️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
前往频道在 Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
显示更多未指定国家未指定类别
260
订阅者
+224 小时
+197 天
+1930 天
帖子存档
Maanta waa maalin Axad ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 28-12-1447 oo waafaqsan 14-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya duullaanka ku jooga iyo askarta ay tababarteen ee looo yaqaano BANKARAF ayaa muddo sadax goor ah ku jabay weerar ay ku qaadeen degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Sh/hoose.
Sida aan xogta ku heleyno ciidamadan ayaa kasoo duullaan tagay magaalada Buulomareer oo ay maalmo kahor tageen si ay carqalad uga geystaan degaanada ku dhow.
Ilo ayaa sheegaya isku dayo arbushaad oo ay doonayeen iney geystaan labadii maalmood ee lasoo dhaafay iney ku fashilmayeen, balse ay xalay aadeen Kurtunwaarrey oo wax ka yar 20km u jirta Buulomareer, halkaasoo ay kala kulmeen dagaal qaraar oo sababay in ay jabaan muddo sadax goor ah.
Ciidankan Mareykanka iyo kuwii la socday ee ay tababarteen waxba uma tarin diyaaradihii kor kala socday oo inta badan sameynayay qalqalgelin, waxaana ay halkaas isaga carareen iyagoo jabay.
Mid kamid ah bulshada ayaa noo xaqiijiyay in la arkayo raadadka khasaaraha gaaray soo duulayaasha, waxyaabaha uu tilmamaayo waxaa kamid ah lug go'an oo uu kab buud ah ugu jiro iyo dhiig badan.
Goobta waxyaabahaas lagu arkayo meel xoogaa u jirtana waxaa kahor bixitaankooda soo cagadhigatay diyaarad Heocopter ah taasoo qaaday meydad iyo dhaawacyo, walow aan tiro rasmi ah wali la helin.
Mareykanka iyo malleyshiyadiisa waxay dhankooda dileen 3 qof oo kala ah nin iyo xaaskiisa iyo qof kale oo shacab ah sida ay noo sheegeen dadka degaanka. Sidoo kale waxay dhaawaceen 3 kamid ah dadka shacabka ah kuwaasoo xaaladooda lala tacaalayo.
Xaaladda degmada Kurtunwaarrey ayaa daggan saaka dadkuna waxay ku faraxsan yihiin Mareykankii duullaanka soo qaaday inuu ku jabay magaalada.
Faahfaahin intaan dheer waxaad kula socon doontaa wararkeena soo socda insha'allaah.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[240]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Waa kuma dhaqtarka ay geeridiisa qabsatay warbaahinta caalamka siiba kuwa Carabta una dhintay mowduuc muhiim u ah bulshada oo uu ka hadlay?
Cabdimaalik Muuse coldoon oo mar kale si adag uga hadlay aqoonsiga maamulka yahuuda ee Soomaliland ayaa soo gudbiyay halisyada ka dhalankara xiriirkaas foosha xun, iyo diinta islaamka wexey ka qabto.
Kanaalka Al-kata’ib oo soo bandhigay faahfaahinta howlgal khasaare xooggan geystay oo dhawaan ka dhacay Baydhabo.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Axad ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 28-12-1447 oo waafaqsan 13-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Dowladda Fedaraalka ayaa dalka ku soo dhaweysay in ka badan toban shirkadood oo Talyaani ah.
Saacadihii la soo dhaafay Dowladd Fedaraalka ayaa magaalada Muqdisho ka furtay shir ay ku soo dhaweyneyso dhowr iyo toban shirkadood oo Taliyaaniga laga leeyahay kuwaa soo Dowladda Fedaraalka tilmaamtay iney dalka ku soo dhaweyneyso kuwo kale oo hor lehna soo socdaan.
Shirkadahan ayaa doonaya iney boobaan kheyraadka kala duwan ee ay Soomaaliya hodonka ku tahay, islamarkaana cuuryaamiyaan dhaqaalaha dalka,
Wasiirka ganacsiga Dowladda Fedaraalka Gamal Maxamed Xasan ayaa cadeeyay ujeedada ay shirkadahan u imaanayaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay iney wadanka soo degayaan, isagoo intaas ku daray iney soo dhaweynayaan dad ay iyagu u soo diyaariyeen.
Dawladda Ugaandha ayaa Dalkeeda Ka Masaafurisay Ku Dhawaad 40 Qof oo Kasoo Jeeda Dalka Koongo Sababo La Xiriira Cudurka Eboola.
Ciidamada Ugaandha ayaa sare u qaaday tallaabooyinka amni iyo kuwa caafimaad ee xuduudaha ay la wadaagaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, iyaga oo dib u celiyay 39 qof oo u dhashay dalka Koongo, kuwaas oo kasoo gudbay xadka u dhaxeeya labada dal tan iyo bilowgii Bishan aan ku jirno ee Juun.
Wararka laga helayo saraakiisha Ciidamada ee Ugaandha ayaa sheegaya, in kooxdii ugu dambeysay oo ka koobnayd shan qof lagu qabtay goob kantarool oo ku taalla degmada Bakwaaj ee dalka Ugaandha, xilli ay kusii jeedeen magaalada Kampala ee caasimada dalkaas.
Wasaaradda Caafimaadka ee Ugaandha ayaa ka digtay, in dadka soo galootiga ah ee kasoo talaabaya xadka ay la wadaagaan dalka Koongo ay si fudud u faafin karaan cudurka halista ah ee Eboola, kaas oo maalmihii iyo isbuucyadi ugu dambeeyay aad ugu faafayay dalka Koongo.
Mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaradka Dowladda Fedaraalka ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay isku day dil oo ka dhan ah madaxda axsaabta isaga kasoo horjeeda.
Shariif Sheekh Axmed oo ah oo kamid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay, iney sameysay isku day dil oo ka ah hogaanka mucaaradka.
Shariif ayaa shir jiraa'id oo uu qabtay waxa uu kaga dhawaajiyay, in qorshahaan ay qaadatay Dowladda Fedaraalka kadib markii buu yiri ay udul qaadan weysay aragtida ay mucaaradku ka qabaan doorashada.
Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay inuu ku meel walbo kaga faanayo tallaabada uu kusoo weeraray mucaaradka.
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu dhankiisa dhaleeceyn ugu jeediyay hogaanka mucaaradka, waxaana muuqaneysa in labada dhinac uu mid waliba halkiisa taagan yahay kuna adkeysanyo inuu kan kale kaga awood bato siyaasadda.
Waa Habeennimo Axad ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 28-12-1447 oo ku beegan 13-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Mubaarak Cumar.
Jamaacadda Nusratul islaam oo Baahisay Filim Xiiso badan kaas oo lagu soo gubiyay Hawgallo khasaare Lixaad leh lagu gaarsiiyay ciiamada Maali iyo Askarta Ruushka.
Kala Qeybsanaan iyo Argagax ka Dhex Taagan Aqalka Cad ee Mareykanka.[WARBIXIN]
Shiinaha oo ku dhawaaqay xarig muwaadin Mareykan ah oo looga shakiyay in uu Basaas u ahaa Dowladda Maraykanka,Dab khasaare Dhaliyay oo ka kacay Xero Qaxootiga oo ku Taala Dalka Bangladesh, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Dab khasaare Dhaliyay oo ka kacay Xero Qaxootiga oo ku Taala Dalka Bangladesh.
Shiinaha oo ku dhawaaqay xarig muwaadin Mareykan ah oo looga shakiyay in uu Basaas u ahaa Dowladda Maraykanka.
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dafiray in dowladdiisu ay dhulboob ka waddo magaalada Muqdisho.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
