas waad afxidhnaanaysaa, soonkuna kuuma jiro, qallihiisana waa lagugu leeyahay. 189. Haddii aan irbad xummad-jabin ah isku mudo anoo sooman, soonkayga wax ma u dhimaysaa? Jawaab: Maya. 190. Kiniinka wadnaha loo qaato ee carrabka hoostiisa la galiyo, soonka wax ma u dhimayaa? Jawaab: Haddii la xaqiijiyo in wax kiniinka kamid ah hunguriga marayn, soonka waxba uma dhimayo. 191. Xakaadu (khaakhadu) soonka ma jabisaa? Jawaab: Maya, haddii aanuu dib u liqin. 192. Haddii anigoo janaabo qaba waagu ii baryo, soonkaygii wax ma noqonayaa? Jawaab: Maya, haddii aad soonka sii niyaystay. 193. Qofka qaba xanuun aan la rajaynayn in uu ka bogsado muxuu soonkiisa ka samaynayaa? Jawaab: Raashin (Fidyo) ayuu bixinayaa. 194. Qofku ducada fur-furashada salaada miyuu akhrisanayaa markasta oo uu taraawiixda galayo? Jawaab: Markasta oo laba rakcadood la galayaba ducada waa la akhrisanayaa. 195. Taraawiixdu marka ay dhamaato maxaa la akhrisanayaa? Jawaab: Saddexda rakcadood ee witriga wixii ka horeeya waxba lama akhrinayo, wirtigu markuu dhamaadana wixii uu qofku aakhrisan karo ee adkaar ah wuu akhrin karaa. 196. Ma ii banaantahay in aan afar rakcadood taraawiixda xidhiidhiyo? Jawaab: Maya. 197. Qofka biyaha taranka gacanta iskaga keena soonki maka burayaa? Jawaab: Haa. 198. Waa maxay xukunka ducada salaadda kadib la ducaysto? Jawaab: Waa sunne, waana arrin la jecelyahay. 199. Waagii hore waxaa la odhan jiray “suxuur suxuur”, maxaa loo joojiyay, maa xaaraan baa? Jawaab: Maya, xaaraan maaha, haddii aan booskii adaanka lagu baddalayn.
Mostrar todo...
200. Qofkii loo adimay isagoo suxuuranayaa miyuu sii wadayaa mise wuu joojinayaa? Jawaab: Waxa ku waajib ah in uu joojiyo suxuurta, oo iska tufo waxa uu afka ku hayo haddii mu'adinka lagu kalsoon yahay. 201. Haddii aan riyoodo oo biyaha taranku iga imaadaan soonku ma iga burayaa? Jawaab: Maya. 202. Qofka diinta caaya soonku miyuu ka buraya? Jawaab: Haddii isaga oo garanaya waxa uu ka hadlayo uu caayo diinta waa gaaloobayaa, soonkuna waa ka burayaa, oo xukunkii riddada ayuu qaadanayaa. 203. Dabaashu soonka ma jabisaa? Jawaab: Maya, Haddii biyaha laga ilaaliyo gudaha, sida: afka, sanka iyo dhegaha. 204. Maxaa ka jira ramadaanta in saddex loo qeybiyo, oo tobanka hore tahay dembi dhaaf, tobanka dhexena raxmad, tobanka danbena naarta laga xoroobo? Jawaab: Habeen walba waa dembi dhaaf, raxmad iyo naarta oo laga xoroobo. Qofka camalkaa loo diray, ee ha dedaalo uun. 205. Qof macaan qaba oo soonku dhibayo maxaa la gudboon? Jawaab: Raashin (fidyo) ayuu bixin. 206. Qof koomo ku jira oo faalig ku dhuftay, soon ma lagu leeyahy? Jawaab: Haa, caafimad haddii aan loo filayn fidyo ayaa laga bixin. 207. Qof sooman haddii uu is illaawo oo uu dagaalamo, maka jabayaa soonku? Jawaab: Dagaalka iyo cadhada soonku kuma jabo. 208. Sakaatul fidriga xaasku yay ku waajibtay? halkee se lagu bixinayaa? Jawaab: Ninka, waxaana lagu bixinayaa Halka ay iydu joogto. 209. Eedaanka lagu joojiyo cuntada, haddii masjid eedaamo kana hor dhaco waqtiga, miyaa la iska cunayaa mise waa la joojinayaa cuntada? Jawaab: Hadii la hubo in uu qaddimayo, waa layska cuni karaa. 210. Qof sooman dhiig miyaa laga shubi karaa? Jawaab: Haa. 211. Qof sooman haddii ilig laga saaro, soonkisu ma waxbuu noqonayaa? Jawaab: Maya, haddii aanuu liqin dhiigga ama candhuufta ka danbaysa isagoon luqluqan. 212. Qofka la tukanaya imaamka salaadda taraawiixda, haddii uu inta hore iska fadhiyo kadib marka imaamku rukuuco uu salaadda halkaa kala qabsado, ma utirsantay rakcaddaasi? Jawaab: Haa. 213. Hooyo da' ah ayaa fidyadadeeda waddanka lacag ahaan ugu soo dirta ee maka gudaysaa? Se mar kaliya ma soo wada diri karaa lacagtaas? Jawaab: Haa, Haddii ay joogto meel aan masaakiin muslimiin ah laga helayn. Hal mar bay soo wada diri kartaa, laakiin qofka ay soo wakiilanayso waa in maalin walba uu wakhtigeeda bixiyo, ama xaga danbe uu kawada bixiyo. 214. Haddaan kiniin cuno iga joojinaya dhiigga caadada si aan usoomo ama cumrada uguto ma banaan tahay? Jawaab: Dhib malaha, cibaadaduna way ka ansaxaysaa. 215. Qofka maalmo isku xiga bisha Ramadaan xaaskiisa sagoo sooman la kulmay; ma hal kafaaro ayuu bixinayaa mise maalin walba mid gaar ah buu ka bixinayaa? Jawaab: Horta danbi wayn ayuu ku dhacay ee Ilaahay ha utoobadkeeno. Maalin walba waa danbi gaar ah, oo kafaaro buu si gaar ah u yeelanayaa. 216. Waxa aan ku noolahay qurbaha oo Masjidka noo dhaw ma maqlo eedaanka, marka maku afuri karaa applicationkan wakhtiyada salaada laga eegto? Jawaab: Dhib malaha, laakiin waa in uu yahay application la isku hallayn karo oo lagu kalsoon yahay. 217. Goorma ayaa fidyada la bixinayaa? Jawaab: Bisha Ramadaan marka ay dhamaato hal mar ayaad wada bixin kartaa, sidoo kale maalin walba marka la gaadho si gaar ah waad ubixin kartaa ama maalmihii la soo dhaafay waad isku xidhi kartaa, laakiin ma banaana in aad soo qadinto maalin aan la gaadhin. 218. Sanbuusaha hilibka geela lagu daray weysada ma jabinayaa? Jawaab: Haa, Haddii uu qofku raacayo culimada qabta in hilibka geelu weysada jabiyo. 219. Haddii aan suxuurto aniga oo aan niyayn in aan berri soomayo soon waajiba, soonku ma iga ansaxayaa? Jawaab: Haddii aad usuxuuranaysay in aad berri soonto soon waajib ah waad niyaysatay oo niyadii waad la timi, laakiin haddii aad cunto iska cuntay adiga oo aan waxba niyadda kuhayn maya.
Mostrar todo...