cookie

نحن نستخدم ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربة التصفح الخاصة بك. بالنقر على "قبول الكل"، أنت توافق على استخدام ملفات تعريف الارتباط.

avatar

Iman Jama

Journalist

إظهار المزيد
مشاركات الإعلانات
16 022
المشتركون
+524 ساعات
+1867 أيام
+94630 أيام

جاري تحميل البيانات...

معدل نمو المشترك

جاري تحميل البيانات...

UPDATE: Golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa goor dhow u billowday kulan deg deg ah oo looga doodayo qaraar ku baaqaya in Falastiin la siiyo mudnaan iyo awood dheerad ah, waxaa kalo uu qaraarka ka dalbanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay aqoonsadaan xubinimada guud ee Falastiin. Fiiro gaar ah; Gudbinta qaraarka qabyada ah waxay Falastiin siinaysaa xuquuq iyo mudnaan badan oo ay ku yeelanayso Qaramada Midoobay. Hadda waa dal goob-jooge ah oo aan xubin ka ahayn, laakiin waxay u dagaallamayeen inay xubin buuxda ka noqdaan ururkan sannado badan, taas waxaa diidey Maraykanka bishii hore. Si kastaba ha ahaatee, Golaha loo dhan yahay ayaa hadda ku jira fadhigan degdegga ah waxa uu eegayaa qaraarkan qabyada ah ee aan Falastiin siinaynin xubinnimo buuxda balse u ogolaanaya xuquuq iyo mudnaan badan oo dheeraad ah, sida ku biirista ururada iyo hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay oo aanay awoodin horey inay Falastiin ugu biirto, iyo waxyaabo kale.
إظهار الكل...
9 1
UPDATE: Ruushka ayaa maanta weerar uu u adeegsatay istiraayijiyad ku cusub dagaalka wuxuu ku qaaday meel u dhow magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine ee Kharkiv oo ku taalla waqooyiga Ukraine. Weerarka oo ay qaadeen ciidanka lugta Ruushka inta uu socday waxaa ka qaybqaatay diyaaradaha dagaalka iyo madaaficda la hago waxay ku burburiyeen qaybo ka mid ah difaaca ciidanka Ukraine ee gobolka waqooyiga -bari,halkaa oo ay gudaha u galeen, inta uu howlgalka socday waxaa la sheegay inay ciidanka Ukraine khasaare la kulmeen, taa oo qasabtay si deg deg ah ciidanka kaydka Ukraine inuu halkaa loo daabulo, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ukraine.
إظهار الكل...
👍 22
UPDATE: Ra’iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orbán ayaa shir jaraa’iid oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Shiinaha oo dalkaa booqasho ku jooga , wuxuu ku sheegay Shiinaha inuu yahay dalka hadda dejinaya habka dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Hadda waxaan ku noolnahay nidaam caalami ah oo kala duwan, mid ka mid ah tiirarka nidaamkan cusub ee adduunka waa Shiinaha, waddanka hadda dejinaya habka dhaqaalaha adduunka iyo siyaasadda adduunka.”
إظهار الكل...
👍 20💯 1🗿 1
UPDATE: Donald Trump wuxuu la safan yahay hoggaamiyayaasha Yahuudda ee Mareykanka wuxuuna ku dhaleeceeyay Biden inuu joojiyo hubka Israa’iil; “ Waxa uu Biden ku sameynayo Israa'iil waa ceeb…. Qof kasta oo Yuhuudi ah oo u codeeya Biden waa inuu naftiisa ka xishoodaa. Isagu wuu ka baxay garabka Israa'iil.”
إظهار الكل...
🤬 25
UPDATE: Madaxa ururka caafimaadka dalka Kuuriyada Koonfureen, Lim Hyun-taek ayaa dood ka dhaliyay internetka, markii uu Facebook ku daabacay , sawirka ardaydii 2008-dii ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka jaamacadda Banaadir oo ku taalla Muqdisho , iyaga oo xusaya ardaydii ugu horraysay ee ka qalin jebisa caafimaadka in ka badan 20 sanno kaddib, wuxuu ku soo qoray sawirka "Coming Soon”, arrintan oo loo qaatay hadal cunsuriyad ah oo uu uga facelinayo go’aanka dawladda Kuuriyada Koonfureed ay ku doonayso ajaaniibta haysata shatiyada caafimaadka inay dalkaa ka shaqeyn karaan. Dad badan ayaa ninkan ku dhaleeceeyay qoraalkiisa, kuwaaso taageerray dhakhaatiirta Soomaaliya iyo daruufaha ay ku howlgalaan oo ay ku sheegeen kuwa karti badan.
إظهار الكل...
😡 18👍 10🤣 3🤯 1😭 1
Fiiro gaar ah; Weerarkan masaafada dheer ee noqonaya howlgalkii u horreyay ee noociisa ah oo Ukraine ay ka gaysato dhulka Ruushka , ayaa tilmaam ka bixinaya suurtagalnimada waji cusub oo uu dagaalka galo. Ruushka isagoo fahansan taageerrada reer galbeedka inay beddelayso wajiga dagaalka wuxuu qaaday tallaabooyin uu uga digayo inay Ukraine iskudaydo weerarro khasaare dhaliya oo ay ka gaysato dhulka Ruushka, taa oo haddii ay dhacdo in loo adeegsado hubka reer galbeedka uu sheegay Ruushka inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal, bartilmaameedyo sharci ahna uu u aqoonsan doono dalka hubkiisa loo adeegsado weerarrada. Mar kasta oo Ruushka uu la kulmo weerarro khasaaraha gaarsiiya, wuxuu iskudayi doonaa inuu ku jawaabo weerarro kale oo baaxad leh, taaso horseedi karta inay sare u kacdo khatarta amni ee dagaalkan uu dunidda galin karo.
إظهار الكل...
👍 10😈 2 1
UPDATE:Ukraine ayaa weerarkii ugu dheera masaafo ahaan ku qaaday Ruushka, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay qaraxyo ka fuliyeen warshad weyn oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku taalla gobolka Bashkortostan ee dalka Ruushka, taaso masaafo ahaan u jirta dhulka Ukraine 1,500km, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP oo xiganaya ilo-wareedyo sirdoonka.
إظهار الكل...
10
Telegram, halka dhibaato oo uu leeyahay waa inan qoraallo dhaadheer halmar lagu soo daabici karin. Waan ka cududaaranaya taa , gaar ahaan Dadka aan Facebook adeegsan
إظهار الكل...
53👍 9
Halkan waxaan ku diyaariyay faallo ka hadlaysa go’aanka Dawladda Soomaaliya ay ku codsatay inay xirto xafiiska UNSOM; https://www.facebook.com/share/h1iJhcAPc9YakJLZ/?mibextid=WC7FNe
إظهار الكل...
Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

👍 4 2
Waxaan baahiyay faallo la xiriirta duulaanka Rafah; halkan ka akhriso ; https://www.facebook.com/share/i3k52GLVNz4yQs62/?mibextid=WC7FNe
إظهار الكل...
Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

👍 11