ch
Feedback
Dunida wax akhriska

Dunida wax akhriska

前往频道在 Telegram

📈 Telegram 频道 Dunida wax akhriska 的分析概览

频道 Dunida wax akhriska (@tiitoosfilmshd) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 14 990 名订阅者,在 宗教与灵性 类别中位列第 6 106,并在 索马里 地区排名第 687

📊 受众指标与增长动态

невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 14 990 名订阅者。

根据 04 十二月, 2025 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -307,过去 24 小时变化为 0,整体触达仍然可观。

  • 认证状态: 未认证
  • 互动率 (ER): 平均受众互动率为 0%。内容发布后 24 小时内通常能获得 N/A% 的反应,占订阅者总量。
  • 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 0 次浏览,首日通常累积 0 次浏览。
  • 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 0

📝 描述与内容策略

作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
https://t.me/+zSQM856v93JjMDM0

凭借高频更新(最新数据采集于 05 十二月, 2025),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 宗教与灵性 类别中的关键影响点。

14 990
订阅者
无数据24 小时
-697 天
-30730 天
帖子存档
Ciid wanaagsan dhamaan walaalaha halkaan aan kawada socono, ilaahay Ciidaan teeda kale Nabad iyo Caafimaad hanagu gaarsiiyo❤️🙌

Fadliga Tobanka Maalmood ee Ugu Horeeya Bisha Dul-Xijjah Fadlan qormadan dhameyso 🌙🤲 Alle ayaa mahad leh, kaas oo noo fududeeyey inaan gaarno maalamahaan kheyrka badan, kana dhigay maalmo gaar ah iyo kuwo uu fadli yeelay camalka suuban. Ma jiro waqti kale oo camalka wanaagsan uu ka fadli badan yahay camalka lalayimaado maalmaha ugu horreeya ee bisha Dul-Xijjah. Waa fursad qaali ah oo qofkii muslimka ahi u baahan yahay inuu si dhab ah uga faa’iidaysto. Qormadan waxaan ku eegaynaa fadliga maalmahan, camallada lagu ay tahay in lagu dadaalo, iyo sida uu qofka muslimka ahi uu uga faa’iidaysan karo. Dulucda Qormada Bisha Dul-Xijjah waa bishii laba iyo tobnaad ee sannadka Hijriga, waxayna leedahay fadli weyn gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu horreeya. Nabi Maxamed (NNKH) wuxuu yiri: "Ma jiraan maalmo camalka suuban uu ka fadli badan yahay maalmahaas tobanka ah." Saxaabada ayaa waydiisay, Nabi allow Xattaa ma jihaadkii Ilaahay dartiis?" Wuxuu yiri: "Xattaa jihaadkii Ilaahay dartiis, marka laga reebo nin labaxay naftiisa iyo maalkiisa, markaasna aan waxba kalasoo laaban." (Bukhaari) Maalmahan waxaa ka mid ah maalinta Carafo – oo ah maalinta ugu fadliga badan sanadka kadib Layllatul Qadr – waxaana maalintaas ilaahay cafiyaa dambiyada sannadkii hore iyo kan dambe, haddii uu qofku soomo. Waxaa sidoo kale lagu gudanayaa mid kamid ah waajibaadka xajka, kaas oo ah tiir kamid ah shanta tiir ee Islaamka. Camallada lagu dadaalayo maalmahan waxaa ka mid ah: Soonka (gaar ahaan maalinta Carafo) Salaadda faralka iyo sunnooyinka Dikriga badan (Takbiir (الله اكبر), tahmiid, (الحمد لله), tasbiix, (سبحان الله) iyo inta lamid ah oo kujiro saliga Nabiga SCW Akhrinta Qur’aanka Sadaqada iyo quudinta kuwa aan waxba haysan Dadaalka lagu kasbanayo raalli ahaanshaha Ilaahay Gabagabo Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xijjah waa hadiyad Rabbi uu siiyey ummadda Nabi Maxamed (NNKH). Waa fursad aan dib loo heli karin ilaa sannadka dambe. Qof kasta oo Muslim ahi waa inuu isudiyaariyaa, niyad wanaagsana la yimaadaa, sidii uu uga faa’iidaysan lahaa waqtigaan barakaysan. Haddii aan la xajineyn, hala soomo, haddii aan la soomi karin, halagu dadaalo ducada, salaadda iyo dikriga. Waa maalmo kooban balse abaalmarintoodu aad bay u weyn tahay. Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fursadaha mar la’aragga ah ee cimrigooda soo mara. Amiin, Amiin, Amiin Xigasho, Rajada Nolosha

Waxaa la arkaa in aad waydid wax aad muddo badan ku taamaysay sida qof aad jeclayd in aad nolosha wadaagtaan, shaqo aad ku riyoon jirtay, ama fursad mar la,arag ah oo aad islahayd wax wayn ayey noloshaada ka badalaysaa, Sidoo kale waxaa la arkaa in aad la kulantid ama ay kugu dhacaan wax aad ka cararaysay sida in waaridkaa kugu daro gabar/wiil ay wanaag ka dhex arkeen ama aad heshid shaqo aan ahayn middii aad filaysay, balse aan kuu sheego taas micnaheedu kama dhigna in aad nasiib xuntahay ama dadaalka aad bixisay uu yaryahay ee waxaa macquul ah in ilaahay uu kuu diyaarinayo marxaladda xigta ee noloshaada lagaba yaabee waxaad aad jeclayd oo aad wayday in aysan khayr kuu ahayn sidaas si lamid ah waxaas aad necbayd oo kugu dhacay in aysan shar kuu ahayn وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ Marwalba aan aamino midka maamulka dunidaan haya ☝️

Waxay tiri 15 sanadood ayaan suurad baqra aqrinteeda wadaa! Mudo dhan shan iyo toban sano ayaan aqrinayaa suurad baqra maalin
Waxay tiri 15 sanadood ayaan suurad baqra aqrinteeda wadaa! Mudo dhan shan iyo toban sano ayaan aqrinayaa suurad baqra maalin kasta, ilaahay noloshayda oo dhan buu ku wanaajiyay oo barako ayaan ka helay bay tiri, caruurtii buu ilaahay baari iiga dhigay, nolol xasiloon oo qabowna waa aan ku noolahay, wax kasta oo aan u baahdana isla goortaas baan helaa Allaahu Akbar! Suurad baqra waa dawada murugada, albaab kasta oo kaa xidhana waa lagu furtaa, guriga lagu aqriyona shaydaanku ma uu soo galo. Qof kastoow naftaada haka hagran inaad aqriso maalin kasta. XIGASHO. Tiirka nolosha

Markii aad aragtid qof xumaan samaynaya kama dhigna in uu yahay qof ay qofnimadiisu liidato, bini aadamka ilaahay abuurtay qofwalba oo kamid ah waxa uu la harjadayaa caqabado u gaar ah waxa uuna kujiraa hardanka nolosha, haddaba erayga wanaagsan waa sadaqo,e dadka u quur, dhiiragali sidoo kalana wanaag u rajee. ❤️

Qofkii ilaahay dartiis wax uga taga ilaahay wuxuu ugu badalaa wixii uu ka tagay wax ka khayr badan. waxyaabaha ilaahay kuugu badalayo way kala duwanaan karaan waxaa ka mid ah in alle xasilooni qalbiga uu kuu galiyo, jacaylkiisa in uu kugu irsaaqo, ama firfircooni iyo nasaad aad wax badan kuqabsan kartid in lagu siiyo. khasab ma ahan in wax aad taaban kartid, lacag ama xoolo kale in laguugu badalo. dhinaca kale alle waxa uu kuugu dib dhigi karaa maalinta qiyaamaha oo ilaahay kaaga badbaadin karaa Naarta kulul, Sidoo kalana Janno uu alle kugu siin karaa. Haddaba ha u ogolaan shaydaan in uu ka waswaasiyo asaga oo kuleh wixii aad alle dartiis uga tagtay wali alle wax kuuguma uusan badalin ee hawlahaagii hore iskaga laabo. Ku kalsoonow Eebe wayne balan qaadkiisu waa dhab ان وعد الله حق

Wakhtigaaga haku lumin ka fakarka arimuhu sida ay ahaan lahaayeen (hadii aan waxaas haysan lahaa, hadii aan, meeshaas joogi lahaa, hadii xiriirkii iga xumaaday uu ii hagaagi lahaa, hadii xaalkaygu sidaas ahaan lahaa, hadii, hadii, hadii.) Ogow hadda meesh aad joogtid iyo sida uu yahay xaalkaagu ayaa ah meesha uu alle SWT kuu qadaray kulana rabay in aad joogtid. Alle aamin, ku kalsoonow horayna u soco. Caqabad kasta oo dhanka alle kaaga timaada waxa ay noqon kartaa fursad uu kugu galadaystay oo aan la qiyaasi karin faa,iidadeeda. go,aankana adigaa iska leh.

من كان منكم يعبد رمضان فان رمضان قد فات ومن كان منكم يعبد الله فان الله حي لا يموت. “Qofka idinka mid ah oo caabudi jiray Ramadaan hadaba ha ogaado Ramadaan wuu dhamaaday, balse qofkii caabudi jiray Eebe Wayne, ha ogaado alle waa mid sifada nolosha abadagi ah leh waligiisna ma uu dhimanayo” Oraahdaan waxaa noo jeediyey habeenadii u dambeeyey ee bishii Ramadaan shiikh kawacdiya misaajid aan kutukan jiray. asaga oo nagu baraarujinaya in aan cibaadada la dayicin lagana tagin marka Ramadaan dhamaado kadib. Hadaba aaa in aan ku dadaalno in aan cibaadadii sii wadno inta aan awoodno, ilaahay waxa aan ka baryaynaa in uu dhamaanteen wadada saxdaa nagu hanuuniyo naguna sugo. Intaan ayan jeclaystay in aan idinla wadaago maanta❤️

Ciid wanaagsan marlabaad dhamaantiin walaalayaal, si gaar ah Ciid wanaagsan saaxiibada North America aynu kuwada ciidayno had
Ciid wanaagsan marlabaad dhamaantiin walaalayaal, si gaar ah Ciid wanaagsan saaxiibada North America aynu kuwada ciidayno hadda waa wakhtigeenii aan Farxi lahayn una dabaal degi lahayn munaasabadda Ciid Al fitri alle hanaga aqbalo dhamaan acmaashii suubanayd ee aan soo samaynay bishii Ramadaan. ❤️

Ciid mubaarak dhamaan walaalaha aan bartaan kawada socono, ilaahay hanaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aan soo wadnay, il
Ciid mubaarak dhamaan walaalaha aan bartaan kawada socono, ilaahay hanaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aan soo wadnay, ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu nagu sugo in aan sii joogteeyno acmaashii wanaagsanayd ee soo bilownay. CIID MUBAARAK WALAALAYAAL❤️

Salaamulahi Saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in dhamaantiin aad caafimaad qabtaan, maanta waa maalinkii 21 aad ee bisha barakay
Salaamulahi Saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in dhamaantiin aad caafimaad qabtaan, maanta waa maalinkii 21 aad ee bisha barakaysan, taas macnaheedu waa 9 ama 8 maalmood ayaa ka dhiman dhamaadka bishaan barakaysan. Haddaba waa in aan labo jibaarno dadaalkii aan soo wadnay mudddii 20 maalmood ahayd, khayr kasta oo aan uruursan karnana aynaan ka tagin, runtii waa fursad mar la, arag ah. Ilaahay hanaga dhigo kuwii ka faa,iidaysta wakhtiga kooban ee haray sidoo kalana haleela habeenka barakada badan ee laylatu al qadriga ليلة القدر خير من الف شهر Ramadaan mubaarak❤️🤲

Salaamulahu saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in aad fiicanatihiin. Runtii wakhtigu wuu ordayaa, maanta waa 15 Ramadaan taas oo
Salaamulahu saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in aad fiicanatihiin. Runtii wakhtigu wuu ordayaa, maanta waa 15 Ramadaan taas oo ka dhigan in kala bar ayna waydaaratay bishii barakaysnayd, wali waa wakhti fiican oo aan alle SWT ugu dhawaan karno. Waa in aan dadaal dheeraad ah bixinaa insha allah. Eebe hana waafajiyo wixii khayr ah amiin❤️🤲

Deg deg ayuu runtii ku gudbay soonkii, hadda asbuuc ayaa tagay wali jaanis ayaan haysanaa, “ilaahow waa jimcadii u horaysay e
Deg deg ayuu runtii ku gudbay soonkii, hadda asbuuc ayaa tagay wali jaanis ayaan haysanaa, “ilaahow waa jimcadii u horaysay ee bisha Ramadaan, Inooga yeel bilowga guusha iyo liibaanteena aduun, sidoo kale inooga yeel dhamaadka murugadeena iyo walwalkeenan, ilaahow noo dambi dhaaf” aamiin🤲

Ramadan maalinkii 3 aad “ilaahow waxaan ku waydiisanynaa Cilmi waxtar leh, Risiq balaaran oo barakaysan, iyo daawo xanuunkast
Ramadan maalinkii 3 aad “ilaahow waxaan ku waydiisanynaa Cilmi waxtar leh, Risiq balaaran oo barakaysan, iyo daawo xanuunkasta oo na haleela” Ducada hala badiyo Ramadaan waxa ka haray baa iska yare

Ramadaan Mubaarak dhamaan walaalaha halkaan aan ka wada socono waxaan ugu tahniyadaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramad
Ramadaan Mubaarak dhamaan walaalaha halkaan aan ka wada socono waxaan ugu tahniyadaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan ilaahay hanooga dhigo kii ugu fiicnaa abid kaas oo nolosheena uu eebe sabab uga dhigo in uu dhanka wanaagsan ugu badalo. Amiin yaa rabi❤️🤲

Jimcaha ama Sabtiga midkood ayaa la aaminsayahay in bisha barakaysan ee Ramadaan ay bilaabanayso, ilaahay waxaan ka baryeynaa in uu nabad iyo caafimaad qab nagu gaarsiiyo annaga iyo inta aan jecelnahay Amiin❣️🤲

Akhristoow, alle hakuu barakeeyo maalintaada waa maalin jimco ah waa maalin alle dhexdeeda khayr farabadan dhigay, aan iskuda
Akhristoow, alle hakuu barakeeyo maalintaada waa maalin jimco ah waa maalin alle dhexdeeda khayr farabadan dhigay, aan iskudayno in aan ka faa,iidaysano, Saliga Nabiga Scw badisayaa, istiqfaar badan latimaadayaa, ama qur’aanka ku dikrisayaaba waa in aan wax un khayr ah kala harnaa inta aysan dhamaan maalinteenu insha allah❤️🙌

Shalay waxaa bilatay bisha shacbaan taas oo kadhigan in hal bil oo kaliya ay ka hartay bishii barakada iyo khayrka ee Ramadaa
Shalay waxaa bilatay bisha shacbaan taas oo kadhigan in hal bil oo kaliya ay ka hartay bishii barakada iyo khayrka ee Ramadaan, Eebow nagaarsii annaga oo caafimaad qabna sidoo kalana noo ogolow in aan khayrka dhexyaal inta ugu badan ka qaadano amiin yaa rabi❤️🤲

Sida ay taariikhyahannada Muslimiinta qayb kamida ahi aaminsan yihiin caawoo kale ayuu dhacay safarkii Nebigu SCW ee Israa Wa
Sida ay taariikhyahannada Muslimiinta qayb kamida ahi aaminsan yihiin caawoo kale ayuu dhacay safarkii Nebigu SCW ee Israa Wal Miraaj, waa safarkii uu Nebigu ku gaadhay darajo uusan gaadhin hortii nebi lasoo diray iyo Malag Alle u dhowiba. Habeen barakaysan oo diinta qayb badan oo kamid ahi dhammaystirantay ayuu ahaa, waa habeenkii lasoo waajibiyay salaadaha shantaa ee aynu maalin walba shanta jeer tukano. Habeenkan barakaysan ayaan dhammaanteen inoogu duceenayaa in sidii uu Alle safarkaas intaas leeg nebiga ugu fududeeyay in Alle inana dhammaan safarradeena adduun iyo aakhiraba inoo fududeeyo. Alle ha inoo fududeeyo muraadyadeena san oo dhan gaadhitaankooda. Xigasho, C/raxiin Ciideed