ar
Feedback
WACYI || وعي

WACYI || وعي

الذهاب إلى القناة على Telegram

Love quotes and relatabke 📚 post الحمدلله على كل حال💙 Sido kale waxad kala socon kartaa _____________________________ ◇ Wacyigelin ◇ Xikmado ◇ Dhiirigelin ◇ Oraahyo

إظهار المزيد
1 581
المشتركون
لا توجد بيانات24 ساعات
-47 أيام
-1230 أيام
أرشيف المشاركات
Kuso biir kanaalkeena cusub ee whatsapp❣️

Follow the WACYI | وعي channel on WhatsApp: https://whatsapp.com/channel/0029Vb6FjLo2v1J06eQSXU06

Iyadoo diintu diiday in gabdhaha hal kafan lagu duubo oo la yidhi afar halagu duubo walaashayeey adoo miirkaagu joogo sideed
Iyadoo diintu diiday in gabdhaha hal kafan lagu duubo oo la yidhi afar halagu duubo walaashayeey adoo miirkaagu joogo sideed isku qaawisaa.😔 Waxaan joognaa saban lagula yaabayo inaad is asturtay , waxaan joognaa Xilli lagu odhanayo style maaha asturnaantu ee hawada qaado , waxaan joognaa wakhti asturnaantii Badawnimo noqotay .💔 Ma ogtahay walaashayeey inaad tahay boqorad markaad Amarka Eebe qaadato eed xidhato xijaabka , suurad dhan baa la idinku magac daray(النساء ) Wlsheyda Dhowr sharaftada ta waalidkada iyo ta walaalkaga 🧕🏽💕 Gabdhaha kuwa ugu wanaagsan waa kuwa asturan quruxda la sheegaa waa xijaabka alla asturnaantu wacanaa oo quruxbadnaa .💕🔥 𝗞𝘂 𝗗𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹.𝗪𝗹𝘀𝗵𝗲𝘆𝗱𝗮 𝗔𝘀𝘁𝘂𝗿𝗻𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗛𝗮𝗻𝗮 𝗞𝗮 𝗧𝗮𝗴𝗶𝗻 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗞𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗢𝗼 𝗞𝘂𝘀𝗼𝗼 𝗪𝗮𝗷𝗮𝗵𝗱𝗼 𝗫𝗶𝗷𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮.🧕👑🥰

“Sabirku waa awood aan la burburin karin. Markaad la kulanto caqabado, xusuusnow in sabirku uu yahay waxa kaa caawinaya inaad ka gudubto dhibaatooyinka. Wax kasta oo wanaagsan waxay yimaaddaan marka aad si joogto ah uga shaqayso, adigoo samir iyo dulqaad leh. Dhalinyarooy, caqabadaha waa qayb ka mid ah nolosha, laakiin sabirku waa mid ka mid ah furayaasha aad u baahan tahay si aad ugu guuleysato.” ✨🌱 Like👍 love❤️

Dadka inta badan waxa murjiyo waa labo shey: 1. Hammiga. 2. Dunuubta. Haddaba, si aad uga badbaado waxa ku murjinaaya, mar walba oo aad ducaysanayso ducadaada ka yeel mid ku qotanta Salliga Nabiga, gaar ahaan Saliga Ibraahiimiyada. Ay Sababtu tahay? Ruuxa mar walba ku duceysta Salliga Nabiga, Allah waxa uu ka kaafiyaa hammigiisa, dambigiisana wuu dhaafaa. 🙂🤍💯 Saliga Ibraahiimiyada: اللهم صل على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهي وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد.🤲🏻 Waa duco awood badan oo naftaada u horseedi doonta xasillooni iyo barako. ❤️

AnimatedSticker.tgs0.19 KB

(وَٱسْتَعِينُواْ بِالصَّيْرِ وَالصَّلَوْةِ وَإِنَّهَا لَكَيْرَةُ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ) البقرة: 45 "Kaashada samir iyo salaad; waxeyna ku weyntahy addoomaha kuwa khushuucsan mooyaane." Tani waa adduunyo oo waa hoyga falashada ee maaha hoyga hanashada. Waa hoyga imtixaanka ee maaha ka abaalmarinta. Imtixaannada uu Alle mariyo addoomihiisa waxa ka mid ah; in uu ku sallido musiibooyin; kuwii aynu jeclayn oo aynu waynaa waa musiibo, hanti la'aantu waa musiibo, deriska xun, lammaanaha liita iyo maamulaha dulmi falaha ahina waa mustibooyin. Qofka adkaystaa waa uu ku guulaystaa tijaabada, ka cadhoodaana waa uu ku dhacaa imtixaanka. Lama soo helayo qof ka badbaadaya hadimooyinka adduunka, Nebiyada ayaana ugu imtixaan badnaa. Markasta kaalmeyso sabarka iyo salaada ayaga ayaa kaga filnan dona hadimoyinka aduunyada

Dhibka Wuu Dhamaanayaa, Haddii Aad arrinta Ilaahay U Dhiibtid Nolosha Tawakkulka Aayadda Qalbiga Dajisa
Qofka Arrintiisa Ilaahay U Dhiiba Qofkii Ilaahay ku kalsoon wuxuu ogyahay in aysan jirin cid ka naxariis badan Allaah, mana jirto cid ka ogaal. badan waxa qalbigaaga ku qarsoon. Marka ay dhibaato la dagto, ama aysan wax u dhicin sidii aad fileysay wuxuu leeyahay
"وَأُفَوِّضُ أَمْرِي إِلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ" "Waxaan Ilaahay u dhiibayaa arrinkayga. Ilaahay waa arka addoomadiisa
Tani ma ahan hadal kaliya waa go'aan qalbi Ah. Waa in aad ogtahay In xalka dhibkasta uu Ilaahay agtiisa yaallo.Xalkiisu In dambe & in horaba Ilaahay marna uusan ka maqneyn uuna kumoogeyn yacni wuu kula socda rabbi SWT) In go'aan kasta oo Ilaahay gaadho uu yahay midka ugu khayrka badan xataa haddii adiga aysan kuu muuqan. Khayrkaasi. Haddii aad Ilaahay wax ka sugto wax walba wey kuu Hagagayaan, Insha'Allh . Ha cabsan Maxaa yeelay waxaad arrinta u dhiibtay kan wax walba yaqaan oo wax walba awoodee.Ha niyad jabin Xalka wuu iman doonaa Insha'Allh si ka wanaagsan waxaad maleysaneysay. Ha ka baqan daahida Daahiddu maahan diidmo, ee waa diyaarinta khayr weyn Ugu dambeyn. Qofka Ilaahay si daacad ah ugu tiirsada wuxu weynayo ma jirto. Haddii aad Ilaahay arrintaada u bandhigtay, oo aad u dhiibtay qalbi sugan, ogow xalka wuu imaan doonaa Insha'Allh. Farxadda wey iman doontaa Insha'Allh. Dhibkuna wuu dhamaan doonaa. Insha'Allh
"وَأُفَوِّضُ أَمْرِي إِلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ"
Qofka aayaddan ku dhaqmaa wuu ogyahay inuusan isagu wax walba xallin karin. Wuxuu naftiisa ku aamminaya Allah si buuxda iyada oo aan shaki ku jirin.
Dhiibis talo & masiir
“أُفَوِّضُ” ma ahan oo kaliya tawakal wa in aad dhammaan masiirkaaga go’aamada, natiijooyinka & cadaadiska u dhiibtaa Allah. Waa Nafis qalbiga Markaad arrimahaaga u dayso Allah, qalbigaaga cadaadisku wuu ka baxayaa. Waxaad dareemaysaa dagganaan & rajo. Sugnaanta Allah Aayaddu waxay xasuusinaysaa Qofka muslimka Ah in Allah xaqiiqo ahaan u arko Arimihiisa uu ogyahay dadka. Wax kastoo ka qarsoon wuu ogyahay. Rabbi SWT). Dhugashada dulmiga Dhanka kale Aayaddan markaad la kulanto dulmi, Allah wuu arkaa dulmigaas mana dayaco qof dulman. Aayaddani waxay difaac u tahay dadka dulman xoog ka dhex helo daciifnimada Inaad Allah u dhiibto arrinkaaga waxay kuu abuuraysaa xoog aad kaga adkaan karto cadaadis & cabsida dadka Ninkii yidhi aayaddan (mu’minkii reer Fircoon) wuxuu yidhi markuu khatar ku jiray. Tani waxay tusaale u tahay in qofku go’aan adkaan karo markay xaaladdu xumaato.
La qabsashada guuldarro
Xataa haddii natiijadu aysan noqon sidaad rabtay haddii aad Allah u dhiibtay, Arinkaga waligaa ma khasaari Dontid Waxaa jirta xigmad xagga Allah Ah. Barwaaqo ku jirta ku-tiirsanaanta Nolosha ugu barwaaqada badan waa tan qalbigeedu ka xoroobay walwalka adigoo arrimahaaga u dhiiba Ilaahay. Kaalmada Allah oo qarsoon Markaad arrintaada u dhiibto Allah, wuxuu kuu keenaa kaalmo xagga Allah kaga timid. Adigoo ubaahnaa xataa adigoon filanayn Dadka ma xukumaan natiijada Aayaddu waxay xasuusinaysaa in dadka aysan awoodin inay go’aamiyaan masiirkaaga Allah ayaa gacanta ku haya.
Ka fiirsashada niyadda dadka
“بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ” Ilaahay wuu ogyahay niyadda Dadku wey ka Qarin karaan waxay Qablbiga kugu hayaan wanaag ama xumaan lkiiin niyaddooda Allah kama qarsoona.
Dadaal & Tawakal
Inaad Allah u dhiibto arrintaada macnaheedu ma aha inaad iska fadhiisato ee waa inaad dadaasho kadibna Ilaahay u dayso natiijada. Ku sabir Aayaddani waa hage noloshaada oo dhan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay ereyadan marka uu cidlo dareemo ama kalinimo, ama xataa marka uu guul gaadho.Aayaddan waa mid nafis ah toosin ah dhiirrigalin ah & cashir nolosha lagu hago. Waxay kaa caawineysaa inaad mar walba qalbigaagu Ilaahay ku xidhnaado si xasillooni & tawakal ah. Wabillahi towfiiq)

(لَا تَدْرِى لَعَلَّ اللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَٰلِكَ أَمْرًا) الطلاق:1 "Ma ogid qofyahow, waxa laga yaaba in uu Alle la yimaado wax cusub intaas ka dib" Qofku waxa uu gaadhaa heer uu quus ka istaago nolosha, deedna xagga llaahay (swt) ayaa uu uga yimaaddaa faraj. Yaa islahaa Haajaradii dhex guclaynaysay labada buureed ee Safa iyo Marwo yada oo baadidoonaysa biyo, ayaa uu ceel biyo ahi ka soo burgan labadi lugood ee inankeed dhexdooda! Biyaha samsamku uma ay burqan si ay u cabbaan iyada iyo wiilkeedu, balse waxa loogu talagalay in ay cabbaan ummaduhu ilaa maalinka qiyaamaha. Ilbidhiqsi gudihii ayaa uu Alle sidan isku dabamariyaa xaaladaha. "Dhibaatada laguma waaro", waxa uyidhi Ibnu Qayim. Waxa inna soo wada maray xaalado adag oo innoogu muuqday dhammaadkii nolosheenna, balse maanta waa xusuuso hore. "Ha quusan ee Rabbigaa ku kalsoonow maxaa yeelay; cibaadada ugu weyni waa sugidda iyo saadaalinta farajka iyo guusha." ❤️‍🩹

وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ [لقمان: 18]
"Ha socon dhulka adiga oo kibraya waayo; Ilaahay ma jecla isla weyne kasta oo faan badan"
Imaamu Axmed ayaa soo galay suuqa Baqdaad, xidhmo xaabo ah ayuu ka iibsaday, tunkana waa uu ku qaatay. Markii ay ku baraarugeen dadkii, ayay u soo deggedeen xaggiisa, tukaamadit ayay xidheen, kuwii jidka marayaayna waa ay istaageen si ay bariidiyaan yaga o ku leh: "xaabada anaa kaa qaadno." Imaamka foolkiisa ayaa casaaday. indhihiisa ayaa ilmeyey, waxa aanu yidhi: "waxa aanu nahay danyar, haddii aanu jiri lahayn asturka Ilaahayna, waanu fadeexadoobi lahayn." Imaamu Axmed, is-dhuldhigga waxa uu ka bartay Nebi(ga) oo lisan jiray laxdiisa, kabihiisa iyo dharkiisna tolan jiray, isla markaan la tartami jiray xasxiiska Caa'isha, Safiyana ilmada ka tirtirijiray. Mar ay saxaabadu qaybsadeen hawsha lax la qalayay ayaa uu mid yidhi: "aniga ayaa gauracay" Mid labaad ayaa yidhi "aniga ayaa haragga ka saarayaa" Nebiguuna waxa uu yidhi: "aniguna waxa aan 500 u rinraynayaa xabadaha laga kariyo." 📚Dhambaallada Qur'aanka📩

﴿وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ﴾ [لقمان: 17]
"U adkayso dhibka ku soo gaadhay maxaa yeelay; arrinkaasi waxa uu ka mid yahay arrimaha adag."
Waa adduun iyo xaalkii oo waxa aynu ku dul soconnaa qorshaha uu Alle inoo dejiyay. Ma diidi kartid xanuunka kugu dhacaya, awood aad kaga celisid ma lihid geerida ku habsatay qofka aad jeceshahay, sidoo kalena shaqada lagaa caydhiyay — haba aad masaxdid kabaha maamulahaaga waagii berayaba e waa wax kuu qornaa. U fiirso sida uu suubbaanuhu u dhisayo qalbiyada ay musiibadu ragaadisay: "ogow, wixii kugu dhacay mama kuma seeggeen, waxa aan kugu dhicinina marna kuguma dheceen." Xasan Al-Basri ayaa yidhi: "haddii aan abaal la innagu siin waxa aynu jecel nahay, maba aynu helneen, Eebbena waa deeqsi oo addoonkiisa ayuu imtixaamaa isaga oo dhibsanaya; si uu u siiyo abaal."

[ وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاضِرَةٌ < ٢٢ > إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌۭ < ٢٣ > ]
"Wajiyaa iftiimaya maalinkaa, Rabbigoodna way eegayaan."
Nimcada ugu quruxda badan ee laga helayojannadu maaha dumarka xuural-caynta in kasta oo ay qurxoon yihiin-, maaha wabiyada butaacaya -in kasta oo ay bilisan yihiin-, laakiin waa fiirinta wajiga Alle (swt). Marka ay chelu jannuhu galaan jannada ayuu Rabbi ku odhanayaa: "mazaa aan idiin biiriyaa?" Waxa ay odhanayaan: "miyaanad na gelin jannada, miyaanad foolalkayaga caddayn, sidoo kalena miyaanad naga badbaadin naar?!" Alle (swt) ayaa ka qaadaya foolkiisa daahii saarnaa, dadka jannadana lama siin shay ka gaalisan daawashada wajiga Rabbigood. 📚Dhambaallada Qur'aanka📩

[ وَٱسْتَعِينُوا۟ بِٱلصَّبْرِ وَٱلصَّلَوٰةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى ٱلْخَـٰشِعِينَ ]
"Kaashada samir iyo salaad; salaadduna waa ay ku culus tahay addoom aha kuwa khushuuca mooyaane. "
Tani waa adduunyo oo waa hoyga falashada ee maaha hoyga hanashada. Waa hoyga imtixaanka ee maaha ka abaalmarinta. Imtixaannada uu Alle mariyo addoomihiisa waxa ka mid ah; inuu ku sallido musiibooyin; kuwii aynu jeclayn oo aynu waynaa waa musiibo, hanti la'aantu waa musiibo, deriska xun,lammaanaha liita iyo maamulaha dulmi falaha ahina waa musiibooyin. Qofka adkaystaa waa uu ku guulaystaa tijaabada, ka cadhoodaana waa uu ku dhacaa imtixaanka. Lama soo helayo qof ka badbaadaya hadimooyinka adduunka, Nebiyada ayaana ugu imtixaan. badnaa. Taariikhyahannad ayaa soo wariyay: Dulqarnayn ayaa aad u bukooday mar uu tegay magaalada Baabila. Nin weyni wadkii waa uu yaqaannaaye waxa uu garwaaqsaday in ay is-hurran yihiin geeri. Hooyadii ayaa uu xusuustay, waxaanu jeclaystay in uu u dhiso niyadda.Wan weyn ayaa uu u diray, waxaanu u dardaarmay: "hooyo marka aan dhinto, gaurac wankan, hilbihiisa kari, kadibna ugu yeedh qof aan waligii balaayo ku habsan, ama aan waayin qof uu jeclaa." Ammintii uu Alle oofsaday, hooyadii dardaarankii ayay u fulisay, balse waa ay waxa fajiciso ku nogotay in aanu qofna u iman waayo; lama soo helayo guri ka badbaaday balaayo. Hooyadii fahantay dhambaalkii wilkeeda, yada oo u ducaynaysana waxa ay tidhi: "Alle hakuu naxariisto e, waa aad ii samafashay if iyo aakhiraba." 📚Dhambaallada Qur'aanka📩

[ إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ۚ ذَٰلِكَ ذِكْرَىٰ لِلذَّاكِرِينَ ]
"Wanaagyadu waxa ay tagsiinayaan xumaanaha"
Mar kasta oo aad fasho dambi, ku dheh naftaada: mar keliya ayaan gefay ee noloshayda oo dhan ma guuldarraysan." Ha quusan ee weysayso oo tuko laba rakcadood, intaa kadib ku tasbiixso farihii aad ku dambaabtay, kuna akhri Quraanka isla indhihii aad ku fiirisay xaaraanta waayo; taaha kuwa towbad keenaya Alle agtiisa waxa uu la mid yahay faqa kuwa addeecaya, Eebbena naftiisa ayuu u bixiyay dambidhaaf badane sababta oo ah; waxa uu kaa doonayaa in aad u soo laabato xaggiisa! 📚Dhambaallada Qur'aanka📩

Abuurteenu waa intaas kadibna ilaahay xagiisaanu u laabanaynaa kibir iyo isla weynin inooma sugnaan awoodna malihin ilmo nabi
+6
Abuurteenu waa intaas kadibna ilaahay xagiisaanu u laabanaynaa kibir iyo isla weynin inooma sugnaan awoodna malihin ilmo nabi aadamoow ilaahay ka dhawrsada. فتبارك الله أحسن الخالقين☝️🤍

Waxay tiri 15 sanadood ayaan suurad baqra aqrinteeda wadaa! Mudo dhan shan iyo toban sano ayaan aqrinayaa suurad baqra maalin
Waxay tiri 15 sanadood ayaan suurad baqra aqrinteeda wadaa! Mudo dhan shan iyo toban sano ayaan aqrinayaa suurad baqra maalin kasta, ilaahay noloshayda oo dhan buu ku wanaajiyay oo barako ayaan ka helay bay tiri, caruurtii buu ilaahay baari iiga dhigay, nolol xasiloon oo qabowna waa aan ku noolahay, wax kasta oo aan u baahdana isla goortaas baan helaa Allaahu Akbar! Suurad baqra waa dawada murugada, albaab kasta oo kaa xidhana waa lagu furtaa, guriga lagu aqriyona shaydaanku ma uu soo galo. Qof kastoow naftaada haka hagran inaad aqriso maalin kasta. Faalada inoogu reeb inta wax ee aad ku heshay si ay walaalaha ay ku culus tahay ugu noqoto dhiira galin.

Maku hamineysaa waxyaabo badan ood jeceshahay iney kuu rumoobaan? Guul, guur, awlaad,safar, shaqo, xaj, cumro, guri, aduunyo
Maku hamineysaa waxyaabo badan ood jeceshahay iney kuu rumoobaan? Guul, guur, awlaad,safar, shaqo, xaj, cumro, guri, aduunyo iyo aakhiraba? Hadaba badso saliga Nabiga scw ee ibraahiimiyada Bilaaw inaa aqriso maalinki 5kun ama 10kun ama intaad ka awooddo Ilaahey idinkiisa waxyaabo aad u haysatay mustaxiil ood islaheyd kuuma suurto galayaan ayaa kuu suurto gali doono Riyooyin badanna waa ay kuu rumoobi doonaan inshaAllah

"للهِ فيما قضى خيرٌ ومرحمةٌ فالعُسرُ تَعقبُه الخيراتُ والنِّعمُ"
Alle Wuxu Go'aamiyo waxa ku jira Khayr Iyo Naxariis, Culeesyaduna Waxa Ka Dambeeya Wanaag Iyo Barwaaqooyin

haka dhex raadin qiimahaaga , sharftaada iyo horumarkaaga wajiyada dadka kale taasoo keenaysa marka ay kuu sacab tumaan inaad
haka dhex raadin qiimahaaga , sharftaada iyo horumarkaaga wajiyada dadka kale taasoo keenaysa marka ay kuu sacab tumaan inaad faraxdo horena u socoto markay ku sacab tumin in aad niyad jabto, ogow dadku maalin walba wey isbdalaan ee ha u ogalaan inay noloshaada hogaamiyaan.!✨