🌹𝗧𝗘𝗔𝗠___𝗘𝗡𝗧𝗘𝗥𝗧𝗔𝗜𝗡𝗠𝗘𝗡𝗧🌹🇦🇪☜︎︎︎
前往频道在 Telegram
Chanel kan waxan ku so gudbin doonah barnaamijyo ku xiiso galiyo iyo sawiradah dhalin yaradah t.e sida sawirka jimcah iyo wixi kalo lamid ah.💯✊ Dag Dag Ku Hel barnamij Cusub 📝 Gacmo Furan Ku Soo Dhawow 🤷♂️ Nagu Soo Biir Oo nala qosal🙏
显示更多4 545
订阅者
无数据24 小时
-227 天
-14030 天
帖子存档
Your voice satisfies me if my heart is upset with you❤🌸
Codkaada ayaa i raali galiya marka uu qalbigeyga kuu xanaaqsan yahay ❤🌸
Sheekadii: Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha.
𝐐ᴏʀᴇ:: ᴍʀ ᴊᴇsᴛᴏʟᴇ...✍
Q: 4-aad
Waxay inoo joogtay Fu'aad markii oo xabsiga ka soo baxay xanuun feeraha ahna ku soo booday oo qufac iyo qandho daran ayuu ka bixi waayay, dhibkii uu ka soo mutay xabsiga ayaa sababay in uu cudurka tiibishada uu ku dhaco, hanti uu isbitaal ku galo ma heysto, wax uu isku daweeyo ma heli karo, meel uu yaqaano iyo cid uu ciirsado ha sheegin, xaalkiisu wuxuu noqday laba daran mid dooro, (Ma iska laabataa mise waa iska sii socotaa, sida uu ilaahay ka dhigaba) ayuu ku tallamay, waa labadaas kala darane wuxuu iskula hadalay "Nin rag ah ayuu Alle kaa dhigay, geeriduna waqti bay leedahay, qof kastana wuxuu marayo maalintii uu xab iyo biyo ahaa ayaa loo dhigay, dhibka aan soo maray oo dhan waa kuwo ii qornaa, kuwa ii dhimanna sidaas oo kale waa wax ii qoran oo sina kuma gefayo, waa inaan hiigsadaa goolkeyga oo aan mar uun Yurub soo arkaa".
Isagoo xanuunsan ayuu magaalada khartuum ee cisamadda Suudaan maalmo ka dib gaaray, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi waxbarasho u joogay, waxayna sidoo kale halkaasi isku barteen dhalinyaro tahriib u socotay oo ay isku u jeeddo ahaayeen, laakiin midkoodna uma uusan sheegin wixii dhib ahaa ee asiibay iyo xanuunka uu la taahayay, inkastoo xanuunku maalinba maalinta ka dambeysay uu kaga sii darayay.
Fu'aad isagoo jooga magaalada khartuum ayuu waalidkiis oo ku jahawareersanaa la xiriiray, una sheegay inuu tahriib u baxay oo aysan ka welwelin, "Waan ku duceynaynaa ee so laabo" ayuu hadalkooda u badnaa, waase looga caal waayay oo wuu ka diiday, "Nin rag ah baan ahay haddii aan noolahay Yurub waan tegayaa haddii aan dhintana halay soo cafiyo" ayuu hadalkiisa ku soo koobay, isagoo aan u sheegin dhibtii uu soo maray iyo xanuunkii asiibay, iyaguna weyba ka gaabsadeen markii ay kaga caalwaayeen inuu tahriibta ka tanaasulo ee uu dib u soo laabto.
Maalmo kadib, isagoo garan la' meel uu wax ka bilaabo, qarashkii yaraa ee uu haystayna ay gabaabsi ku sii noqonayaan ayaa mid ka mid ah gabdhihii ay isla socdeen oo xabsiga maalmo isaga kaga dambeysay ay isku arkeen magaalada Khartuum, waxay isaga sheekeeyeen dhibkii ay xabsiga ku soo muteen, isaguu intii la soo marsiiyay ayuu u meeriyay, iyana wax kasta oo la soo marsiiyayba way u sheegtay, xitaa fara xumeyn in lagu sameeyay kama aysan qarin "Uur baan xabsiga ku qaaday, Isbitaal ayaana la igeeyay oo ilmihii la iga soo xaaqay, anigoo dhiigu iga da'ayo ayaa xabsigii la igu soo celiyey, shaqadii adkayd ee la igu leylinayayna waan qabanayay anigoo xanuunsan" ayay tiri iyadoo ilmada ka da'ayso ay qoysay jalbaabkii ay xirneyd.
Wuu is celin waayay Fu'aad oo tii isaga u so maray tan gabadha la soo marsiiyay ayaa kaga darnaatay, markaasuu murugadii iyo ilmadii la qaybsaday, ileyn wiil calool jileec loogu daw galay ayuu ahaaye.
Xafsa markii ay aragtay in Fu'aad uu iyada darteed la ilmeeyay ayay iyana u naxday oo ku tiri: "Aboowe aniga wixii aan soo marayba waan soo maraye, laakiin adiga cudurkan hadda ku haya ee halista ku ah naftaada inaan kaala tacaalo weeyaan, dhawaan ayaan waalidkey la xiriiray oo lacag ii soo shubeen, lacagtaas qeyb isku dawee, qeybna safarkayga ayaan ku sii wadanayaa".
Isagoon is ogeyn ayuu farxad darteed ku haaday oo hab siiyay, isma uusan lahayn hab sii maadaama gabar ajnabi ah ay ka aheyd, waayo noloshiisa gabar uu jirkeeda taabto salaan kolay ahaataba iska daaye iyo sheeko shukaansi ah lama uusan wadaagin, wuxuuna weligiis ka taamayay marka uu awood dhaqaale yeesho in midda uu guurka ka doonayo la haasaawo inta ka horreysana nolosha dhibka badan ee uu la daala-dhacayay uu meel ku hubsado.
Fu'aad cusbitaal ayuu galay, dawooyin wax u taray oo uu ku caafimaadayna qaadtay, wuxuuna arrinkaas uga mahadceliyay gabadhii Ilaahay ka soke noloshiisa badbaadisay, waxayna Fu'aad iyo Xafsa noqdeen labo walaalo ah oo ku ballamay inay dhib iyo dheef qeybsadaan muddada ay safarka wehelka ku yihiin.
Lasoco Qeybta 5-aad
Fu'aad markii uu xabsigaasi ka soo baxay xanuun feeraha ah ayaa ku soo booday oo qufac iyo qandho daran ayuu ka bixi waayay, dhibkii uu ka soo mutay xabsiga ayaa sababay in uu cudurka tiibishada uu ku dhaco, hanti uu isbitaal ku galo ma heysto, wax uu isku daweeyo ma heli karo, meel uu yaqaano iyo cid uu
ciirsado ha sheegin, xaalkiisu wuxuu noqday laba daran mid dooro, (Ma iska laabataa mise waa iska sii socotaa, sida uu ilaahay ka dhigaba) ayuu ku tallamay, waa labadaas kala darane wuxuu iskula hadalay "Nin rag ah ayuu Alle kaa dhigay, geeriduna waqti bay leedahay, qof kastana wuxuu marayo maalintii uu xab iyo biyo ahaa ayaa loo dhigay, dhibka aan soo maray oo dhan waa kuwo ii qornaa, kuwa ii dhimanna sidaas oo kale waa wax ii qoran oo sina kuma gefayo, waa inaan hiigsadaa goolkeyga oo aan mar uun Yurub soo arkaa".
Lasoco Qeybta 4-aad
Shekadii Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha.
𝐐ᴏʀᴇ::: ᴍʀ ᴊᴇsᴛᴏᴏʟᴇ..✍
Q:: 3-aad
Fu'aad hay'ad kasta araaji u qoray, shirkado badana la xiriir, albaab kasta garaac si uu fursad shaqo u helo, balse wu waayay, marka laga reebo maalmo kooban oo uu ka shaqeeyay dukaan daahmada lagu iibiyo oo uu lahaa wiil ay ilaa iyo yaraantiisa iskuulka hoose ilaa kan sare soo wada dhiganayeen oo walaalihiis oo Yurub ku maqnaa lacag u soo direen dukaankana ku furtay.
Fu'aad bilo ayuu dukaankaas ka shaqeeyay kadibna wiilka lahaa dukaanka xaas uu qabay walaalkii oo ka yimid miyiga ayaa lagu beddelay booskiisa, kaaso uu weliba isaga kala baray sida wax loo iibiiyo, sidaas ayuuna shaqadii ku waayay, inkastoo wiilka dukaanka iska leh ay saaxiibo ahaayeen haddana xaaska uu wiilkaa qabay ayaa caddaadis xooggan saartay, ileyn la yiri "Nin naagi hor kacayso kaama weecde", wuxuuna ku sasabay inuu shaqooyin kale uga raadinayo ganacsato kale oo ay wada shaqeeyaan.
Muddo markii uu baaga muudeeyay Fu'aad, canjeerada ay subaxa hore Hooyadiis dubtana uu feyl u galayo ayuu isla hadlay, "Sidan kuma anfacayso, nin rag ah ayuu ilaahay kaa dhigay, Hooyo canjeero isiina subax kasta ma dhihi karo, mustaqbal baan rabaa, reerkayagu waa liitaa ee waa inaan tashadaa".
Taladii uu qaatay waxay noqotay tahriib, maadaama dhalinyaro badan oo Iskuulka ay wada dhiganayeen ay Yurub ka soo hadleen, hebel wuu galay, hebel waa la qaabilay, hebel lacago ayuu reerkooda u soo diray, hebel naag uu guursado ayuu soo dirsaday, hebel iyo heblaayo dorraad dhow ayey baxeen wayna galeen dhaqso, hadal heynta ugu badan ee soo gaaraysay sidaas ayay ahayd, wuxuuse dhagaha ka furaysay boqolaalka ruux ee saxaaraha ku naf weynaysa, kuwa Badda ku qurbaxaya, kuwa raq iyo ruuxdooda la la'yahay ee loo barooranayo, wuu maqli waayay dhibta tahriibka laga sheegayo ee warbaahinadu shaacinayaan.
"Nin meeli u caddahay meeli ka madow" baa la yiri, go'aanka kama dambaysta ah ee uu Fu'aad qaatay wuxuu noqday inuu tahriibo, ha tahriibo maba xumee intee qarashka uu ku tahriibayo ka keenayaa.
Labaatan jir wuu talo xumeeyaa oo waxaa la yiri "Dhalinyaro inta ay geed ka booddo ayay talana ka booddaaye" dahab Hooyadii u kaydsanaa oo ay si saxariir leh marba mid ku iibsatay ayuu boorsadeeda ka soo fagay oo ka soo xaday, kadibna inta suuqa geeyay ayuu isagoon cidna u sheegin cagta waddada saaray.
Weligiis meelna ugama bixin Muqdisho, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu ka baxo Xamar, gaari xamuul ah oo Gobolka Bari magaalada Boosaaso ku wajahnaa ayuu kurada sare ka fuulay, rag iyo dumar iyagana tahriibayaal ah ayay gaariga isku sii barteen, wehelkiisa koowaadna kuwaas ayuu ka dhigtay.
Boosaaso markii ay gaareen waxay ku dageen hotel qiimihiisa jabnaa oo uu geeyey mid ka mid ah dhalintii la socotay oo horay Boosaaso u joogi jiray, maalmo ayay halkaas ku sugnaayeen oo marba dulaal sii tahriibiya la xiriirayeen.
Safar muddo qaatay ayay kaga soo tallaabeen Kenya, Ugandha ilaa Koofurta Suudaan, balse Fu'aad wuxuu halkaasi kala kulmay dhibtii ugu horreysay ee tahriibta isaga iyo labo gabdhood oo ka mid ah asxaabtii tahriibka ku wehlisay waxay gacanta u galeen askarta Koonfurta Suudaan, waaxana la geeyay xabsi lagu hayay muddo 8-bilooda ah, xabsigaasoo uu kala kulmay dhib fara badan, wuxuuna muddadii Sideeda bilood ah ee uu ku jiray ku dhamaystay beero lagu qodo, mar dhagax lagu jebiyo, mar uu ka shaqeeyo nadaafadda qolalka xabsiga iyo marmar lagu dhaqayay dharka askarta iyo howlo kale oo dheeraad ah, waxaana intaas u sii dheeraa jirdil loo geysanayay oo mararka qaarkood si arxandarro ah loogu garaacay qoriga baadkiisa.
"Alla maxaa i soo tahriibiyay, ma dahabkii aan Hooyaday ka soo xaday baa nabsigiisu i heystaa, waalidkay oo aanan u soo sheegin oo iyagoo raali iga ahayn aan ka soo dhuuntay miyaa meesha la iga haysto...aloow tan iga bixi?" Ayuu iskula hadlay.
Saaka gabadhaa halkaan ku jira oo dhan jaceylkooda inaaa noqdaan
rabaa iso dhaweeya...😂😂😂😂
😂😂😂😂
@Bakaal18
Canada 🇨🇦 hadad taagto
yaad block🚫 sarii laheyd
aniga gabar aan Ogahy sari Lahaa
😂😂😂😂😂
😂👍
zuhuur wngsn..🖐️
Xariif reer Mudug ah oo ay labada ilkood oo hore ka maqan yihiin, ayaa qof siduu ugu sheekeynayay ku tiri:
Xabiibi, waan qoyay. Markaas buu intuu isu bogay ku yiri:
Hadalkeyga miyaa dareen kugu beeray?
Gabadhi oo su’aashiisa ka jawaabeyso ayaa ku tiri: Maya ee markaad hadleyso calyaa ka daadaneyso😂😂
Sheekadii: Nasiibka Iyo Nolosha Qurbaha.
𝐐ᴏʀᴇ::✍ ᴍʀ ᴊᴇsᴛᴏᴏʟᴇ
Q: 2-aad
Waxay inoo joogtay Fu'aad oo layaab ay ku noqotay arrintii wiilasha ileen Soomaali is jecel oo is caawisa ayuu arki jiraye kuwani dareenka Soomaalinimada laga qaaday ayuu dhaqankooda la amakaagay, wax uu sameeyana garan waayay.
"Bini'aadamku isku mid ma aha, Somaalidina waxay tiraahdaa Shanta farood ma sinna.." dad reer Baadiye ah oo fursad ay Yurub ku yimaadeen helay inay yihiin iska raariday kadib wajahaddiisa abaaray.
Isagiyoo qabowga daran ee dhacayay u adkaysan la' ayaa markii uu cabaar socday, waxa uu meel xoogaa ka fog ka arkay wiil dhalinyaro ah, markii uu gartay in uu Soomaali yahay ayuu intuu socodka boobsiiyey dhankiisa u dhaqaaqay, dhawr talaabo kadibna gaaray, wuu salaamay, isna slaantii ka qaaday, wuxuu hoosta iska guuxay ha u sheegin meel aad ka soo jeeddo iyo cidda aad tahay haddii sidii kuwii hore uu ku weydiiyana is maahi oo dantaada kaliya u sheeg.
"Walaal qof dalkan ku cusub ayaan ahay waxaan kaa rabaa inaad i caawiso oo aad ii tilmaanto meel ay ku taalo xaruun Boolis oo la iska diiwaan galiyo",
Wiilku hadalka maba la sii daahine wuxuu ka hor geeyay "Walaal meel baan ku degdegayaa ee qof kale raadso".
Fu'aad layaab ayaa ku yimid "Soomaalida dhaqaankoodu beddelmay ayuu la amakaagay, oo marka dibad la yimaado sidan miyay Soomaalidu isu badashaa?" ayuu isweydiiyey.
Isagoo u adkaysan la' dhaxanta dhacaysay oo aad u darneyd ayuu meel gidaar ah ku weecday si uu gabaad kaga dhigto, inta dhafoorada gacmaha saartay ayaa wuxuu galay isla hadal hoos ka gunuunac ah, "Waar maxay ahaayeen dadkan Soomaalida ah ee aan lahayn xitaa hal ruux oo damqada ama ixsan ii sameeya".
Wuu isla hadlay oo waxay niyadiisu hor keentay halistii uu u soo bareeray iyo dhibkii uu ka soo maray tahriibka uu naftiisa ku soo haligay ee uu Yurub ku soo galay, gocosho iyo xasuus ayuu guda galay, dib ayuu u milicsaday maalmihii madoobaa iyo safarkiisii dhibka iyo saxariirta badnaa ee soo wajahay, wuxuu iloobi waayay askarta koonfuurta Suudan sidii arxandarada ahaa ee ay ula dhaqmeen, Magafe iyo dhibkii uu kala soo kulmay ayuu goconayay, doontii uu soo raacay iyo malakul mowdkii doonta la fuushanaa ee dad badan oo ay asxaab ku ahaayeen laayay ayuu dhanka kale iska tusiyey, waxa la hor keenay wajiyada dadkii ay wada socdeen ee Baddu liqday, kuwa oonka iyo gaajada ugu dhintay saxaraha iyo sida halista leh ee uu isagu ku soo badbaaday ayaa arrin uu layaabay ahayd, xaalka uu hadda ku sugan yahay iyo markii uu Muqdisho joogay sida xaalkiisu ahaa ayuu is barbardhigay ku sameeyay, wuxuuna galay xasuus uu la ilmeeyay.
Ubadka la dhashay oo saddex ahaa ayuu isaga ugu weynaa, Hooyadiis iyo Aabihiisna si gaar ah ayey isaga u kool-koolin jireen maadaama uu curadkooda ahaa, iskuul ilaa heer dugsi sare ayuu ka gaaray, laakiin jaamacad uma sii gudbin oo dhaqaalaha reerkooda oo dabaqad hoose ahaa ayaa u saamixi waayay inuu waxbarasho jaamacadeed ku hamiyo.
Hooyadiis suuqa ayay khudaar ku iibinaysay, aabihiisna waa darawal kaxeeye gaadiidka dekada Muqdisho ka shaqeeya ee gobollada xamuullada kala duwan u qaada, inkastoo inta badan shaqada ku yareyd Aabihiis oo mar dagaallo ka dhacaan gobollada oo gaadiidku isu gudbi waayo, mar roobab xooggan da'aan oo laamiyada burbursan ay biyuhu xiraan, mar fatahaado webigu sameeyo oo kala go'doon la galo, mar shaqadu yaraato oo Bad xiran dhaco iyo gaariga uu waday oo duug ahaa cilado joogto ahi ka bixi waayay ayuu reerka la liitay, waxaase laga baxsan jiray kista Hooyadii ay khudradda ka soo shaqeyso.
Fu'aad wuxuu ku hamiyay inu shaqo raadsado si uu nolosha liidata ee reerkooda uu kor ugu soo qaado, isaguna uu u noqdo nin is anfaca maadaama uu doonayo inuu mustaqbalkiisa dhisto.
Shaqo ka raadsiga Soomaaliya gudaheeda kuma xirna aqoon iyo inaad haybad kale leedahay ina ayaad tahay iyo inadeerkaa meesha maku joogaa ayaa shaqo lagu helayaa.
Lasoco qeybta 3-aad✅
👍❤️😍
Nin ayaa Naagtiisa ku yidhi naa soo carar naag kale oon kula guursaday ayaan kusoo barayaaye.
Iyadoo naxsan ayay soo Raacday kadibna xaafadoodii ayuu geeyay wuxuuna ku dhahay Hooyadaa ayaa geeriyootay.
Intay qososhay ayay dhahday iga tag waad iga nixisay wlhi😂😂🙈
Hablaha naag labaad musiibo uga daran ma jirto.🤣
#Subx wngzn maso badina shekoyinka reaction ku muji😁
Markaan Waa guursan Rabaa Kow Dhaha, waxaan idiin bilaabayaa courses ka hadlaya arimaha qoyska.
😁😂😂😂
Halaga Faaidaysto..😂😂
@Bakaal18
Markii uu dhowr tallaabo horay uga soo qaaday hoolka senterka tareennada Oslo ayuu meel kore ka arkay saddex dhalinyaro ula ekaaday Soomaali, markii uu ku soo dhawaaday ee sheekadooda maqlay ayuu garwaaqsaday inay Soomaali yihiin, si hillow ka muuqdo ayuu dhankooda u soo abaaray, isagiyoo farxaddu ka tan badatay ayuu salaan ku boobay oo isku dayay inuu hab siiyo, balse inta gadaal gadaal uga durkeen kuna yiraahdeen "War naga joog, maxaad ahayd adigu?" Ayuu yiri "Sow Soomaali ma tihiin, waan idinku farxay markii aan idiin arkay, hadda ayaan soo galay oo tahriib ayaan ku imid..." isagoo hadalkaa intaa marsiinaya ayay ku yiraahdeen:
"War tahriib iyo waxaad doontid ku soo gale, is daji maba is naqaanee maxay tahay salaanta iyo orodka aad nagu soo gashay".
"Dhiiga Soomaalinimo ayaa i soo jiitay, Soomaali meel kaasta oo ay joogtana waa walaalo, ee waxaan idinka rabaa inaad i gacan qabataan oo i hagtaan inaan dalkan iska dhiibo ayaan rabaaye" mid waliba inta si hoose u dhoola caddeeyay ayay cabaar yar ka aamuseen, isagiyoo aamuskooda la yaabanayaa mid ka mid ah dhalinyaradii hadlay oo ku yiri "War halkee ka timid..."
Inta neef weyn ka soo fuqday ayuu yiri "Walaalayaaloow tahriibe ayaan ahay si saxariir leh ayaan Talyaaniga ku imid maalmo kadibna inta aan faraha la iga qaadin waan ka soo baxay oo Norway soo galay, waxaan idinka rabaa inaad i saacideysaan"
"War faro ha lagaa soo qaado ama yaan laga soo qaadine, marka aan ku leenahay halkee ka timid waxaan ka wadaa gobolkeed ka timid ama aad ka soo jeeddaa"
Isagiyoo hadalkaas la yaaban ayuu yiri "Anigu reer muqdisho ayaan ahay" markiiba reer muqdisho ayaan ahay ay afkiisa ka sii dhammaanaysay mid waliba gees ayuu u dhaqaaqay oo meesha lagu cidleeyay.
La yaab ayay arrintaasi ku noqotay Soomaali is jecel oo is caawisa ayuu arki jiraye kuwani dareenka Soomaalinimada laga qaaday ayuu dhaqankooda la amakaagay, wax uu sameeyana garan waayay.
"Bini'aadamku isku mid ma aha, Somaalidina waxay tiraahdaa Shanta farood ma sinna.." dad reer Baadiye ah oo fursad ay Yurub ku yimaadeen helay inay yihiin iska raariday kadib wajahaddiisa abaaray.
𝐐ᴀʏʙᴛᴀ:: 2 ᴀᴀᴀᴅ lasocda i.n
Sheekadi;:i: Nasiibka Iyo Nolosha Qurbaha.🥀
𝐐ᴏʀᴇ::: mr jeestole
Q:: 1-aad
Weligiis qaboow noocaan oo kale ma uusan arkin, baraf fara badan oo lagu sambariiraxyoonayana waddooyinka ayay daadsanaayeen, jaakad culus oo qabowga aadka u daran ka celisana ma uusan xirneyn, kabaha uu gashanaa oo duug ahaana qeybaha hoose oo ay ka jeexjeexnaayeen ayuu qabowga kaga soo dusayay, kolkaas ayuu tahli waayey inuu joojiyo garaaca xooggan ee ay gowsihiisu samaynayeen dhaxanta awgeed.
"..Alla dibada ma sidaan baa, waxaan yurub....yurub....yurub...dhaho oo aan dhib badan u soo maro maanta oo aan cagaha soo dhigay ma sidan baa xaalkeedu....wallee la mood noqonse weysay" ayuu iskula hadlay, isagoo labadiisa gacmood ku nabaya xabadkiisa si dhaxantu kaga yaraato, balse waxba taasi uma aysan soo kordhin oo qabowgu marba marka ka sii dambeeya wuu ka sii darayey.
Muddadii koobnayd ee uu soo saarnaa tareenka uu kaga soo gudbayay xadka u dhaxeeya dalalka talyaaniga ilaa iyo Norway ayuu in badan isla hadlay "Marka aad tagto Norway intee sheekada ka bilaabi doontaa, yaa kaaga horreeya oo ku caawinaya, armaa ciidamadu inta ku qabtaan dib lagugu soo celiyaa Talyaaniga kadibna inta Talyaaniga fara lagaaga qaado aad weysaa meel aad u dhaqaaqdo..." isagoo aan is ogeyn ayuu inta uu sacabadiisa si xooggan isugu garaacay yiri "Miskiin 12–garuun ayaa loo sitaa, balse Ilaaha ayaan leeyahay".
Rakaabkii tareenka saarnaa oo u badnaa dad caddaan ah oo isugu jiray Norwayjiyaan, Italian iyo iswiidhash ayaa soo wada eegay, markaasu ku soo baraarugay isagiyo lawada eegayo....."Alla qalad weyn ayaa sameeyay anigaa isku soo jeediyay armay idacweeyaan oo tareenka inta la iga dajiyo dambiile xadgudbay la igu eedeeyaa illeyn wax sharci ah ma watee?" ayuu iskula guuxay, kadibna hoos u foorarsaday si indhaha soo wada eegaya uu kaga gabado.
Tareenku xawaare dheereeya ayuu ku socday, wuxuuna hadba istaagayay boosteejo cayiman oo rakaabka qaarkood ka dagayeen, kuwo kale oo hor lehna ka soo raacayeen, isaguna indhaha ayuu la raacaayay hadba meesha uu tareenku istaago, waayo ma garaneyn meel uu kaga dego iyo dhan ay ka xigto Norway, waayo tareenkaa lagu soo daray isagoo aan wax tilmaan ah la soo siin.
Cabsida ugu weyn ee uu dareemayay waxay ahayd inay Boolis soo galaan tareenka gudihiisa oo sharciga uu wato weydiiyaan, maadaama uu ahaa qof aan wax aqoonsi ah wadan, ujeedka safarkiisa Norwayna uu ahaa inuu iska dhiibo kana dalbado codsiga magangeliyada qoxootinimo.
Mar quraa ayaa waxaa dhagahiisa soo gaaray cod baahiyaha ku rakibnaa tareenka oo dhahaya "Joogsiga xiga waa Senter-ka Oslo" qof weliba oo rakaabka ka mid ahaa waxaa uu bilaabay in uu boorsooyinka soo dhaweysto si ay uga dagaan tareenka marka uu gaaro boosteejada Oslo, markiiba waxa uu ogaaday in la soo gaaray barti socodkiisu ku waajahnaa ee loo soo sheegay kadibna wuxuu u diyaar garoobay inuu ka dego tareenka.
Wajahaad uu abaaro ayuu garan waayay, jiho uu ku socdana ma uusan aqoon, wuxuuse iska soo daba galay dadkii tareenka ka soo degay oo hal qof oo afrikan ah uusan ku jirin una badnaa dad u dhashay Norway iyo waddamada kale Yurub, wuxu soo galay hool weyn, qaar dadkii uu daba socday ah waxay sal dhigeen kuraas hoolka taalay oo qaarkood dad kale ay sii fadhiyeen, waxayna badi dadku eeganayeen wajahadda safarkooda oo ay kala socdeen shaashad weyn ee gidaarka derbiga ku dhegan oo qoraal iyo codba ku soo tebinaysay socdaalka kala duwan ee safarada si ay ugala socdaan tareenka ay ku safrayaan, halka uu u socdo, saacadda uu baxayo iyo goobta uu ka baxayo.
Fu'aad isagu hoolka kuma uusan hakane wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii albaabada ka xigeen ee dibadda looga baxayay hoolka, wuxuuna soo daba galay tiro dad kooban oo sii baxayay, isagoo iska dhigaya dal yaqaan reer magaal ah ayuu socodkiisa iska sii watay walow uusan garanayn meel uu ku socdo ayuu waajahaaddiisa iska abaaray wixii uu la kulmaba.
Ninkan waxa uu meel cidlaa ka helay gabadh waalan kadip waa uu kufsaday
Markii lasoo qabtayna waxa lagu xukumay inuu laba kala doorto ?
1: in lagu xukumo sodon sano oo xadhig ah Iyo
2: in lagu xukumo inta cimrigiisa ka hadhay inuu gabadhaa la qaybsado Kadip markii loo soo jeediyay inuu labadaa xukun mid doorto waxa uu doortay inuu noloshiisa inta ka hadhay uu laqayb sado
Waanuu la qaybsaday.
imika waxay u dhashay saddex caruura oo waalwaalan isagiina waaa uu waashay.
Taa waxa kaba sii daran qof walpa oo akhriyay qoraalkan waa uu waashay.🤣🤣
Adoon igu soo dagdagin aad yar Ku qor comment xaalada aad hada Ku sugan tahay 😅😅
Afrika waa mesha laga helo
qof inta hurdada kaa kiciyo
ku dhahaya ma Jiiftay😂😂😂
Africa laga helaa nin madow
oo lacagtiisa lisku cadeeynaa!!😄😂😂
😂👍❤️
Single mother yurub joogta
passport hay sata sii bey iigu weyntahay 😂😂😁
😂😂👍
Wan yabayee Siden uga dha dhiciya aruurteyda Hoyadiin play store-kaa kala soo dagay😂😂🤔
😂😂
Horta Talefan Kayga Haduu Dhulka Kudhaco Friends Kayga Dhaawac Ma Soo Garaa Haa mis Mya🤞🙈😂
😂😂👍
Nolosha waxaa Qurxinkara Jaceyl Jaceylkana waxaa macalin'u,ah Kalsoonida Cashirka kalsoonida Hadey xumaatu Jaceylka💞💞 Dhamaadkisu waa Murug Haduu wanaagsanadana Waa farxad Oo Wadata Dareen Dhab ah👩❤️👨
Nimco,waxaa,igu,filan Joogistaada,iyo,maqalka codkaga,Waan,heli,karaa shaqsi adiga,kula,mid ah,waa markaan waayo'muuqaga Adiga, waxaad tahay shaqsi Qaali ku ah Qalbiga
kumana,Heli keri balse waxaan heystaa Xasuustaada Taas,oo,
ka qurux badan maqnaashahaga💞💞
@Bakaal18
Ha icidleyn kuma Cidleyn Doonee😭🥹💔 Hana I fugeyn kuma Xaqiri Doonee 💓❤️😔xaqiiqatan nolosha la sheygaayo hadaadan Adiga, wahel u aheen uma maleeyo Ineyz nolol tahay 💕💖
Ma socon karo Mana Aamino karo ❣👫maamuli karo mana maqlo karo ma jeclaan karo🫀🥰mana xumayn karo ma xaka meyn karo Mana Dulqaadan karo,😢🥺💔maka hari Karo mana ku, kal soonaan, karo' 🤍🦋🤍intaba Waa in, uDhiganta, zxptinimad mucjisadiisa💞🧡💛❤️🩹
Waan raadin karaa Hanti Badan waana Heli karaa😍🤍 Balse hadii Aan raadiyo Ruux Adiga kula Mid ah inaan Helo lagama Yaabo😭❤️🥺 Hadiyadu waxey ku haboon tahay si sharaf leh in loo Qaato waxaa tahy hormuudka dumarka💎💙❤️🔥, Aamiyaha Qalbigeyga Cidna Uma Baahni Aan Adiga Aheen Tani waa fursada ugu fiican Ee ii soo mara nolosheyda👩❤️💋👨
@Bakaal18
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
