ar
Feedback
SAMEWADE ACADEMY

SAMEWADE ACADEMY

الذهاب إلى القناة على Telegram

Kusoo dhawada samewade Academy channel kan waa madal aad ka heli doontid Dhamaan Cashirada aan soo gudbino si free ah.

إظهار المزيد

📈 نظرة تحليلية على قناة تيليجرام SAMEWADE ACADEMY

تُعد قناة SAMEWADE ACADEMY (@samewade) في القطاع اللغوي Somali لاعباً نشطاً. يضم المجتمع حالياً 17 381 مشتركاً، محتلاً المرتبة 11 545 في فئة التعليم والمرتبة 484 في منطقة Somalia.

📊 مؤشرات الجمهور والحراك

منذ تأسيسه في невідомо، حقق المشروع نمواً سريعاً وجمع 17 381 مشتركاً.

بحسب آخر البيانات بتاريخ 26 يونيو, 2026، تحافظ القناة على نشاط مستقر. خلال آخر 30 يوماً تغيّر عدد الأعضاء بمقدار -148، وفي آخر 24 ساعة بمقدار -10، مع بقاء الوصول العام مرتفعاً.

  • حالة التحقق: غير موثّقة
  • معدل التفاعل (ER): يبلغ متوسط تفاعل الجمهور 4.23‎%. وخلال أول 24 ساعة من النشر يحصد المحتوى عادةً 1.12‎% من ردود الفعل نسبةً إلى إجمالي المشتركين.
  • وصول المنشورات: يحصل كل منشور على متوسط 736 مشاهدة. وخلال اليوم الأول يجمع عادةً 194 مشاهدة.
  • التفاعلات والاستجابة: يتفاعل الجمهور بانتظام؛ متوسط التفاعلات لكل منشور يبلغ 0.

📝 الوصف وسياسة المحتوى

يصف المؤلف القناة بأنها مساحة للتعبير عن الآراء الذاتية:
Kusoo dhawada samewade Academy channel kan waa madal aad ka heli doontid Dhamaan Cashirada aan soo gudbino si free ah.

بفضل وتيرة التحديث المرتفعة (أحدث البيانات بتاريخ 27 يونيو, 2026) تحافظ القناة على حداثتها ومستوى وصول مرتفع. وتُظهر التحليلات تفاعلاً نشطاً من الجمهور، ما يجعلها نقطة تأثير مهمة ضمن فئة التعليم.

17 381
المشتركون
-1024 ساعات
-357 أيام
-14830 أيام
أرشيف المشاركات
5:  Aadaabta guud ee Soomta. Cibaado kastaa waxay leedahay aadaab & axkaam soontuna waa la mid oo iyaduna waxay leedahay axkaam iyo aadaab, hadaba aadaabta soonta waxaa ka mid ah: 💎1: Waa in aanu qofku dagaalamin 💎2: Waa inaanu jaahilnimo samayn. 💎3: Waa inaanu caytamin 💎4:Waa inaanu laqwi ku hadal, Sidaas waxaa inoo cadeeyey xabiibkeena Scw wuxuu yidh: soontu waa gaashaan, hadii qofkiin sooman yahay waa inaanu jaahilnimo samayn , waa inaanu caytamin, hadii qof la dagaalamo ama caayo ha yidhaaho waan soomanahay, waan soomanahay ha ku celceliyo kelmadaas, hadaba hadaan mid mid u eegno: Waa inaan qofku dagaalamin , kolayba Bin aadam ayaynu nahay hadii qofku uu la kulmo dagaal iyo rabshad waa inuu is kaantaroolo is xakameeyo oo qofkii la dagaalay ku yidhaaho waan soomahay, Sidaas oo kale hadii qof caayo ama aflagaadeeyo ama karooxo ama ku dhega hadlo waa inuu yidhaahaa waan soomanahay waan soomanahay, Hadii jaahilnimo loola yimaado maaha qofka soomani qof jaahilnimo sameeya waa inuu ka gaabsadaa aanuna ka jawaabin. Soontu waa gaashaan sida gaashaanku qofka uga difaaco nabarka ayuu soontuna xumaanta uga ilaaliyaa, gaashaanka maanta waxaa halkiisii ku jira Jaakada aan xabadu Karin, haduu qofku soomanyahay ma karayo hadalka xumi oo dagaalku ma karayo oo wuu iska daalayaa qofka xumaanta u gaysanaya qofka sooman. Hadaba soonta qofka sooman Sida uu Rasuulkeenu xadiiskaas laftiisa inoogu sheegay kabbaca ama urta ka soo baxaysa afkiisa Illaahay agtiisa waxay ka udgoon badan tahay Miskiga cadarka la yidhaaho ama shayga la yidhaaho miski. Xataa maalinta qiyaame urta afka qofkii soomi jiray ka soo baxdaa waa sida miskiga ah oo kale, waxaa kaloo la soo weriyey marka ehelul Jannada la geliyo Jannada waxay dareemaan ur udgoon markaasay yidhaahaan waa maxay urtaasi udgooni? Waxaa loogu jawaabaa waa naqaska ka soo baxa dadkii soomi jiray afkooda. Illaahayna wuxuu yidhaahaa SWT: cuntada iyo cabitaanka dartay buu uga tegay qofka soomani anigaa abaal marin doona wanaaga maalinta uu soomo lagu abaal marinayaana waa toban laab. Soontu waa gaashaan waxay qofka ka difaacdaa xumaanta waxay ka difaacdaa Naarta waxay ka difaacdaa shahwaadka , waxay ka difaacdaa laqwiga waxay ka difaacdaa qaflada waxay ka difaacdaa xumaanta dhamaanteed.

Ramadaan Axkaam & Eedaab Q2aad 3:  Waa maxay Xukunkiisu Qofka ka taga  Ramadaanta ? Culumada islaamku waxay isku raaceen qofku hadii uu dafiro inay Ramadaan waajib tahay oo ka badheedhaa inaanu diinta haysan. Cabdilaahi bin cabas Rc wuxuu yidhi: shanta rukni ee islaamka qofka dafira mid ka mida ama wadda dafiraa waa qof gaal ah. 4: Xikmada Ramadaan loo waajibiyey waa maxay? Ramadaan waxaa la inoogu waajibiyey xikmado badan waxaana ka mid ah: 1: Iyadoo xididada jidhka bin aadamka lagu cidhiidhinayo shaydaanka oo dhex mara , halkaas oo uu ka dareemo cadaadis qofkana uu ka durkayo  shaydaanku, maadaama cidhiidhi la geliyey meelihii uu dhex socday. 2:Nafta ayay soontu daahirisaa oo ka ilaalisaa akhlaaqda xun. 3:Aduunyada ayay qofka ka Zaahidisaa aakhirona way jeclaysiisaa. 4: Waxaynu dareemaynaa xanuunka ay leedahay gaajadu waxaanayna u naxariisanaynaa kuwa masaakiinta ah. 5:Nafta ayaa ka caado dhiganaysa Daacad iyo Alle jacayl. 6: Caafimaadkii jidhka ayaa Kordhaya oo dareemayana  fudayd. 7:Ramadaan waxay dawaysaa xanuuno badan oo bin aadamka ku  dhaca. 8: Ramadaan waa bil la dareemayo isku naxariisasho iyo farxad. 9: Xanuunada caloosha ku dhaca ayay dawaysaa Soomtu. 10: Sonkorta , wadne xanuunka iyo dhiigkarka way dhintaa. Waxaa yaab leh qof muslima oo intuu cuntadii cabitaankii iyo xaaskiisiiba iska daayey hadana aan dayn wixii Illaah  ka xaaraantimeeyey taasi waxay meel kaga dhacaysaa sifaadka iyo xikmada ramadaan ee aan kor ku  xusnay, wuxuuna yahay qofkaasi qof iska daayey keliya cabitaankii iyo cunitaankii wax kalese aan korodhsan.

Ramadaan Axkaam & Eedaab Q1aad 1:      Waa maxay Soom macneheedu? Sida aynu ka wada dheregsanahay waxaa aynu ku jirnaa bishii  barakada badnayd ee Ramadaan lana gudan jiray Faralka Soomta hadaba waa maxay soom ama Ramadaan? Labadan kelmadood waa carabi Soonta hadii aan ku horayno waxay culumada carabigu ku macneeyeen waa joojin shay la joojiyo ama la iska xakameeyo, sida cuntadii cabitaankii, hadalkii iwm. Saa’im waxaa la yidhaahaa marka farasku joojiyo daaqitaanka, waxaa la yidhaahaa qofku marka uu joojiyo hadalka, Kelmada Ramadaan waa kulayl ama raran sida qolyaha qaamuusyadu ku fasireen , waxaa la yidhi waa Raran guba Dunuubta, sida uu inoogu sheegay Rasuulkeenu Xadiis, waxaa kaloo la yidhi sanadkii la waajibiyey ayaa kululaa bishii la soomayey sidaas ayaa magaca loogu bixiyey, Bishan waxaa la odhan jiray waqtigii Jaahiliyada Naatiq. Shareeco ahaana waxaa lagu macneeyey Soomtu waa: waa iyadoo uu qofku joojiyo waqti khaas ah waxyaabo khaas ah shuruudo khaas ahna lagu taagan yahay, Waxaa uu yidhi: iimaamka la yidhaaho ibnu cusaymiin Rc:soomtu waa iyadoo la joojiyo cunitaankii cabitaankii iyo hadalkii aan macnaha ku fadhiyin marka waagu beryo ilaa gabalku  ka dhacayo. 2:  Waajibnimada Soomta maxaa u daliila? Soonta waxaa la waajibiyey sanadkii labaad ee Hijriyada. Soomta waxaa u daliila inay waajib tahay labada Aayadood ee Suuratul Baqarah 183 ,185, Aayada hore macneheedu waxaa weeye: kuwii Illaahay rumeeyoow waxaa la idinku waajibiyey Soomta sidii loogu waajibiyey Umadihii idinka horeeyey, Aayada labaadna wuxuu Illaahay SWT yidhi: Bisha Ramadaan waa bishii la soo dejiyey Quraanka isagoo hanuun u ah umada iyo cadaymo hanuunka ah, qofka Bisha soo haleelaa ha Soomo. Xaga Axaadiista Rasuulkeena SCW wuxuu yidhi: Islaamnimada waxaa lagu dhisay shan wuxuu yidhi: waxaa ka mid ah Soomista bisha Ramadaan. Dhinaca kale Umadda islaamku waxay isku waafaqsan tahay in Bishaasi waajib tahay soomisteedu cidii dafirtaana ay Diinta banaanka uga baxday.

Qaybtii 2aad Waxa uu yidhi Nabi Yacquub (cs) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow.”(5) Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (cs) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (cs). “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka.”(6) Taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha. Nabi Yuusuf (cs) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa, laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu la kulmay Nabi Yuusuf (cs) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa. Ilaahay waxa uu yidhi koreeye: “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad dadka wax su’aala,(7) Goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku sugan yahay baadi cad, (8) Dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) Mid ka mid ah ayaa yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah hadii aad wax uun samaynaysaan.”(10) Siday sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegin inay sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay dilaan darted. Laakiin inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan, waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno. Hadaba waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen. Mid ka mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku ridaan. Lasoco qaybta 3aad habeen danbe.

QISASAL AMBIYAA | YUUSUF QAYBTI 2AAD
QISASAL AMBIYAA | YUUSUF QAYBTI 2AAD

sticker.webp0.41 KB

Maxaad oraneysaa afurka ka gadaal? waxaad oraneysaa sida tan : "ذَهَبَ الظَّمَأُ، وَابْتَلَّتِ العُرُوقُ، وثَتَ الأَجْرُ إِن شَاءَ اللّهُ" O macnihiisu yahay " oonkii waa tagay, xididadiina wa ay qoyeen, ajirka waa sugnaaday insha allah" ku duceyso ducadaa afurka ka dib Bookho si aad diinteena wxa badan ugabarato @Sahayda_muminka

photo content

photo content

sticker.webp0.18 KB

Qisasal Ambiyaa|  Nabi Yuusuf (Caleyhi Salaam) part 1 Intayna anan bilaabin qisada Nabi Yuusuf (cs) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (cs) laakiin nebi yuusuf (cs) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda: “Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan.” (3) [waxa looga jeeda Nabi maxamed (scw)] Culimada islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan? Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi, nin madax ah iyo cidii uu xukumayay waxa kale oo ku xusan suurdan rag iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda Hadaba qisadan Nabi Yuusuf (cs) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa hor joogsan karaana ma jiro. Hadaba qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo gudbin doonaa qisadii Nabi Yuusuf qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno. Illaahay waxa uu yidhi koreeye: ‘’Xus nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan.”(4) Ilmahan yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (cs) waxa uu gartay Nabi Yacquubna (cs) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee. Nabi yacquub (cs) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan walaalkooga yar. ....... lasoco qaybta 2aad insha Allah

QISASAL AMBIYAA | QAYBTII KOOWAAD
QISASAL AMBIYAA | QAYBTII KOOWAAD

sticker.webp0.35 KB

أنشودة _ مرحباً رمضان .mp33.90 MB

أنشودة _ أتى رمضان .mp32.96 MB

أنشودة _ وجاءنا رمضان .mp33.04 MB

أنشودة _ اهلا رمضان .mp32.14 MB

Qisadii| Nabi Aadam (Caleyhi Salaam) Sheekooyinka Nabiyada Ilaahay soo diray naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ha ahaatee waxaa innoogu sugan wax ku qaadasho, taasoo sida uu Eebbe korree oo nasahanaaye Quraanka Kariimka ah innoogu sheegay ay tahay inaynu waano iyo wax ku qaadasho iyo waliba ku dayasho wanaagsan ay innoo noqdaan si aynu u liibaanno adduun iyo aakhiraba aynuna guul iyo raalli ahaanshaha Ilaahay helno 🔰Si aad usii dhamaystid taabo INSTANT VIEW https://telegra.ph/Nabi-Aadam-04-23

ASC WALAALAHA MUSLIMIINTA AH EE KU XIDHAN SAMEWADE BOOK WAXAAN IDINLEENAY 🌙RAMADAN KARIIN🌙 MEEL KASTO AAD ADOONKA KAGA SUGA
ASC WALAALAHA MUSLIMIINTA AH EE KU XIDHAN SAMEWADE BOOK WAXAAN IDINLEENAY 🌙RAMADAN KARIIN🌙 MEEL KASTO AAD ADOONKA KAGA SUGANTII 🔆BUSHAARO BUSHAARO 🔆 waxaan bilaabi doonaa taxane ah Qisasaka Anbiyada kala soco @samewade books @buugaagbot @samewade @somalibook @soomaal @xikmadosomali

🌿 GUURE . PDF —————--------------- 🔔JOIN US ➠: @suncodeacademy 🔔JOIN US ➠: @som_wall 🔔JOIN US ➠: @xikmadosomali 🔔JOIN US ➠: @somalibook 🔔JOIN US ➠: @samewade 🔔JOIN US ➠: @soomaal 🔔JOIN US ➠: @tiigsi 🔔JOIN US ➠: @Aflaan 📣JOIN US ➠: @Buugaagbot ♦️JOIN US ➠: @Aqoon_bot ╔════════════════╗ ▒ ☞ Request from us - After you finish reading one book, please commit yourself to Plant one Tree. ╚════════════════╝ 📌BUUGAN MA INOO SOO QAADAA SIDA UGU DHAKHSAHA BADAN " ❤️" 〽️SAMEWADE BOOKS 〽️ ---------------------------- 🧷 QAABKA ➠ PDF . 📖 BOGGA ➠ 215 BG . 🎯 CABIRKA ➠ 1MB . ✍ QORAAGA ➠ XASAN MAXAMUUD QORANE