cookie

نحن نستخدم ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربة التصفح الخاصة بك. بالنقر على "قبول الكل"، أنت توافق على استخدام ملفات تعريف الارتباط.

avatar

🌹Diinteena macaan🌹

🚩 Channel was restricted by Telegram

إظهار المزيد
مشاركات الإعلانات
5 516
المشتركون
+124 ساعات
-107 أيام
-3230 أيام

جاري تحميل البيانات...

معدل نمو المشترك

جاري تحميل البيانات...

✅Buugii aad wada sugayseen 💎Kani waa buug kaa caawinaya sidii aad u ilaalin lahayd caafimaadkaaga misna kaaga digaya waxayaabaha dhaawici kara caafimaadkaaga. waxa uuna ku siinayaa Talooyin qiimo badan oo aad ku ilaalin karto caafimaadkaaga, waxaana qoray caalimkii waynaa ee ibnu Qayyim RX. Waxa aan jeclaystay in aan ku turjumo afkeena hooyo. 📗Akhri oo caafimaadkaaga ilaasho! ━━━━| 𝐅𝐚𝐚𝐡 𝐅𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 |━━━━ 𝗕𝘂𝘂g𝗴𝗮:  ➠ 50 Talooyin caafimaad ah 𝗤𝗼𝗿aa:     ➠ Abdullahi Abdirahman Ali 𝗡𝗼𝗼𝗰𝗮:  ➠ PDF 𝗖𝗮𝗯𝗶𝗿:    ➠ 1.4 MB 𝗕𝗼𝗴𝗴𝗮:  ➠ 19 𝗕𝘂𝘂𝗴𝗶𝗶:  ➠ #3aad ━| @Mucjisoyinka_Quraanka|━
إظهار الكل...
50 talooyin caafimaad ah.pdf8.00 KB
5👍 2
Prohibited content
-♥️Eid♥️Mubarak♥️ ❤Eid♥️Mubarak♥️ ❤Eid♥️Mubarak♥️ ❤Eid♥️Mubarak♥️ 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 -💚Eid💚Mubarak💚 --💚Eid💚Mubarak💚 ---💚Eid💚Mubarak💚 ----💚Eid💚Mubarak💚 -----💚Eid💚Mubarak💚 -----💚Eid💚Mubarak💚 -----💚Eid💚Mubarak💚 ----💚Eid💚Mubarak💚 ---💚Eid💚Mubarak💚 --💚Eid💚Mubarak💚 -💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 👉@mucjisooyinkaquraanka
إظهار الكل...
1
Ma ogtahay! Khudbadii U Dambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH)Ka jeediyay Carafa..Khudbadiiuu Rasuulku Maalintaas jeediyay waxay ahayd, fariin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii Rasuulku maalintaas sheegay. Waxaan idiin soo turjumay Khudabadii Rasuulka (NNKH) Akhri ilaa dhammaadka deedna la wadaag asxaabtaada.—” Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aanmar dambe halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraadeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan. Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina lakulmi doontaan, acmaashiinana laydinka xisaabin doono, hadaba digtoonaada. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinu, waa idinka xaaraansanyahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iskalhaa. Ribbo ( Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faaidadiin idinkaa iskaleh. Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee. Ha iska aargoosanina, Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed. Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta. Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad,ka bixi hantidaadda sakko, soo gudo waajibaadka xajka hadiiaad awoodid.BiniAadamka oo dhammi waxay ka yimaadeenAdam iyo Xaawo, Carabtu kama sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna kama sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi kama sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina kama sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina. Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo.Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaadaraadeed si fiican U dhuuxa warkayga, waxaan idiinka tagaylaba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan. Intiina i dhegaysanaysaaywarkayga usii gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soodegay oo ay kamid ahaayeen (Maantaan idiin kaamilay Diintiinna, waxaana idiin taamyeelay korkiina nimcadayda, waxaana idiinka raali noqday islaamka diin ahaan)Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo Codka kor u qaaday, wuxuu yiri ”iLaahayoow Markhaati ka ahoow inaan fariintaadii u gudbiyay Dadakaaga”—– DHAMAATEEN AAN IS CAFINO. RUUX KASTAA WALAALII HA SAAMAXO.. Wq/ Aisha Ahmed Hassan
إظهار الكل...
1
Prohibited content
*💫 Yaa rabbi naga ajiib ducoyinkeena sirta ah oo caafi kuweena jiran una naxariiso kuweena dhintay ✨ *Ilaahow wadanka no hagaaji🥺🤲🏽 oo qalbiyadeena Diinta ku adkey🤲🏽 Ilaahow Muslimiinta dhibka ka qaad🥺🤲🏽 oo Dowlad islaami ah nasii🤲🏽 Ilaahow Muslimiinta danbigooda dhaaf🥺🤲🏽 oo Qalbiyadooda isku fur🤲🏽 Allahuma --aameen 🏵️🌸
إظهار الكل...
Afkaagu maanta yaanu ku ciilin Alle aad u bari,oo u ducee Naftaada, Ehelkaaga,Deriskaaga, Dalkaaga, iyo umadda Muslimka ahba,ogowna mar walba oo aad ducada balaadhisid waa marka aad u dhawdahay in lagaa aqbalo. Eebbe aad haloo baryo oo wax walba oo aad jeceshahay oo khayr aduun iyo mid aakhiro ahba waydiiso ducadana haka daalin.
إظهار الكل...
🕳 Noloshaada Caadiga Jadwal usamee o wax ka badal 10kan maalin ee ugu kheyrka badan bisha Dil_xijjah. ❍ Rasuulkii alle ﷺ wuxuu yiri : Camal majiro ugu dhahirsanaan badan alle agtii,  Mana jiro wax ka weyn xaga ajarka uguna kheyr badan o la sameeyo tobanka Dil_xijah. Wexey dheheen : xitaa jihaad alle dartiina ? Wuxuu dhahay rasuulka alle ﷺ: "Xitaa jihaad alle dartii waaka fadli badan tahay tobankaan maalin, ilaa Qof hantidiisa iyo naftiisa ku waayay o shahiiday maahee". ~ Wuxuu ahaa Saciid ibnu Jubeyr hadii uu soo galo tobankan maalin  mid aad udadaala, si uu waligii udadaalin maalmalaha kale, wuxuu sameyn jiray camalka kheyrka intii uu awoodo. [الألباني في صحيح الترغيب ١١٤٨]. ❍  Camalada wanaagsan way badan yihiin lamana soo koobi karo,  intaan ayan jecleystay in aad ka faa'ideysataan  Allah ina waafajiyee. 1-  At-Towbah:  wixii danbi ah  ee kaa dhacay  alle ugu towbad keen,  hadii aad cid  dulmisayna Ka xalaal weydiiso. 2-  5ta Salaadod o lagu Tukado masjidka waliba  jamaaca. 3- ictikaaf o lasameeyo hadii la awoodo. 4-  Lawa shey  o aad loo badsado : istigfaarta iyo salliga nabiga ﷺ. 5- in la aqriyo Adkaarta Subaxdii iyo tan Galabkii. 6- in la dukado Salaada Duxaha  iyo sunooyinka salaadaha waajibka ka horeya iyo kuwa ka dambeyaba. 7- Waxaa la suneeyaa  maalmahaan dhaxdooda Soon, hadii laguugu leeyahay soon waajib ah ka faa'ideyso o iska qalee maalmahan kheyrka badan. 🔸️ Soonka maalinka 9_aad ee carafa: 🔖 Nabigeena ﷺ, wuxuu yiri: Waxaa lagu tir-tiraa (Soonka carafa) dambiyadii sanadkii la soo dhaafay iyo sanadka soo socda". Saxiix muslim 1162. 🔷️📌 🔸️Sido kale waxaa ka mid ah camalka wanaagsana alle agtii laga jecelyahay maalmahan tobanka ah. 8- QUR'AANKA oo la  Qatimo 10_kan maalin, waxa uu ka mid yahay waxa ugu kheyrka badan camal la sameeyo uguna ajarka weyn. 🔹️10-ka maalin hakuu dhamaado ilaa adiga o dhameeyay quraanka,  hadii aadan owoodin, ugu yaraan maalin kasta  1-maqaro hanoqotee  wax un ka aqri wll. 9- DUCADA in aad ku dadaashid waa cibaadee. Hal duca aad duceysatidna maalinkaa, waxay ka kheyr badan tahay Cibaadaatka o idil,  maalinta carafana uguma sii jirto waxay ka mid tahay Saacado la aqbalo ducada oo ugu rajo badan waliba.., waayo waxaa isku soo beegmaya soonka carafa iyo adiga oo duceesanaya waqti fadli badan uu allah soo dagayo soo dagid isaga ku haboon. 🔸️🔖 Nabiga (ﷺ), wuxuu yiri: "Ducada ugu wanaagsan waa mida la duceysto maalinka Carafa, mida ugu wanaagsan waa mida Aniga iyo Nabiyada iga horeyey dhaheen waxayna tahay: (لآإله إلّاالله وحده لآشريك له، له الملك وله الحمد وهو على كلّ شيء قدير) [Sunan At-Termidy 358]. 10- SADAQADA in la bixiyo maalmahan dhaxdeeda : Ku dadaal 10-ka maalmood dhaxdeeda in aad alle dartii wax ula baxdid habeen iyo maalinba. Waalidkaana xagii wax ka bixi iyo ehelkaa,  sido kale ku dadaal camalada waqfiga ah ee kuu soconaya, hadii aad ceel qodi kartid iyo hadii aad  masjid wax ku darsan kartid,  sido kale dad oman in aad biyo sii-siid, 🔶️ Qof deyn lagu leeyahay in aad ka bixisid deynta  waa ajar weyn allah ku waafajiyee.,  camalka waanaagsan odhan ku dadaal  o alle ugu dhowow maalmahan barakeysan. 11- Wanaaga o la faro, iyo xumaha oo la reebo. 12- Dadka o la hishiishiyo. 13-Carabkaaga haka qoyanaado xuska alle. Sida:- Takbiirta (الله أكبر), Taxmiida (الحمد لله), Tasbiixda ( سبحان الله), Tahliisha (لا إله إلّا الله), iyo istighfaarta (إستغفر الله), intaas dhan waxaa kaaga filan  Takbiirta. in aad ku dadaashid. الله أكبر الله أكبر الله أكبر ‏لا إله إلا الله ‏الله أكبر الله أكبر ‏ولله الحمد Allow inoogu kaalmee inan ku xusno.
إظهار الكل...
Prohibited content
إظهار الكل...
Prohibited content
Caafimaadku waa shay qaali ah, waxa uuna ka mid yahay nimcooyinka aad u wayn oo ilaahay SW ina siiyey. Waxaana dareemi kara nimcadaas wayninkeeda qofka aan haysan oo xanuunsan. Waxaa inala gudboon in aan mar waliba ilaahay uga mahadnaqno nimcadaas. Sidoo kale waxaa inala gudboon in aan ku dadaalno sidii aan u ilaalin lahayn caafimaadkeena. Kani waa buug kaa caawinaya sidii aad u ilaalin lahayd caafimaadkaaga misna kaaga digaya waxayaabaha dhaawici kara caafimaadkaaga. waxa uuna ku siinayaa Talooyin qiimo badan oo aad ku ilaalin karto caafimaadkaaga, waxaana qoray caalimkii waynaa ee ibnu qayyim. Waxa aan jeclaystay in aan ku turjumo afkeena hooyo, waana turjumay ilaahay fadligiis. Inshallah dhawaan ayaan halkaan idin kula wadaagi doonaa isaga oo pdf ah. Nagu dhiirigeli oo inoo badi 👍  ama ❤️  &  💬
إظهار الكل...
5👍 3🔥 1🥰 1👏 1
fadliga 10ka Bisha Carafo || Sh Xassaan https://youtu.be/gwk52r3vQ9I
إظهار الكل...
fadliga 10ka Bisha Carafo || Sh Xassaan

BOOQO daarulxadiith​​​​​​.com Hoyga Barashada Cilmiga Sharciga Ah... Kusoo Biir Channelkeena Telegram​ Si Aad Uga Faa'iidaysato... Sidoo Kale Lawadaag Asxaabtaada...Ku Dhufo Halkaan 👉

https://t.me/Daarul_Xadiith

Xanta halista ay leedahay waxa la inoogu sheegay Quraanka Kariimka ah, iyo sunnada nabiga (scw), wuxuu Ilaahay dhahay: وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ Yaan badhkiin badhka kale xamanin, midkiin ma jecelyahay inuu cuno hilibka walaalkii oo mayd ah ood karaahiyeysataan” [Suuratu Xujuraat:12] Sidoo kale nabigii Ilaahay (scw) oo qeexaya xantu waxay tahayna wuxuu dhahay: عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ أَتَدْرُونَ مَا الْغِيبَةُ قَالُوا اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ قَالَ ذِكْرُكَ أَخَاكَ بِمَا يَكْرَهُ قِيلَ أَفَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ فِي أَخِي مَا أَقُولُ قَالَ إِنْ كَانَ فِيهِ مَا تَقُولُ فَقَدْ اغْتَبْتَهُ وَإِنْ لَمْ يَكُنْ فِيهِ فَقَدْ بَهَتَّهُ Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ”Ma taqaanan Xantu waxay tahay?” Waxay dhaheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisa og, wuxuu yidhi: ”Waa walaalkaa ood ka sheegto wuxuu necebyahay” waxa la yidhi: Ka waran hadii walaalkay ku sifeysanyahay waxaan leeyahay? Wuxuu yidhi: ” Haduu ku sifeysanyahay waxaad leedahay waad xamatay, hadii kalena waad ka been abuuratay” [Muslim:2589] Dhanka kale bal aynu fiirino qaabka Ilaahay ugu abaal gudayo dadka wax xanta: قال النبي صلى الله عليه وسلم: (( لما عرج بي مررت بقوم لهم أظفار من نحاس يخمشون وجوههم وصدورهم فقلت من هؤلاء يا جبريل قال هؤلاء الذين يأكلون لحوم الناس ويقعون في أعراضهم )) رواه أبو داود Nabigu (scw) wuxuu dhahay: “Markii la i dheelmiyey, ayaan sii maray qoom leh cidiyo naxaas ah (bir), kuwaasoo ku jeexjeexaya wajiyadooda iyo laabahooda, markaasaan dhahay: Waa kuwama kuwani Jibriiloow? wuxuu yidhi: waa kuwa dadka cuna hilbahooda, kuna dhaca sharaftooda (ceebeeyey dadka)” [Abudaawuud:4878 ] Sidoo kale dadka wax xanta Ilaahaybaan ka magangalnee, waxay mutaan cadaabta Qabriga: عن ابن عباس رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم مر بقبرين يعذبان فقال(( إنهما يعذبان وما يعذبان في كبير بلى إنه كبير أما أحدهما فكان يمشي بالنميمة وأما الآخر فكان لا يستتر من بوله )) رواه البخاري ومسلم Ibnu Cabbaas ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee, wuxuu ka wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) soo maray laba xabaalood oo la cadaabayo, wuxuuna yidhi: “Waa la cadaabayaa, lagumana cadaabayo wax wayn, maya ee waa waynyahay, midokood wuxuu la socon jiray xan, kan kalena kaadida isakamuu asturi jirin” [Bukhaari: 215 iyo Muslim: 292 ] Aakhirana qofkii danbigaa galay ee aan ka toobad keenin, waxay ku sababi kartaa inuu halaagsamo Ilaahaybaan ka magangalnee: قال النبي صلى الله عليه وسلم: (( لا يدخل الجنة نمام )) رواه البخاري ومسلم Nabigu wuxuu dhahay (scw): “Magalayo Jannada ruuxa wax xanta” [Bukhaari: 5709 iyo Muslim: 105 ] Dulmiga uu qofka wax xantaa uu gaysto waxa looga jarayaa maalinta Qayaame, waxa lagasoo qaadaya xasanaadkiisa oo la siinayaa dadkii uu caayey ama uu ceebeeyey, hadii xasanaadku ka dhamaadana waxa dusha laga saarayaa danbiyadoodii. قال النبي صلى الله عليه وسلم: (( قال أتدرون من المفلس قالوا المفلس فينا من لا درهم له ولا متاع فقال المفلس من أمتي من يأتي يوم القيامة بصلاة وصيام وزكاة ويأتي قد شتم هذا وقذف هذا وأكل مال هذا وسفك دم هذا وضرب هذا فيعطى هذا من حسناته وهذا من حسناته فإن فنيت حسناته قبل أن يقضي ما عليه أخذ من خطاياهم فطرحت عليه ثم طرح في النار )) رواه مسلم Nabigu wuxuu dhahay: “Ma taqaaniin ruuxa kacay?” waxay dhaheen: Ruux kacay anaga agtayada waa qofka aan dirham iyo xooloba haysanin, wuxuu yidhi: “Ruuxa kacay ee umadayda kamid ah waa mid la imanaya maalinta Qayaame Salaad, Soon, iyo Zakaba, waxa kale oo uu imanayaa isagoo kan caayey, kana tuhmay, kana xoolihiisa cunay, kana dhiigiisa daadiyey, kana garaacay, markaasaa lasiinayaa xasanaadkiisii kan iyo kaaba, hadii ay dhamaato xasanaadkiisu kahor intaan laga goosanin wixii lagu lahaa, waxa laga soo qaadayaa (dadkii) danbiyadoodii oo dusha laga saarayaa, kadibna naarta ayaa lagu tuurayaa” [Muslim:2581 ]
إظهار الكل...
اختر خطة مختلفة

تسمح خطتك الحالية بتحليلات لما لا يزيد عن 5 قنوات. للحصول على المزيد، يُرجى اختيار خطة مختلفة.