cookie

نحن نستخدم ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربة التصفح الخاصة بك. بالنقر على "قبول الكل"، أنت توافق على استخدام ملفات تعريف الارتباط.

avatar

Almaz community 🥰🧠💡

Gorfeynta buugta, Xikmadaha Nolosha, Dhiire gelinta, wararka qisooyinka, ayaan halkaani kusoo gudbinaa doona Inshaa allah✊ @Almazbooksadmin nagala soo xiriir

إظهار المزيد
فنلندا2 665لم يتم تحديد اللغةالكتب17 793
مشاركات الإعلانات
466
المشتركون
لا توجد بيانات24 ساعات
لا توجد بيانات7 أيام
لا توجد بيانات30 أيام

جاري تحميل البيانات...

معدل نمو المشترك

جاري تحميل البيانات...

Photo unavailableShow in Telegram
🔸''Naftaada Rumeyso Duniduna Cagahaaga Ayey imaan Doontaa'' Rowan Atkinson
إظهار الكل...
6👍 2
Photo unavailableShow in Telegram
🥰''Noloshu wey adagtahay waad kufi doontaa waad guuldareysan doontaa waadna dhaawicmi doontaa balse xusuusnow waxa maanta ku dhaawaca beri bey ku xoojin doonaan kaliya waxaa lagaa rabaa uun in aad kor usoo kacdo marka aad kufto''
إظهار الكل...
9👍 2
Photo unavailableShow in Telegram
✊Super Human, ha isku dayin in aad noqoto Qof dhameystiran, taasi waa fashilka bilowgiis kaliya noqo qof caadi ah noloshiisa macno leedahay💡✍🔹
إظهار الكل...
9👍 2
Photo unavailableShow in Telegram
🟡buuga Sahayda Siyaasiga ka aqriso @Almazbooks1
إظهار الكل...
3
Photo unavailableShow in Telegram
'' Dadka ugu badan ee farxadda iyo Badhaadaha ku nooli waa dadka eega waxa ay haystaan balse aan eegin waxa dadka kale Gacantooda ku jira'' Ibraahim Al-fiqi
إظهار الكل...
14👍 1
‘’Gorfeynta Buuga Sahayda Siyaasiga’’ Dr. Jaasim Suldaan waa aqoonyahan wayn oo reer Qatar ah oo muddo dheer ku foogganaa ku baraarujinta dhallinyarada Muslimiinta ah sida kaliya ee lagu suurtagelin karo in isbeddel lagu sameeyo habka siyaasadda looga jilo dalalka Muslimiinta. Waxaan aqaannaa Dr. Jaasim muddo ka badan 25 sano oo aan ka warqabay mashruuciisa "alNahda". Waxaa dhaqaajiyay qanaaco ku salaysan in fikirka arrimaha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha ee jiilka isbeddeldoonka ah uu ka hooseeyo heerkii looga baahnaa, uuna ku dhisan yahay inta badan caadifad, Khuraafaad, iyo fikrado dhintay. Sidaas darteed ayuu muddo ka badan 30 sano wuxuu ka shaqaynayay in uu wax ka qoro, naqdiyo, oo kala hufo fikradaha gurracan ee aan la jaan-qaadi karin marxaladaha la joogo oo taariikhdu markhaatiga ka noqotay. Wuxuu dib-u-akhrin ku sameeyay Qur'aanka, taariikhda, falsafadda iyo aragtiyaha kala duwan ee mufakiriinta muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimiinta ahayn, si uu ugu soo bandhigo qoraallo kooban faca u hanqal-taagaya in ay isbeddel ka sameeyaan dunida Islaamka. Turjumaadda afka Soomaaliga ah ee buuggan wuxuu muhiim u yahay dhallinyarada Soomaaliveed ee aan akhrisan karin afka Carabiga, wuxuu kale uu ka qaybqaadanayaa kobcinta garaadka dhallinyarada Soomaaliyeed oo la daalaadhacaya fikrado kala duwan oo laga soo minguuriyay ummado kale oo laga yaabo in aysan la falgeli karin dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Dhiganahaan, wuxuu ka mid yahay buugaag badan oo qoraagu soo saaray dhinacyo badana ka eegaya mashruuca "al-Nahda" oo aan deegaan gaar ah xiriir la lahayn, bulsho gaar ahna aan ku koobnayn, isla jeerkaana ina siinaya aragtiyo la soo koobay oo looga faa'iidaysan karo fahamkooda meel kasta Gaar ahaan kitaabkani, wuxuu muhiim u yahay, dhallinyarada xiisaynaysa ka qaybgalka siyaasadda dalkeenna iyo fahamka xeerarka ay ku dhisan tahay, waayo wuxuu lafa gurayaa siyaasadda iyo siyaasiga, la falgalka siyaasadda iyo farsamooyinkeeda kala duwan Ugu dambayntii, dhallinyarada Soomaaliyeed ee isbeddeldoonka ah waxaa la gudboon in ay hab cusub u fahmaan bulshada Soomaaliyeed, dhaqankooda, qabiilladooda, qiyamka islaamiga iyo siyaasadda keentay burburka iyo dagaalka sokeeye. Dabadeedna ay u gudbaan yagleelidda aragti wax lagu dhisi karo oo beddesha dhaqan-xumadaas siyaasadeed. Waxaan u hambalyaynayaa turjumaaga buuggan oo dadaal wayn ku bixiyay in uu usoo afnaqo dhallinyarada Soomaaliyeed dhigane akhriskiisa iyo fahankiisu wax wayn kusoo kordhin doono. Waxaan u dardaaramayaa dhallinyarada in ay akhristaan oo ka faa'fideystaan kitaabkan iyo kuwa kale ee qoraaga. Waxaan ebeehey uga baryayaa qoraaga buugga Dr. Jaasim Suldaan iyo turjumaha Aadan-Badiic in ka abaalrnariyo juhdiga wayn ee ay bixiyeen, Allena ku anfaco jiilka isbedeldoonka ah. Dr. Cabduraxmaan M. Cabdullaahi (Baadiyoow) Dhawaan kala soco @Almazbooks1
إظهار الكل...
11👍 2🔥 2
Photo unavailableShow in Telegram
‘’Faalada Buuga Sahayda Siyaasiga’’ Buugaan waxaan qoray Dr. Jaasim Suldaan waxaana Afka Soomaaliga usoo Turjumay Ustaad Aadan-Badiic waxa uuna ka kooban yahay 138 bog, waxaana la soo saaray Sanadkii 2022
إظهار الكل...
👍 4
Photo unavailableShow in Telegram
Soo dhawaada Saaxibayaal Halkaani waa madal Nololeed waxaanu ku soo gudbin doonaa, Gorfeynta buugta, Xikmadaha Nolosha, Dhiira gelinta, wararka, qisooyinka, iyo dhacdooyinka,✍💡📔
إظهار الكل...
6👍 3
أرشيف المشاركات
اختر خطة مختلفة

تسمح خطتك الحالية بتحليلات لما لا يزيد عن 5 قنوات. للحصول على المزيد، يُرجى اختيار خطة مختلفة.