️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
前往频道在 Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
显示更多未指定国家未指定类别
263
订阅者
+124 小时
+157 天
+2030 天
帖子存档
Dowladda Kenya ayaa Shaacisay In Maalin Kasta Gudaha Dalkaas Lagu Waayo In Ka Badan Labaatan Carruur ah.
Dalka Kenya ayaa wajahaya walaac sii kordhaya oo la xiriira carruurta la la’yahay, kadib markii warbixin cusub oo ay dawladdu soo saartay ay muujisay in celcelis ahaan 23 carruur ah la waayo maalin kasta.
Xogta rasmiga ah ayaa tilmaamaysa, in in ka badan 10 kun oo kiis oo la xiriira waayitaanka carruurta la diiwaangeliyay muddadii u dhexeysay Janaayo 2025-kii illaa bishii Maarso ee sanadkan 2026-ka. Kiisaskan ayaa isugu jira carruur maqan, afduubyo iyo dhacdooyin la xiriira ka ganacsiga dadka.
Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ayaa sheegay, in la helay qaar kamida caruurtaas dibna loogu celiyay qoysaskoodii, balse wali la la’yahay in ka badan laba kun oo carruur ah, arrintaas oo sii kordhisay walaaca ay qabaan shacabka Keenyaanka ah.
Waa Habeennimo Talaado ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 09-12-1447 oo ku beegan 25-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaali Macali Cabduwali
Diraasad Daaha ka Feyday in ka Badan 100 Sharikadood oo Hub iyo Agabyo Millatari Ugu Deeqay Yahuudda.[WARBIXIN]
Dhageyso: Fadli Intee La Eg Ayaa Ku Jira Maalinka Carafo Oo Ku Beegan Maalinta Barrito ah?[WARBIXIN]
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Faahfaahin ayaa laga helayaa duqeymo diyaarado shisheeye shalay ka geysteen degaano hoos taga degmada Jannaale ee wilaayada Sh hoose.
Taliye ku-xigeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya iyo Ciidamado Fara-badan oo uu Watay ayaa Lagu Laayay Gobalka Oramayaa ee Gudaha Dalkaas.
Askar ay Yahuudda Usoo Tababartay Maamulka La Baxay Somaliland ayaa Dib Loogu Soo Celiyay magaalada Hargeysa.
Hogaamiya Maamulka la Baxay Puntland ayaa Safar Qarsoodi ah ku Tagay Dalka Itoobiya.
Shil ay dad Soomaali ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ayaa ka dhacay meel dhowr cabbaar u jirta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Maanta waa maalin Isniin, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 08-12-1447 oo waafaqsa 25-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdulkhaaliq Macalin Cabduwali
Diyaaradaha Shisheeye ayaa xalay duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Buq-Aqable ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan waxay la beegsadeen, guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yiillay magaaladaas, iyagoo halkaas ku dilay laba ruux halka ay ku dhaawaceen laba kale.
Taliye ku-xigeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya iyo Ciidamado Fara-badan oo uu Watay ayaa Lagu Laayay Gobalka Oramayaa ee Gudaha Dalkaas.
Maleeshiyaadka Amxaarada ee FAANO ayaa ku dhawaaqay, inay gudaha gobalka Oramiya ku dileen Sarreeye Guuto Asnake Aytenew oo ah taliye ku-xigeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya, iyo sidoo kale, saraakiil kale oo sarsare iyo ciidamo tiro badan oo uu watay.
Taliyah iyo ciidanka uu watay ayay FAANO weerar gaadmo oo lama filaan ah ku qaaday xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeyso deegaannada Nekemte iyo Gida Ayana oo ka wada tirsan gobolka Wollega ee deegaanka Oramada.
Asris Mare, oo u hadlay Dhaqdhaqaaqa FAANO ayaa dagaalkani ka warbixiyay, wuxuuna sheegay, in weerarku uu marki hore ku bilowday kamiin loo dhigay kolonyo uu la socday taliyaha, kamiinkaas oo isku badalay dagaal toos ah oo socday saacado badan, wuxuuna xusay, in dagaalkani uu si gaar ah uga dhacay aag lagu magacaabo Andodedi oo ka tirsan gobalka Oramiya ee gudaha Itoobiya.
.
Askar ay Yahuudda Usoo Tababartay Maamulka La Baxay Somaliland ayaa Dib Loogu Soo Celiyay Hargeysa.
Sida uu daabacay The Telegraph oo ka mida wargeysyada ugu afka dheer ee waddanka Ingiriiska, waxaa magaalada Hargeysa usbuucan kusoo laabtay askar ay Yahuudda usoo tababartay maamulka la baxay Somaliland ee uu Hogaamiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu wargeysku shaaciyay, in askartaan ay tiradooda gaaraysa illaa 50 askari islamarkaana ay kamid yihiin ciidamada gaarka ah ee maamulka la baxay Somaliland.
Magaalada Talla-biib oo caasimadda u ah maamulka gumeystaha Yahuudda ayay askartani kusoo qaateen tababar millateri, sida lagu sheegay warbixinta wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska oo ah dalka Yahuudda xoogga kusoo dajiyay dhulka Falastiin.
Xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa ayuu wargeyska The Telegraph sheegay in wafdi ka socday maamulka Yahuuddu ay Cirro ku guddoonsiiyeen qaybo ka mid ah nidaamka difaaca cirka ee Sahaayinadu ay samayso ee loo yaqaan Iron Dome.
Shil ay dad Soomaali ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ayaa ka dhacay meel saacado looga socdo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Habeennimadii xalay shil gaadiid oo uu galay gaari Bas ah ayaa ka dhacay meel labo saacadood looga socdo magaalada Nairobi.
Baskan shilka galay ayaa xalay ka baxay Nairobi, wuxuuna kusii jeeday magaalada Mooyaale.
Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaarigan Bas ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in mid ka mid ah taayadaradda uu qaraxay darawalkuna xakameyn waayay gaariga.
Dadkii saarnaa Baska ayaa la sheegay iney dhimasho iyo dhaawac noqdeen, in kastoo tirada dhimashada iyo dhaawacaba warbaahintu utabineyso siyaabo kala duwan.
Tirada dhimashada ayey warbaahinta qaar sheegeysaa iney tahay dhowr iyo toban qof, halka warbaahinno kalena ay sheegayaan sedax illaa iyo afar qof in dhimashadu tahay, dhaawaacyada ayaa sidoo kale la sheegay in yihiin kuwo badan.
Hogaamiya Maamulka la Baxay Puntland ayaa Safar Qarsoodi ah ku Tagay Dalka Itoobiya.
Sida ay ku warantay warbaahinta, Siciid Cabdullaahi Deni Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Itoobiya, oo xiriiro shaacsan la leh maamul gobaleedyada ka jira dalka.
Deni ayaa la tilmaamay inuu shalay galinkii danbe si aan la sii shaacin uga duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, isagoona ka degay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Sida ay tilmaamayaan xogaha laga helayo safarkaas, Siciid Deni ayaa Itoobiya kasii aadi doono dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, oo kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh maamulkiisa.
Diyaarado dagaal ayaa duqeymo dhaliyaya dhimasho iyo dhaawc ka geestay dagamada Buq aqable ee Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan
Maamulka la Baxay Puntland ayaa Xiray Mid Kamid Saraakiishiisa Ciidanka oo Isagoo Cabanaya Dhawaan Warbaahinta Kasoo Muuqday.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
