SAMEWADE ACADEMY
前往频道在 Telegram
Kusoo dhawada samewade Academy channel kan waa madal aad ka heli doontid Dhamaan Cashirada aan soo gudbino si free ah.
显示更多📈 Telegram 频道 SAMEWADE ACADEMY 的分析概览
频道 SAMEWADE ACADEMY (@samewade) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 17 381 名订阅者,在 教育 类别中位列第 11 545,并在 索马里 地区排名第 484 位。
📊 受众指标与增长动态
自 невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 17 381 名订阅者。
根据 26 六月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -148,过去 24 小时变化为 -10,整体触达仍然可观。
- 认证状态: 未认证
- 互动率 (ER): 平均受众互动率为 4.23%。内容发布后 24 小时内通常能获得 1.12% 的反应,占订阅者总量。
- 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 736 次浏览,首日通常累积 194 次浏览。
- 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 0。
📝 描述与内容策略
作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
“Kusoo dhawada samewade Academy channel kan waa madal aad ka heli doontid Dhamaan Cashirada aan soo gudbino si free ah.”
凭借高频更新(最新数据采集于 27 六月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 教育 类别中的关键影响点。
17 381
订阅者
-1024 小时
-357 天
-14830 天
帖子存档
17 372
Waxay isku waafaqeen culimada mufasiriintu in ay gabadhu jeclaatay xumaan nafteeda lagu sameeyo, laakiin waxa la isku khilaafay hamiga yuusuf, qaar waxay tix geliyeen sheekooyinka israa’iliyiinta ah, laakiin sida saxda ah waxa weeye waxay ay nafteedi la jeclaatay xumaan Nabi Yuusuf (cs) sidoo kale ayuu ku hamiyay laakiin muu samayn, ayadani waxay leedahay fasilaad faro badan laakiin waxa aan ku soo koobin doona.
Illaahay (swt) waxa uu yidhi:
“Sidaas ayaan uga jeedinay xumaantii iyo sinadii, isagu waxa uu ahaa adoomahayaga mukhlisiinta ah.’’
Nabi Yuusuf (cs) in kastoo yahay dadka mukhlisiinta ah hadana kamay maqneyn dareenkii raganimo laakiin markasta waxa hor yaalay ayadaha eebe.
Illaahay (swt) waxa uu inoogu soo koobay kitaabkiisa quraanka ah:
“Waxay u tartameen albaabkii khamiiskana xaga danbe ayay qabtay odaygeedina waxay ay ku kulmeen kadinka albaabka, waxay tiri waa maxay abaal marintiisu ninka reer kaaga la doonay xumaan.”
Waxay ay soo jeedisay isla kolkiiba gabadhii jeclaatay nabi yuusuf (cs) xeer ciqaabeedkii la marin lahaa yuusuf iyadoo ka baqanaysa fadeexad iyo ceeb waxay tilmaantay in la xidho, Nabi Yuusuf (cs) waxa uu bilaabay in uu istifaaco waxay uu yidhi.
“Iyadaa nafteeda ii jeclaatay si aan xumaan ugu sameeyo.”
Quraanku waxa ka muu sheegin jawaabtii u ka bixiyay odaygeedi iyo wixii markaa uu sameyay laakiin;
Illaahay (swt) waxa uu yidhi:
‘’Waxa markhaati ka noqday qof ehelkeeda ka mid ah, hadii uu yahay khamiiskiisi mid ka jeexan dhinaca hore, run ayay sheegtay isaguna waa kuwa beenalayaasha ah (26) hadii uu yahay khamiiskiisu mid ka jeexan dhinaca danbe ayaadaa been sheegtay, iskaguna waa kuwa run badanayaasha ah (27) waxa uu arkay khamiiskii oo dhinaca danbe ka jeexan waxa uu yidhi taasi waa shirqoolkiini, shirqookiinuna waa mid wayn.”
Ma ogin in uu yahay ka markhaatiga furayay mid la socday arinta ilaa bilowgii amba uu u yeedhay ninka la yidhaa casiis markii ay arintu dhacday ka dib si uu wax uga yidhaa, sidee sheegeen riwayadaha qaarkood ninkan markhaatugu waxa uu ahaa nin aad u da wayn sida riwayadaha qaarkood ay sheegayaan waxa uu ahaa ilma yar oo naaska jaqaaya laakiin waxaas oo dhani waa tafaasil caadi ah, waxna ka badali maayan arintaan.
Quraanku sida uu inoo sheegayo ama aan ku aragnay waxa uu tilmamay ninkan markhaatiga ahaa in la eego khamiiskiisa hadii dhinaca hore uu ka jeexan yahay waa difaac ay iskaga jirtay iyo iska celinteedi iyadaana run sheegaysa isaguna waa beenale, hadii khamiisku dhinaca danbe ka jeexan yahay waa baxsadkii uu ka baxsanayay iyo ka hor istaagi ay ka hor istaagaysay albaabka iyadu waa beenalay isaguna waa mid run sheegaya.
Markuu arkay odaygeedi sheekadu siday ay u dhacayso, marku arkay khamiiskiisu inuu dhinaca danba ka jeexan yahay waxa uu yidhi taasi waa shirqoolkiini, shirqoolkiinuna waa mid wayn cidna muu canaanan wax na muu odhan, waxa u soo jeestay dhinaciisa waxana uu yidhi yuusufow iskaga jeeso taa.
Illaahayna danbi dhaaf waydiiso, adigu waxaad ahayd kuwa gafsan, intaa waxa inoogu dhamaaday qisada qaybteedi hore laakiin fidnadii intaa kumayu dhamaan, manuu kala saarin ninkii guriga lahaa gabadhii iyo inankii yaraa isagoo doonaya in uu sheekhada iska xidho, laakiin waxa faafay sheekhadii guri ilaa guri dumarkii magalada ku noola waxay ay heleen sheeko ay ka sheegaystaan iyagoo leh gabadhi uu qabay ninkii madaxda ahaa waxay jeclaatay inankii yaraa ee gurigeeda joogay, waa gabadh lunsan iyo erayo kale oo la mid ah, illaahay oo sheekadaa wax inooga tilmaamaya waxa uu yidhi;
“Waxay yidhaahdeen dumarkii magaladu gabadhii ninkii boqorka ahaa inankii yaraa ayay nafteedi la jeclaatay waxana madax maray jecayl waxana u aragnaa gabadh baadi cad ku jirta.”
Warkaasi waxa u gudbay af ilaa af guri ilaa guri ilaa uu soo gaadhay gadhii lafteedi.
Lasoco qaybta 6aad habeen danbe.
17 372
Asc wllaha Muslim ta ah .. RAMADAN KARIIM
Sawirkan sare ee ujeedaan waxaan ka qaaday CHANNEL carabi leeday wxaa ku xidhan dad ku dhawaad 5k ah
Waxaan like iyo love usaaray dadkaa kala badhkood hadaba hadii soomaali nahay maxaan like iyo loveka isgu saari waynaa
Please dhibmaaha taabashada love ka iyo like tu please taabo
Dhiirigalin ayeeye nootahay MAHADSANIDIIN 👏17 372
🌙RAMADAN QUIZ
______________________
Sheeg Mako (Makkah) Markii la-furtay inta sanam ee uu Rasuulka (NNKH) ka jajabiyey kacbada Dhexdeeda?
17 372
🔰 SOMALI TELEGRAM CHANNELS 🔰
〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️
🧠 KOBCIAQOONTAADA PDF 🧠
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🍀 SAMEWADE FREE E- BOOKS ☘
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
💞 BUUGAAG LIBRARY 💞
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📚 MADASHA AQOONTA PDF 📚
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
💊 SOMALI MEDICAL FREE E- BOOKS💊
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
💎 XIKMADO SOMALI AH💎
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🌕 IFTIINSHE MEDIA CHANNEL 🌕
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📓 KAYDKA BUUGTA 📓
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🕋 SAYDUL MUMINIIN 🕋
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🎸KAYDKA SUUGAANTA 🎸
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📷 SOMALI HD WALLPAPER 📷
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🎬 SOMALI HD MOVIES 2020 🎬
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📕 CILMI KAAB📕
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🧑⚕ MISBAAX MEDICAL CHANNEL 🧑⚕
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🌻 HOME OF THE ST FORM FOUR🌻
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🔩 SUB- TO - SUB 🔩
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️
17 372
Illaahay (swt) waxa uu yidhi koreeye:
“Markuu qaan gaadhay waxanu siinay xigmad iyo cilmi sidaas baanu dadka wanaagsan u abaal marina.”(22)
Yuusuf waxa uu ahaa ninkii wakhtigaa ugu quruxda badnaa, wajiga yuusuf waxa laga dheehanayay qurux ta ugu yaabka badan, waxa kaloo illaahay siyay xukun caafimaad qaba, waxa kaloo illaahay siyay cilmi iyo xishood, waxa kaloo illaahay ugu deeqay dood wanaag, waanu hantiyi jiray quluubta dadka dhagaysanaya, waxa uu lahaa dul qaad badan, waxa uu ahaa qof bila aadan ah oo qof kale lagu masali Karin, waxa uu ogaa Nabi Yuusuf (cs) in illaahay ku maamusay Cabirka riyooyinka, sidoo kale Nabi Yuusuf (cs) waxa uu ku caan baxay toosnaan, dulqaad, waxa uu ka yeelay masuulkii uu gurigiisa joogay sidii inankiisi oo kale…
Waa Goobtii 1aad qeybteedi 2aad ee noloshii nabi Yuusuf (cs)
Nabi Yuusuf (cs) dhibtaa imika qabsanayaa waa tu ka adag tii ka horaysay, dhibtani waxay qabsatay Nabi Yuusuf (cs) isagoo ilaahay siiyay aqoon iyo caafimaad si uu ugu waajiho dhibaatooyinka ka hor imanayaa:
“Waxa jeclaatay tuu gurigeeda joogay nafteeda ayay u jeclaatay waxay xidhatay albaabadi oo dhan waxayna tiri waa ku kaa, wuxuu yidhi illaahay ayaan ka magan galay, illaahay waa rabigii I wanaajiyay meesha aan degayo mana liibanan kuwa dulmi falayaasha ah.” (23) Way u hamootay isna wuu u hamooday hadaanu arki lahayn cadeynta xaga illaahay ka ahaatay, sidaa ayaan ugu jeedinay xumaanta iyo sinadiiba isaguna waa adoomayadayga mukhlisiinta ah.”(24)
Imikana bal aynu u fiirsano ayaadahaan fasiradooda, waxa jeclaatay oo doorbiday nafteeda tii uu gurigeeda joogay waxay xidhatay albaabadii oo dhan waxayna ku tiri waa ikan, sida ay mufasiriintu tilmaaman, waxay tiri markaa igama baxsan maysid halkaa waxa inooga cad inuu mar hore ka baxsaday oo aan si toos ah ugu yeedhin, halkan quraanku waxa tusaale cad inoo siinayaa doodi dhex martay Nabi Yuusuf (cs) iyo gabadhii Casiis.
Nabi yuusuf (cs) waxa uu hor istaagay gabadhii isagoo ku dhawaaqaya waxa aan ka magan galay illaahay, illaahay waa rabigay dadka daalimintuna ma guulaystaan, Nabi Yuusuf (cs) waxa ku adkaatay gabadhii uu gurigeeda joogay oo jeclaatay in uu xumaan ku sameeyo dabadeena waxa uu gargaar saday Illaahay si uu xumaanta uga nabad geliyo.
Illaahay waxa uu yidhi koreeye :
“Way u hamootay iskaguna wuu u hamooday hadaanu arkaykeen cadeemaaha illaahay.”
Lasoco qaybta 5aad insha allah
17 372
gelinay dhulka aananu barnay fasilaada riyooyinka arinka illaahayna wax kasta isagaa ka xoog badan laakiin dadka badidiisu ma garanayaa.”(21)
Isla kolkiiba waxa jacayl uqaada yuusuf ninkii iibsaday isagoo ku yidhi haweenaydiisii hagaaji wiilkaa yar waxa laga yaabaa in uu ina anfaco ama aynu ka dhigano ilmo, sidaas ayuu yuusuf ugu soo barbaaray gurgiga ninkii xukumaayay masar ee lagu magacaabo CASIIS, CASIIS waxa la odhan jiray ninka cadaalada badan ama ninka xooga wayn leh, laakiin dhinaca loo badan yahay waxay tilmameen inuu ahaa ninkii madaxda ka ahaa masara (Raysal wasaare).
Lasoco qaybta 4aad habeen danbe
17 372
Goobtii |3aad
Dabadeena waxay aabahood ka dooneen in uu u ogalaado si u raaco.
Illaahay isagoo taa ka waramaya waxa uu yidhi:
“Waxayna yidhaadeen aabooy maxaad noogu aamin la’dahay yuusuf anagoo u ah wanaag falayaal (11) anaga na raaci beritoole ha iska soo qadhaabsado ha iskana soo ciyaaro anaguna waan ilaalinaynaa, (12) waxa ii muriga gelinaysa in aad isgaga tagtaan waxana ka baqayaa inuu cuno yayga idinka oo moogan (13) waxay yidhaadeen hadii uu cuno yayga anagoo koox ah hadaba dhab ahaantii anagaa waanu qasaarnay.’’(14)
Waxa dhex maray dood inamadii iyo aabahood si u raaci lahaa yuusuf, waxayna ay cabireen erayo dereen ku jiro (aabooy maxaad yuusuf noogu aamin la dahay).
Yuusuf waa walaalkayo anagaa ilaalinayna ha ka baqanin in ay wax soo gaadhaan, anagu waan jecel nahay walaalkay waanu waanin waanu ciyaarsiin doona, aabooy maxaad noo raacin la dahay ha iska ciyaare ha iskana qadhaabsadee isaga waxaa u fiican ciyaarta iyo bixitaanka maadamo uu ilma yar yahay, aabo bal eeg wajigiisa waxa uu ka murugaysan yahay joogitaanka guriga inanka yari maba helo wax ciyaar ah.
Laakiin aabahood wuu ka diiday si aan toos ahayn isagoo muujinaya cudur daar, wuxuuna sheegay in aanu jecleen inuu yuusuf ka ag fogaado isagoo ka baqaya inuu cuno yaygu waxana uu yidhi aabooy waxa muruga I gelinaya in aad ka tagtaan yaygune cuno idinkoo ciyaar ku mashquulsan, waxay ugu jawaabeen aabahood aabooy anagoo 10 nin ah suura gel maaha inuu cuno waraabe iyagoo aabohood u muujinaya been waxay aabahood saareen cadaadis faro badan si u raaco yuusuf, si una rumoobo qadarka illaahay, waanu ogalaaday aabahood in yuusuf raaco.
Goobtii |4aad
Markay la tageen oo ay dooneen in ay ceelkii ku dhex ridaan wuxuu illaahay u waxyooday Nabi Yacquub (cs) isagoo uga waramaya waxay sameeyeen inamadiisi laakiin inamadiisu may dareen sanayn, waxay door bideen yuusuf walaaladiin in ay ku ridan ceel aanay socotadu ka kala go’in si diina way sameeyeen, ilaahayna Nabi Yacquub (cs) ayuu u sheegay inuu inankisi ka badbaaday ceelkii lana kulmi doono maalin kale ugana warami doona qisadan iyo waxay walaaladii ay ku sameeyen.
Goobtii |5aad
“Waxay u yimaadeen aabahood goor cashaayi ah iyagoo iska oohinaya (15) waxayna yidhaadeen aabooy anagu waanu tagtay, yuusufna waxanu kaga tagnay alaabtii waxana cunay yaygii miyaanad na rumaysanayn hadii aan ku sheegayno run (16) Waxayna ay keeneen qamiiskii uu xidhnaa oo dhiig been ah ay soo mariyeen.” (17)
Nabi Yacquub (cs) markiiba waxa uu gartay siduu xaalku yahay waxan uu ogaaday in ay been cad tahay, yuusuf yayagu muu cunin laakiin waxa uu ahaa qorshe ay udageesadeen walaaladii.
Nabi Yacquub (cs) kolkiba waxa uu ku yidhi naftiinu waxay idiin qurxisay arin aad u xun laakiin waa in aan illaahay talo saartaa.
Illaahay (swt) waxa uu yidhi :
“Waxa uu yidhi dhab ahaantii naftiina ayaa idin qurxisay arinkan in la iska samro ayaa wanaagsan waxaad samayseena illaahaybaan ka talo saartay.”(18)
Intaa waxa inoogu dhamaaday qaybtii hore ee noloshii yuusuf iyo walaaladii waxana aanu bilaabi doona nolosha cusub ee Nabi Yuusuf (cs) geli doono.
“Waxa yimi socoto waxay ceelkii ku rideen wadaantii way soo jiideen jiiditaan waxayna yidhaadeen waar waa bishaaro kani waa inan waxayna ku iibiyeen lacag laakiin illaahay ayaa ogaa waxay siiyen (19) waxayna siiyen lacag fudud oo daraahim faro ku tiris ah waana ay iskaga dheeradeen.”
Sida ay ayadani inoo sheegayso intuu yuusuf ceelka ku dhex jiray waxa soo maray socoto, socotadaas oo ku socotay masar waxayna ahayeen socoto aad u wayn waxay dooneen in ay ceelka biyo ka sii qaataan waxana ay ku rideen wadaantii ceelka, markii ay dooneen in ay soo jiidan waxa uu qabsaday yuusuf wadaantii ceelka, markii ay arkeen wiilkii ayaa ay la yaabeen ayay u bushaaraysteen wayna ku iibiyeen masar gudaheeda waxayna siiyeen lacag yar sababtoo ah waxa uu ahaa wiil yar.
Halkaana waxa kaga dhamaatay dhibtii ceelka, waxana u bilaab matay dhib labaad.
“Kii iibsaday waxa uu yidhi ee masar joogay gabadhiisa waxa uu ku yidhi hagaaji halkuu dagayo waxa laga yaaba inuu na anfaco amba aynu ka yeelano ilmo, sidaas yuusuf ugu suura
17 372
🔰 SOOMAALI TELEGRAM CHANNELS 🔰
_____________________________________
🍀 SAMEWADE FREE E- BOOKS ☘
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
💊 SOMALI MEDICAL FREE E- BOOKS💊
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
💎 XIKMADO SOMALI AH💎
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🌕 IFTIINSHE MEDIA CHANNEL 🌕
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🧠 KOBCIYE AQOONTAADA 🧠
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📓 KAYDKA BUUGTA 📓
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🕋 SAYDUL MUMINIIN 🕋
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🎸KAYDKA SUUGAANTA 🎸
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📷 SOMALI HD WALLPAPER 📷
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🎬 SOMALI HD MOVIES 2020 🎬
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
📕 CILMI KAAB📕
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🧑⚕ MISBAAX MEDICAL CHANNEL 🧑⚕
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🌻 HOME OF THE ST FORM FOUR🌻
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
🔩 SUB- TO - SUB 🔩
░▒▓█ JOIN US █▓▒░
_______________________________
17 372
💞 Waa Bishii Maqfirada ,
Bishani Ramadaan waxay gaar la tahay waa bishii denbi dhaafka sida uu inoo cadeeyey Rasuulkeenu scw wuxuuna yidhi: Sankiisu ha boodhoobo qofka Ramadaan soo gaadhay een loogu denbi dhaafin, waxaa kale oo Xabiibkeenu yidhi Scw: qofka Ramadaan istaaga tukada isagoo rumaysan Allena wax kaga doonaya waa loo dhaafayaa denbigiisa wixii hore uga dhacay, waxaa kaloo uu inoo sheegay xabiibkeenu scw: Ramadaan ilaa Ramadaan kale laga gaadhayo qofka waa loo dhaafaa wixii denbi ka dhacay hadaanu ahayn denbi kabiiro ah,
💞 Xorayn Naarta ah,
Bishani waxay gaar u leedahay habeen kasta oo ka mid ah Illaahay swt wuxuu naarta ka xoreeyaa 100 kun oo qof oo dhamaantood naarta mutaystay habeenka ugu danbeeya ee Ramadaana wuxuu ka xoreeyaa Naarta intii uu ka xoreeyey Bisha Ramadaan isku darkeeda in le’eg, waa fursad aad u qaali ah ayna mudan tahay inaan si wayn uga faa’iidaysano oo ku dedaalno in aynu samayno Camalo wacan oo Illaahay naarta inagaga xoraynayo.
💞 Laylatul Qadri,
bishani waxyaabaha ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah habeenkaas qaaliga ah ee la yidhaaho Laylatul qadri waa habeen ka khayr badan kun bilood, xikmada Illaahay iyadoo umadeena cimrigeedu yaryahay ayaa lagu kabayaa cimrigeena waqtiyo aad u naaxinaya cimrigeena oo inoo barakeenaya waxaana ka mid ah Bishan, hadii qofka Illaahay waafajiyo habeenkan Laylatul qadri wuxuu ka dhigan yahay in 83 sano camalkooda uu qabsaday, Illaah ayaan ka baryaynaa inaan helno habeenkaas ku gaarka ah Bishan Ramadaan.
💞 Albaabada Jannadaa la furaa,
bishani waxay kaga duwan tahay billaha kale waxaa la balaqaa ama la furaa Albaabada Jannada oo albaab qudhaata lama xidho oo Jannada ku yaala bishan, waxay tani ka dhigan tahay Jannada cidii markaas camalkeeda qabsataa waa u diyaar , Alle ha inaga dhigo.
💞 Albaabada Samada Ayaa la furaa,
bishani waxyaabaha ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah sida Rasuulkeenu inoo sheegay Albaabada Samadaa la furaa,
💞 Shaydaankaa la xidhaa,
bishani waxyaabaha ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah Shaydaankii madaxa adkaa waa la xidhaa si uu qofka muuminka ahi uga badbaado sharkiisa una sameeyo camalo iyo daacaad wax u taraya aakhiradiisa iyo aduunkiisa.
💞 Albaabada Naarta ayaa la xidhaa ,
Bishan waxaa la xidhaa albaabada Naarta waxaanay inoo sheegaysaa arintani in Naarta Illaah swt inooga xidhay si aan bishan uga badbaadno uguna dedaalno inaan saxano wixii hore inooga khaldamay.
💞 Waa bishii Raxmada, Ramadaan waxay la gaar tahay waa raxmad sida uu inoo cadeeyey Xabiibkeenu waa bil Ilaah inoo naxariisanayo , waa bil Muslimiintu isku naxariisanayaan waa bil wada Raxmad ah Illaah swt ha inaga dhigo kuwuu u naxariisto.
💞 Camalka ayaa la labanlaabaa,
Bishan waxyaabahay gaarka la tahay waxaa ka mid ah Camalka qofku qabto waa loo laban laabayaa ka soo qaad cimradii Ramadaan waxay u dhigantaa Sida adigoo la Xajjiyey Rasuulkeena Scw, saqada ramadaan iyo wax kastoo la qabto Ramaddaan dhexdeeda way ka duwan tahay bilaha kale oo waa ka ajar badan tahay.
17 372
Ramadaan Axkaam & Eedaab Qaybtii 4aad
⭐:Ramadaan Waxyaabaha ay gaarka la tahay.
Waxaa jira waxyaabo ay gaar la tahay ama u khaas ah Ramadaan oo ay kaga duwantahay waqtiyada kale & Billaha kale waxaana ka mid ah:
💞 Quraanka ayaa soo degay Ramadaan, Ramadaan waa bishii Quraanku soo degay hanuunka Illaah inooga soo diray Samada cidii raacdaana najaxayso cidii gees martaana khasaaroobayso, sidaa waxaa inoogu sheegay Illaahay swt Quraankiisa oo wuxuu yidhi: Bisha Ramadaan waa bishii Quraanka la soo dejiyey. Ma sharaf ka wayn baa jirta in quraanku soo degay Bishan barakaysan ,Aayad kalena Illaah SWt wuxuu yidhi: waxaan soo dejinay Quraanka habeen barakaysan, Rasuulkeenuna wuxuu yidhi Scw: Quraanka waxaa la soo dejiyey habeenka laylatul Qadri Samada Sare ayaa laga soo dejiyey isagoo jumlad qudha ah waxaana la soo qaybiyey dhowr iyo labaatankii sano ee uu soo degayey, waxaa kaloo jira in uu yidhi Xabiibkeenu Scw: Suxufta Ibraahim cs waxaa la soo dejiyey iyadoo Ramadaan ay tahay kow, Tawraadna waxaa la soo dejiyey habeenkii todobaad ee Ramadaan, Injiilna waxaa la soo dejiyey 13 habeen markii ay socotay Ramadaan, Quraankana waxaa la soo dejiyey markii Ramadaan ay ka tagtay 24 habeen, dhamaan daliiladaasi waxay inoo cadaynayaan in quraanka la soo dejiyey Ramadaan waana waxyaabaha ay gaarka la tahay Ramadaan waana sida loogu magacaabo Bishii Quraanka,
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
