ch
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

前往频道在 Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

显示更多
未指定国家未指定类别
258
订阅者
-224 小时
+197
+1930
帖子存档
Mareykanka ayaa Soo Bandhigay Damacyo Gurracan oo uu ka Leeyahay Deegaannada uu ka Arimiyo Maamulka la Baxay Somaliland. Wasa
Mareykanka ayaa Soo Bandhigay Damacyo Gurracan oo uu ka Leeyahay Deegaannada uu ka Arimiyo Maamulka la Baxay Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka ayaa warbixin ay u gudbisay Kongareeska kaga hadashay xoojinta la-macaamilka maamulka la baxay Somaliland, taas oo cinwaan looga dhigay "Meelaha suurtagalka ah ee lagu horumarin karo xiriirka Mareykanka iyo Somaliland." Inkastoo Mareykanka uu horayba xiriir ula lahaa maamulka Hargeysa, haddana wasaaradda arimaha dibadda ee Waashitoon ayaa hoosta ka xariiqday, in Maraykanku uu haatan baadi-goobayo fursado kale oo dheeraad ah oo uu doonayo inuu kula macaamilo maamulka la magacbaxay Somaliland. Warbixinta oo ka hadlaysa dhinaca iskaashiga amniga ayaa sheegtay, in Maraykanku uu Somaliland u arko goob istaraatiiji ah maadaama ay ku dhowdahay ayay tiri, Yemen iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Babul-Mandab, isla markaana ay kaalin ka qaadan karto ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga ee mara Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Waa Habeennimo Arboco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 17-12-1447 oo ku beegan 02-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.

Maxay Tahay Halista Mareykanka Kaga soo Wajahan Mandiqadda Loogu Yeero Bariga-dhexe ee Sababi Karta inuu ku Khasaaro Awooddii uu ku Lahaa Gobolka?[WARBIXIN]

Tobonaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar balaaran oo Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine, Taliye sare oo Katirsan Kooxda Xuuthiyiinta oo lagu dilay Dagaallo xoogan oo ka dhacay Dalka Yaman, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Warshada Difaaca ee Kuuriyada Koofureed.
Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Warshada Difaaca ee Kuuriyada Koofureed.

Dhulgariir xoogan oo khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay koonfurta Wadanka Talyaaniga.
Dhulgariir xoogan oo khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay koonfurta Wadanka Talyaaniga.

Taliye sare oo Katirsan Kooxda Xuuthiyiinta oo lagu dilay Dagaallo xoogan oo ka dhacay Dalka Yaman.
Taliye sare oo Katirsan Kooxda Xuuthiyiinta oo lagu dilay Dagaallo xoogan oo ka dhacay Dalka Yaman.

Tobonaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar balaaran oo Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine.
Tobonaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar balaaran oo Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine.

Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Booliska Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhex dilay Guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Urur Qaramada Midoobey ayaa Qarka u Saaran inuu Burburo Dhaqaale La’aan Awgeed.

Dhallinyaro Lagu Xiray Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay, in Dowladda Fedaraalka si Xun ula Dhaqantay.

Shariif Sh/Axmad madaxweynaha dowladdii kumeelgaar ayaa sheegay inuu ku Wareersan Yahay Diinta ay Haysato Dowladda Fedaraalka.

Maanta waa maalin Talaado, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 16-12-1447 oo waafaqsa 02-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.

Dhallinyaro Lagu Xiray Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay, in Dowladda Fedaraalka si Xun ula Dhaqantay. Dhallinyaradan oo dhawaa
Dhallinyaro Lagu Xiray Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay, in Dowladda Fedaraalka si Xun ula Dhaqantay. Dhallinyaradan oo dhawaan xabsiga loo taxaabay kadib markii ay dhaliileen siyaasadaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markii lasoo daayay waxa ay ka warbixiyeen dhibaatooyinkii ay kula kulmeem jeelka. Noolal xuma, nadaafad darro iyo dhibaatooyin kale ayay sheegeen dhallinyaradan inay kula kulmeen xabsiga, iyagoo intaasi ku daray, in dharka laga dhigay, loona diiday inay gutaaan cibaadaadka oo ay salaadda ugu horrayso. Xarigga dhallinyaradan ayaa yimid, kadib markii ay dhawaan iska soo duubeen muuqaallo ay aad ugu dhaliilayeen madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, kaas oo ay ku eedeeyeen, inuu caburin ku hayo dhallinyarada, siyaasadihiisa qalafsan awgeedna ay dhallintu uga tahriibayaan dalka.

Urur Qaramada Midoobey ayaa Qarka u Saaran inuu Burburo Dhaqaale La’aan Awgeed. Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa soo s
Urur Qaramada Midoobey ayaa Qarka u Saaran inuu Burburo Dhaqaale La’aan Awgeed. Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war rasmi ah oo ay ku sheegeen, in howlahooda shaqo ay qarka usaaranyihiin iney hakadaan, kadib markii ay lakulmeen dhaqaale xumo dhanka maaliyadda ah. Antonio Guterres (Antooniyoo Gutarees) oo ah Xoghayaha guud ee ururka Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in ay la'yihiin lacago boqolaal bilyan oo Dollar ah, kuwaas oo uga imaan jiray dhanka Shiinaha iyo Mareykanka. Hogaamiyaha Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku daray, in dhaqaala xumada maaliyadeed aawgeed ay joogsadeen kulamo muhiim ah oo uu goluhu yeelan lahaa, sababa laxiriira tarjumaannada ka shaqeeya xarunta magaalada New York oo soo gaabiyay saacadihii ay shaqeynayeen. Sidoo kale waxaa hoos loodhigay jaranjarooyinka korontada ku shaqeeya ee xarunta ururka Qaramada Midoobay kadib markii la awoodi waayay bixinta lacagta Korontada.

Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Booliska Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhex dilay Guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho. Saacadihii
Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Booliska Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhex dilay Guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay dil loo geystay sarkaal sare oo katirsan ciidanka Booliska Dowladda Fedaraalka. Sarreeye Guute Salaad Maxamed Guuleed ayaa lagu dhex dilay guri uu deganaa oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxayna wararka la helayo tilmaamayaan iney dilkiisa ka dambeeyeen labo kamid ah ilaaladiisa, kuwaasoo la sheegay in gacanta lagu dhigay. Ma cadda waxa sababay dilkiisa iyo xataa qaablka uu u dhacay falkan khaarajin ah ee la sheegay iney ka dambeeyeen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Madaxweynihii Hore ee Dowladda ku-Meel Gaarka ayaa Sheegay, inuu ku Wareersan Yahay Diinta ay Haysato Dowladda Fedaraalka. Sh
Madaxweynihii Hore ee Dowladda ku-Meel Gaarka ayaa Sheegay, inuu ku Wareersan Yahay Diinta ay Haysato Dowladda Fedaraalka. Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda ku-meel gaar ayaa xabeenkii xalay meel madal ah si adag uga weeraray Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu u jeediyay dhaliillo fara-badan. Waxa uu Shariif Sheekh Axmed sheegay, in Xasan Sheekh uu ku tuntay wax kasta oo xurmad ku leh diinta Islaamka sida masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka iyo dhiigga dadka Muslimiinta. Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda ku-meel gaar ayaa shaaca ka qaaday, in Xasan Sheekh inta uu dhulboobka wado uu burburiyay, 114 masjid iyo 300 iyo dhawr dugsi oo lagu baranayay qur’aanka Kariimka ah. “Horta Dowladan diinta ay haysato yaa yaqaano ?…. Maxaa aktooda xurmad ka leh ?” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka.

Bashiir Axmad Salaad oo ah wadaad u fatwooda DF iyo ciidamada shisheeye ayaa sheegay in diinta islaamku ay ku dayacan tahay dowladda uu qeybta ka yahay.

Tiro Arday ah ayaa ku Dhaawacmay Rasaas ay Ciidamada Maamulka la Baxay Puntland Ku Fureen Goob Waxbarasho.