️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
前往频道在 Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
显示更多未指定国家未指定类别
263
订阅者
+124 小时
+157 天
+2030 天
帖子存档
Inka Badan 40 Ruux oo Rakaab ah ayaa Lagu Afduubtay Weerar ka Dhacay Gudaha Dalka Itoobiya.
Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa ku waramaya, in koox hubaysan oo aan haybtooda la garanaynin ay rasaas ku fureen garii bas ah oo ay saarnaayeen dadweyne aad u fara-badan, kaas oo ku safrayay gudaha gobalka Aromiya ee gudaha dalkaas.
Shirkad qaabilsan Adeegyada Basaska ee Itoobiya ayaa xaqiisay, in in ka badan 50 rakaab ah ay afduubteen dableyda kadib weerarka.
Shirkadda waxa ay intaasi ku dartay, in dad sida rasmiga ah haatan ugu maqan gacanta kooxdaasi ay gaarayaan illaa 41 ruux oo kamid ah rakaabka, kuwaas oo ay dablayda weerarka soo qaaday la aaday meel aan la garanayn.
Masiirka 41 ruux ee rakaab ah ayay shirkaddu ku tilmaamtay mid majhuul ah islamarkaana aan noolal iyo geeri lagu haynin, halka ragga afduubtayna aan la aqoonsanin jihada rasmiga ah ee ay ka tirsan yihiin.
Baska weerarka la kulmay ayaa la sheegay, inuu ka baxay magaalada Addis Ababa una u socday gudaha gobolka Amxaarada.
Dowladda Kenya ayaa Karantiishay Ruux Looga Shakisan Yahay inuu Qabo Cudurka Ebola ee Dib Uga Dalicaay Qaar Kamid Dalal Qaaradda Afrika.
Xukuumadda Nayroobi ayaa ku dhawaaqday, in galbeed dalkaasi lagu karantiilay nin laga helay calaamadaha cudurka Ebola, kaas oo dhawaan ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo markale ka dilaacay xanuunka Ebolaha.
Ninkan oo 29 jir ah shaqadiisuna tahay Darawal ka xeeyo gawaarida xamuulka ah ayaa la sheegay, inuu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi, isagoona kadib gaaray magaalada Eldoret ee galbeedka dalka Kenya, halkaas oo uu ku maray baaritaanno caafimaad, lagana helay astaamo lala xiriirinayo cudurka Ebola.
Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay, in bukaanka si dhakhso ah loogu karantiilay cisbitaal ku yaalla magaaladaasi, iyadoona aan si rasmi ah loo xaqiijin inuu cudurka qabo iyo in kale.
Waa Habeennimo Sabti ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 06-12-1447 oo ku beegan 22-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Maamulka la Baxay Puntland ayaa Dalbaday in Shisheeyaha Caalamku ay Si Toos ah Xiriir Ula Yeeshaan, Iyagoo Dafiray Madaxtinimada Xasan Sheekh.
Ehelllada Qoyskii Lagu Xasuuqay Duleedka agaalada Kismaayo ayaa Dowladda Fedaraalka ka Dalbaday, inay Sheegta Sababta ay Dadkaasi u Beegsadeen.
Itoobiya ayaa Eedeymo Kulul Hawada u Marisay Masar, Xilli Khilaafka Labada Dal uu Yeeshay Waji Kale.
Maanta waa maalin Jimco, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 05-12-1447 oo waafaqsa 22-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Sarkaal iyo askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa si xun ugu dhaawacmay, weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Weerar ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, saldhigga askarta Dowladda Fedaraalka ee Buundada deegaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Ugu yaraan saddex askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dhaawacay, weerar madaafiic ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xero ay askartaas ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose.
Ehelllada Qoyskii Lagu Xasuuqay Duleedka agaalada Kismaayo ayaa Dowladda Fedaraalka ka Dalbaday, inay Sheegta Sababta ay Dadkaasi u Beegsadeen.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa saaacadihii lasoo dhaafay ku shiray odayaal ku heyb ah qoyskii ay Maleeshiyaadka Baankaraafta iyo ciidamada Mareykanka ku Xasuuqeen Deegaanka Kaam-jiroon ee Duleedka magaalada Kismaayo.
Odayaashaan oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay, in dhimashada qoyskaas ay gaartay illaa sideed ruux, waxayna codsadeen in loo sheega sababtii lagu laayay dadkaasi maatada ah.
Maamulka la Baxay Puntland ayaa Dalbaday in Shisheeyaha Caalamku ay Si Toos ah Xiriir Ula Yeeshaan, Iyagoo Dafiray Madaxtinimada Xasan Sheekh.
Golaha Wasiirrada ee maamulka la baxay Puntaland ayaa shalay magaalada Garowe ku yeesheen kulan ay kaga arinsanayeen mowqifka maamulkooda uga aadan Dowladda Fedaraalka oo uu ka dhamaaday muddo xileedkeedkii Lagu Doortay.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir gadoominayay Saciid Deni Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntaland, ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed inta badan looga hadlayay xaaladda kala guurka ah ee ay marayso Dowladda Fedaraalka.
War-saxaafadeedka oo uu akhriyay Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaas Farxaan Cali Xirsi. ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku ay gashay marxalad siyaasadeed oo halis ah, iyo in muddo xileedkii hay’adaha Federaalka uu dhammaaday, islamarkaana aysan hadda jirin hannaan sharci ah oo lagu sii wadi karo maamulka Dowladda Federaalka, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Itoobiya ayaa Eedeymo Kulul Hawada u Marisay Masar, Xilli Khilaafka Labada Dal uu Yeeshay Waji Kale.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ninka lagu magacaabo Nebiat Getachew ayaa maalintii shalay qabtay, shir jaraa’id oo uga hadlayay damaca Xabashida ee ku aaddan badda Cas.
Waxa uu Afhayeenku sheegay, in Itoobiya aysan marbana ka tanaasulaynin hammigeeda ahaa inay gaarto xeebaha badda Cas, ayna yeelato deked iyada u gooni ah.
Inkasta oo hadallada la xiriira marin-badeedka uu yahay mid ay hogaanka Xabashida kusoo celcelinayeen sanadihii u danbeeyay, haddana afhayeenka xukuumadda Adis Ababa ayaa eedeymo toos ah hawada u mariyay xukuumadda Masar ee uu hogaamiyo Cabdi Fataax Asiisi.
Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa hadba qodobka ugu weyn ee todobaadkaas taagan, iyadoo mararka qaarna lagu soo gudbiyo mawaadiic gaar ah oo ahmiyad xambaarsan.
Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxuu maanta looga hadlay taxanaha Al-Kataa'ib ee lagu faaqidayo kaalinta daahsoon ee kaniisadaha Nasaaradu ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya.
Maanta waa maalin Jimco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 5-12-1447 oo waafaqsan 22-05-2026, Barnaamijka Tarbiyada Caruurta waxaa soo jeedinaya Cabdi-Khaaliq Macallin Cabdi-Wali.
Silsiladda Makaarimul Akhlaaq- Sh Muxamad Garaar- 41.mp314.64 MB
Dhageyso: Taxane Makaarimul Akhlaaq.[41]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay ”Makaarimul Akhlaaq” oo uu so jeedinayo Sheekh Maxamed Garaar, kaasoo Jimco weliba ku baxa wararka Subax, duhur iyo fiidnimo, waxaana ka qeyb galaya dhageystayaasha Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka hadashay isku dayada shisheeyaha ee ku aadan dib usoo celinta kaniisadihii burburay ee ay wadanka ku lahaayeen xilligii ay gumeysiga ku joogeen kontomeeyadii iyo wixii ka horreeyay.
Sarkaal iyo Askar kasoo Goostay Dowladda Fedaraalka ayaa ku Biiray Ciidamo Daacad u ah Lafta-gareen oo ku Sugan Duleedka Baydhabo.
Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa Qaaday Tallaabo u Muuqata Diyaar Garow Dagaal, Xilli Laga Diyrinayo Xaaladda Gobalkaasi Dhaco Waqooyiga Itoobiya.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
