️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
前往频道在 Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
显示更多未指定国家未指定类别
261
订阅者
+224 小时
+197 天
+1930 天
帖子存档
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 23-12-1447 oo waafaqsan 09-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey habeenkii xalay dagaallo culus ku qaadeen xeryaha askarta Ugaandha ee degmada Qoryooley iyo deegaanada kala ah Shalambood Iyo Buur-colow ee gobalka Shabellaha Hoose.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga ay askarta Dawladda Fadaraalku ku leeyihiin degmada Jannaale.
Waxaa intaas dheer in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen ciidamo Ugaandhiis ah oo ku lugaynayay inta u dhaxeysa deegaanada Buufow iyo Shalambood.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[236]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Dawlada Fadaraalka ayaa Hotel elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Hub ay sheegtay in uuu lahaa Milkiilaha Hotelka.
Bishii May ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Qazza ku dhashay 1701 canug, xilli marinka go'doonsan uu wali wajahayo duullaan cudwaani ah oo kaga imaanaya Yahuudda.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 2312-1447 oo waafaqsan 08-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Bishii May ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Qazza ku dhashay 1701 canug, xilli marinka go'doonsan uu wali wajahayo duullaan cudwaani ah oo kaga imaanaya Yahuudda.
Dowladda Fedaraalka ayaa Markale u Hanjabtay Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Mahdi Cumar Mumin oo ah Taliyaha Booliska Dowladda Fedaraalka ee gobolka Banaadir ayaa si adag ugu hanjabay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo ay qaadaan ay mid lamid ah uga hortagayaan.
Taliyaha booliska Dowladda Fedaraalka ee gobolka Banaadir ayaa mucaaradka ugu goodiyay inuu xabsiyada ku jeebaynayo hadday tallaabo millatari qaadaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Marba marka ka danbeyso waxaa sii xumaanaya khilaafka siyaasadreed ee u dhaxeeyo Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda, kuwaas oo haddallo kulkul hawad isu marinayo.
Jabhadda TPLF ayaa la Sheegay, inay Isku Diyaarinayso Jawaab ay ka Bixiso Duqeymihii ay Dhawaan Kala Kulantay Dowladda Itoobiya
Hey'adaha caalamiga ah ee falanqeyso colaadaha iyo rabshadaha ee ACLED ayaa sheegtay, in ciidamada Tigrayga ee TPLF ay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Dowladda Itoobiya, oo dhawaan beegsatay kolon ciidamada Tigreega oo ku socdaalayay agag ku dhow magaalada Shiraro ee gobalkaasi.
TPLF ayaa qorshaynayso inay duullaanno safbalaaran oo aargoosi ah ku qaaddo ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka taabacsan ee ku sugan gobalka galbeedka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaas, sida ay tilmaamayso hey’addan sheegata inay wax ka qorta colaadaha.
Ciidamada TPLF ee qowmiyadda Tigreega ayay warbixintu tilmaamtay, inay dhaqdhaaqyo iyo abaabul ka wadaan gelbeedka gobalkas, taas oo u muuqata mid ay jawaab uga bixinayaan duqeymaha ay kala kulmeen xukuumadda Adis Ababa.
In Ka Badan 30 Qof ayaa Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Afar Gaari oo Shil Ku Galay Dalka Kenya.
Dalka Kenya ayaa lagasoo sheegayaa, in uu ka dhacay shil sababay dhimashada iyo dhaawaca wax ka badan 30 qof oo rakaab ahaa, wuxuuna si gaara shilkan uga dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Nayroobi iyo Mombaasa.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan toddobo qof ayaa geeriyootay, halka 27 kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, shilkan ayaa waxaa sababay isku dhaca afar gaari oo kala duwan, kuwaas oo isugu jiray bas rakaab siday, gaari xamuul ah, laba baabuur oo kuwa gaarka loo leeyahay ah iyo mooto.
Baska ayaa waxaa saarnaa rakaabka ugu badan, halka kuwa kale ay dad yar saarnaayeen, taas oo keentay in khasaaraha ugu badan uu gaaro gaariga baska ah iyo wixii saarnaa. Shilkan ayaa sidoo kale sababay hakad weyn oo ku yimid isu socodka gaadiidka ee waddada isku xirta Mombasa iyo Nairobi.
Ciidamada Itoobiya ayaa Dad Rayid ah ku Dilay Dhulka Soomaali Galbeed ee Gumaysigooda ku Jira.
Xildhibaan ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan muddo kororsiga Xasan Sheekh.
Waa Habeennimo Talaado ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 24-12-1447 oo ku beegan 08-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Ciise.
100 Maalmood oo Dagaal ah Kadib Waa Sidee Xaaladda Nololeed ee ka Jirta Dalka Iiraan?[WARBIXIN]
Isku Dhacyo uu Dhiig Badan Ku Daatay ayaa Ka Dhacay Dalka Kashmiir Qaybta ay Maamusho Dalka Pakistaan,Dalalka Ruushka iyo Yukrayn ayaa Is-Weydaarsaday Weerarro Culus oo Loo Adeegsaday Duqaymo iyo Diyaarado Daroon ah oo Sababay Khasaare Baaxad Leh, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Hogaamiyaha maamulka la baxay Somaliland ayaa la Sheegay, inuu Booqanayo Magaalada Qudus ee ay Yahuudda Xoogga ku Haysato.
Hogaamiya Maamulka la Baxay Puntland ayaa Garoowe Dib ugu Soo Laabtay Kadib Safar Qaatay Labo Todobaad oo uu Dalka Dibaddiisa ugu Maqnaa.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
