ch
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

前往频道在 Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

显示更多
未指定国家未指定类别
263
订阅者
+124 小时
+157
+2030
帖子存档
Madaxweynaha Uganda ayaa Reer Galbeedka ku Eedeeyay, inay Aad u Buunbuuniyaan Cudurka Ebola ee laga Helay Qaar Kamid ah Dalal Afrika.

Itoobiya ayaa ku Hanjabtay inay Tallaabo Millatari ka Qaadayso Xogag ay Ku Eedaysay inay Isu Soo Bahaysteen Duminta Dalkeeda.

Hoggaamiyaha Maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa Sheegay, in Ciidamada Itoobiya ay Kusoo Dhaweeyeen Degmada Diinsoor oo Taabacsan Maamulkiisa.

Maanta waa maalin Axad, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 07-12-1447 oo waafaqsa 24-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdulkhaaliq Macalin Cabduwali

Hoggaamiyaha Maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa Sheegay, in Ciidamada Itoobiya ay Kusoo Dhaweeyeen Degmada Diinsoor oo Ta
Hoggaamiyaha Maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa Sheegay, in Ciidamada Itoobiya ay Kusoo Dhaweeyeen Degmada Diinsoor oo Taabacsan Maamulkiisa. Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ah Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee maamulka la baxay Koofur Galbeed iyo iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee maamulka la baxay Koofur Galbeed ayaa sheegay, in isaga iyo wafdiiisa ay Diinsoor kusoo dhaweeyeen Cidamada Xabashida Itoobiya, kuwaas oo uu aad u amaanay. Jibriil ayaa hadalkiisa u dhigay qaab ah inuu booqday magaalo ka tirsan Itoobiya, mar la eego sida uu Xabashida ugu mahadcelinayo soo dhawayntooda iyo qaabilaadooda.

Itoobiya ayaa ku Hanjabtay inay Tallaabo Millatari ka Qaadayso Xogag ay Ku Eedaysay inay Isu Soo Bahaysteen Duminta Dalkeeda.
Itoobiya ayaa ku Hanjabtay inay Tallaabo Millatari ka Qaadayso Xogag ay Ku Eedaysay inay Isu Soo Bahaysteen Duminta Dalkeeda. Ciidamada Millatariga Itoobiya ayaa ku dhawaaqay, inay xubnaha diblomaasiyiinta caalamka ee ku sugan Adis Ababa ay ku wargeliyeen tallaabooyinka ay qaadi karaan haddii ay jiraan isku day kasta oo lagu doonayo in lagu khatar geliyo madaxbannaanida Itoobiya. Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Iskaashiga Millatariga ee Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya janaraalka lagu magacaabo Teshome Gemechu ayaa sheegay, in Itoobiya la doonayo in la burburiyo iyada oo loo marayo hindise uu ku tilmaamay "Tsemdo”, oo ah weedh ay Itoobiya ku tilmaamto isbahaysi ay sheegtay inuu ka dhaxeeyo Eratariya, TPLF iyo FAANO. Janaraalkan oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa ka digay, in isku day kasta oo lagu "hirgelinayo" hindisahan uu la kulmi doono cawaaqib xun oo ka timaada dhinaca dawladda Itoobiya.

Hoggaanka Xarakada Mujaajidiinta Al-Shabaab ayaa dadka Soomaaliyeed u jeediyay dhambaalladii ugu cuslaa uguna miisaanka ballaarnaa kadib markii lasoo bandhigay daraasad buuxda oo sheegeysa in Soomaalidu ay halis ugu jirto in la kiristaameeyo.

Xarun Cilmi Baaris oo Laga Leeyahay Maraykanka ayaa Sheegtay In uu Dhici Karo Dagaal Cusub oo Ka Qarxa Geeska Afrika.

Mas'uul ka Tirsan Maamulka la Baxay Somaliland ayaa ku Baaqay, in la Beegsado Culimada kasoo Horjeeda Aqoonsi ku Sheega ay ka Heleen Yahuudda.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ayaa Markale ka Digay Xiriirka sii Xogaysanaya ee u Dhaxeeyo Yahuudda iyo maamulka la Baxay Somaliland.

Maanta waa maalin Axad ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 07-12-1447 oo waafaqsan 24-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Axad ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 07-12-1447 oo waafaqsan 23-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Yaasir Cabdalla.

Masuul ka Tirsan Maamulka la Baxay Somaliland ayaa ku Baaqay, in la Beegsado Culimada kasoo Horjeeda Aqoonsi ku Sheega ay ka
Masuul ka Tirsan Maamulka la Baxay Somaliland ayaa ku Baaqay, in la Beegsado Culimada kasoo Horjeeda Aqoonsi ku Sheega ay ka Heleen Yahuudda. Dayib Xassan oo kamid ah Xildhibaannada maamulka la baxay Somaliland ayaa maamulka uu ka tirsan yahay ugu baaqay, inuu gacan bir ah ku qabto cid kasta oo ka hor-imaadda aqoonsiga ama ictiraafka ay ka heleen Yahuudda. Waxa uu si gooni ah usoo hadal qaaday culimada isagoo xusay, in qofka hadduu marba ictiraafka wax ka sheega aysan jirin wax xurmad ah oo lagu ilaaliyo waa sida uu hadalka u dhigaye. Hanjabaadda masuulkan ayaa imaanayso xilli ay dhaleecayn xooggan ka dhalatay go’aanka uu maamulka la baxay Somaliland uu safaaradda uga furanayo Qudus oo ah caasimadda Falastiin

Xarun Cilmi Baaris oo Laga Leeyahay Maraykanka ayaa Sheegtay In uu Dhici Karo Dagaal Cusub oo Ka Qarxa Geeska Afrika. Warbixi
Xarun Cilmi Baaris oo Laga Leeyahay Maraykanka ayaa Sheegtay In uu Dhici Karo Dagaal Cusub oo Ka Qarxa Geeska Afrika. Warbixinno isa soo taraya ayaa muujinaya in xiisadda u dhexeysa dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay mar kale gaartay heer sare, iyadoo laga cabsi qabo in gobolka Geeska Afrika uu wajahayo dagaal cusub oo saameyn ballaaran ku yeesha amniga iyo xasilloonida mandaqadda.   Khilaafka ugu weyn ayaa ka taagan gobolka Tigreega, halkaas oo dowladda Itoobiya ay dib ugu daadgureysay ciidamo federaal ah tan iyo bishii Febraayo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in hakadyo ku yimid adeegyada bangiyada iyo duullimaadyada u dhexeeya magaalada Makalla iyo caasimadda Addis Ababa ay sare u qaadeen walaaca shacabka ee ku aadan soo dhawaanshaha dagaal xooggan oo dib u qarxa.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ayaa Markale ka Digay Xiriirka sii Xogaysanaya ee u Dhaxeeyo Yahuudda iyo maamulka la Baxay
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ayaa Markale ka Digay Xiriirka sii Xogaysanaya ee u Dhaxeeyo Yahuudda iyo maamulka la Baxay Somaliland. Kooxda Xuuhtiyiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay digniin culus kasoo saaray xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya maamulka la baxay Somaliland iyo Kiyaanka Sahyuuniga ah ee xoogga ku haysta dhulka muslimiinta ee reer Falastiin. Mahdi Al-Mash-shaat, oo ah madaxa Golaha sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa dhaleeceeyay tallaabooyinka maamulka isugu yeeray Somaliland ee ku aaddan xiriirka sii xoogaysanaya ee Yahuudda, isagoo ku tilmaamay arrin halis ah oo khatar gelinaysa Yemen iyo xasilloonida guud ee gobolka. Al-Mash-shaat ayaa sidoo kale digniin u diray Mareykanka iyo Yahuudda, isaga oo sheegay, in Xuutiyiintu ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ilaa inta laga xoreynayo ayuu yiri, taakada ugu dambaysay ee dhulka Yemen.

Madaxweynaha Uganda ayaa Reer Galbeedka ku Eedeeyay, inay Aad u Buunbuuniyaan Cudurka Ebola ee laga Helay Qaar Kamid ah Dalal
Madaxweynaha Uganda ayaa Reer Galbeedka ku Eedeeyay, inay Aad u Buunbuuniyaan Cudurka Ebola ee laga Helay Qaar Kamid ah Dalal Afrika. Yoweri Museveni oo ah madaxweynaha dalka Uganda ayaa khudbad uu ka jeedinayay goob madal ah waxa uu kusoo hadal qaaaday Cudurka Ebola oo kiisas kamid ah laga helay dalkiisa. Museveni ayaa shegay, in qaar kamid warbaahinnada Reer Galbeedka ay aad u buunbuunyaan xanuunka Ebola, balse uu yahay cudur fudud oo la xakamayn karo. Madaxweynaha Uganda ayaa isbarbar dhig ku sameeyay cudurka Ebola iyo Karoona Feyris ama COVID-19, isagoo tilmaamay, in Karoonaha uu ahaa cudurkii ugu khatarta badnaa ee soo maray dunida, balse Ebola uu ka sahlan yahay dhanka xakamaynta. “Ebola waxa uu aad uga fudud yahay xakamayntiisa Karoona Feyris, cudurka Karoonaha waxa uu kamid ahaa dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee dunida soo maray, waana mid kamid ah khataradii ugu badnaa ee ay faafidiisa halis badan abuurtay, Sababtoo ah waxa uu si toos ah ugu faafayay neefsashada". Ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Waa Habeennimo Axad ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 07-12-1447 oo ku beegan 23-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.

Dowladda Jarmalka oo Qarka Usaaran Iney Burburto.[WARBIXIN]

In ka badan 10 qof Weeraro kala duwan oo Maamulka Yahuuda uu ka geestay gudaha Dalka Lubnaan, Dowllada Ukraine oo Weerar Culus ku qaaday Warshad Shidaal oo ku taala Dalka Ruushka.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.