️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
前往频道在 Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
显示更多未指定国家未指定类别
261
订阅者
+224 小时
+127 天
+2230 天
帖子存档
Dawladda Fadaraalka oo Dhibaato Iyo Kala Faquuq Ku Haysa Jaaliyada Soomaalida ee Ku Nool Dalka Koonfur Afrika.
Maamulka Puntland oo Sheegay in Dawladda Fadaraalku Gashay Xaalad Halis ah oo u Baahan in La Badbaadiyo.
Midowga Afrika oo War Ka Soo Saartay Fashilka Kulamadii ay Yeesheen Dawladda Fadaraalka Iyo Mucaaradkeeda.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Axad ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 30-11 1447 oo ku beegan 14-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Cabdisamad Cabdullaahi.
Dalka Kenya ayaa Wajahaya Boob Dhaqaale oo ay Bilaabeen Shirkado Laga Leeyahay Dalka Faransiiska.
Warbaahinada ugu afka dheer dalka Kenya ayaa daabacay warbixino ay ku muujinayaan boob dhaqaale iyo faragelin shisheeye oo ay Kenya wajahayso, kadib markii shirkado waaweyn oo laga leeyahay dalka Faransiiska ay bilaabeen qorshayaal maalgashi oo si weyn ugu fiday gudaha dalka.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa kadib shir weyn oo ay dhawaan yeesheen madaxwaynayaasha Labada dal, waxaana kulankaas lagu saxiixay heshiisyo aan loosoo bandhigin dadwaynaha, kuwaas oo ay dadka Keenyaanka ah shaki badan ka muujiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha Faransiiska ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan ganacsiyada guryaha, dhismayaasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Kenya, mashaariicdan ayaana dhamaantood waxaa gacanta ku haynaya dhaqdhaqaaqooda shirkado gaar ah oo hoos taga wasaarada arimaha dibadda ee Faransiiska.
Khasaare isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Iska Hor-imaad Ciimadamo ka Wada-tirsan Maamulka la baxay Somaliland ku Dhexmaray gobolka Sanaag.
Ugu yaraan Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen isku dhac ciidamo kawada tirsan maamulka la baxaty Soomaliland ku dhexmaray magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Masuuliyiinta maamulka la baxay Soomalilad ugu magacaaban degmada Ceerigaabo ayaa xaqiijiyay dhacdadan, iyagoo sheegay, inuu ka bilowday muran soo kala dhexgalay labo askari xilli ay ku sugnaayeen goob ay xaflad ka dhacaysay.
Maleeshiyaad Lagu Soo Bandhigay Gobalka Galgaduud ayaa Sheegay, inay Difaacayaan Maamulka la Baxay Galmudug oo ay Dawlada Fadaraalka Xurguf kala Dhaxeyso.
Degmada Xeraale ee gobalka Galgaduud ayaa waxa lagu soo bandhigay maleeshiyaad wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo sheegay, inay garab taagan yihiin Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) hogaamiyaha maamulka la baxay Galmudug oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Fedaraalka.
Maleeshiyaadkan oo la tilmaamay, inuu soo abaabulay maamulka Degmada Xeraale ayaa waxa ay xabadka u garaacdeen, inay difaacayaan maamulka Qoor Qoor ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo cadaadis millatari kala kulmaya xukuumadda Xasan Sheekh.
Waxayna intaasi ku dareen, in Qoor Qoor ay u aqoonsan yihiin waxay ugu yeereen madaxweynaha sharciga ah ee maamulka la magacbaxay Galmudug.
Mareykanka ayaa Itoobiya ka Qaaday Cunaqabatayn uu ku Hayay ku Dhawaad 6 Sano.
Xukuumadda Washington ayaa qaaday cunaqabatayn dhanka hubka oo ay Itoobiya kusoo rogtay sanadkii 2021-kii, oo laga jooga ku dhawaad Lix Sano.
Waxaana Itoobiya cunaqabataynta dhanka hubka lagu soo rogay markii u qarxay dagaalkii Tigray ee socday 2020-ka illaa 2022-ka, kaas oo u dhaxeeyay Dowladda iyo jabhadda TPLF.
Ku dhawaaqista Mareykanka ee qaadista xayiraadda hubka ayaa ka dambeysay kulan horraantii toddobaadkan ka dhacay Washington, D.C. ee caasimadda Mareykanka, kaas oo dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedion Timotheos.
Ajandaha shirka waxaa kamid ahaa amniga gobolka iyo danaha maalgashiga Mareykanka ee Itoobiya. Waaxda gaadiidka iyo macdanta ayaa ka mid ah meelaha uu Mareykanka ku maalgashado Itoobiya.
Waa Habeennimo Axad ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 30-11-1447 oo ku beegan 16-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamad Sheekh Cali.
Boqallaal kun oo Xujey ah ayaa kusii qulqulaya Xaramka si ay ugutaan Acmaasha Xajka.[WARBIXIN]
Yahuudda Lagu Deegaameeyay Falastiin ayaa Masaajido iyo Guryo La Daganyahay Ku Gubtay Dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin, Meydka 12 Dhallinyaro Masaari ah ayaa Laga Helay Xeebaha Badwaynta Medhitareeniyanka.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caddeysay in ay dishay baadariyaal Kiristan ah iyo kuwa Soomaali ah oo uu kamid yahay Elman Cali Axmad oo ahaa xilligii burburka caan ka ahaa magaalada Muqdisho.
Falanqeyn: Sawirro hordhac ah- Dagaal lagu dilay saraakiil laguna qabsaday gaadiid dagaal oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Ururka midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay marxaladda jahwareerka ah ee ay dhex maquuranayso DF.
Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa Xasan Sheekh u jeediyay dhaliilo badan isagoo ku tilmaamay inuu yahay nin aan runta sheegin.
Ciidamadii ay Dowladda Fedaraalka Geysay Degmada Balad-Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa Bilaabay inay Kala Firxadaan.
Maanta waa maalin Sabti, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 29-11-1447 oo waafaqsa 16-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamad Sheekh Cali.
Xasan sheikh ayaa sheegay in waqti xileedkiisa uu ku egyahay Bisha May ee sanadka soo socda xili xiisada siyaasadeed ee udhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo Mucaaradka ay cirka isku shareertay
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
