cookie

نحن نستخدم ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربة التصفح الخاصة بك. بالنقر على "قبول الكل"، أنت توافق على استخدام ملفات تعريف الارتباط.

avatar

Fataawada Dr Khadar

Waa mareeg lagu aruuriyo fataawada Sh Dr Khadar Xassan Axmed. Halkan su'aashaada ku soo dir: T.me/AskFiqibot Waxa ka masuul ah: T.me/Ishraqcenter

إظهار المزيد
مشاركات الإعلانات
6 904
المشتركون
+324 ساعات
+37 أيام
+1030 أيام

جاري تحميل البيانات...

معدل نمو المشترك

جاري تحميل البيانات...

Fataawada Ramadaanta1445H | kulankii 2aad| Sh Dr Khadar Xasan Axmed. https://youtube.com/watch?v=TJeR2F0vFhE&si=BNlZvtCV3YKy2q3z
إظهار الكل...
Fataawada Ramadaanta1445H || Kulankii 2aad || Sh Dr Khadar Xasan Axmed.

Channelka Fataawada Dr Khadar:

https://t.me/Fataawo

Repost from TUBTA TOOSAN
Barnaamijka TUBTA TOOSAN| Fataawada bisha Ramadaan1445H Waxa soo jeedinaya: Sh Dr Khadar Xassan Axmed. https://us02web.zoom.us/j/83740911606?pwd=MWpyUTFzT3NNMzFMYmtpUDVtNWJLZz09 Meeting ID: 837 4091 1606 Passcode: 12345
إظهار الكل...
إظهار الكل...
TUBTA TOOSAN

#Ogeysiis Kulankii labaad ee fataawadu waa casarka arbacada ee soo socda insha Allaah. Halkan ku soo dir su'aashaad: T.me/AskFiqibot

sticker.webp0.18 KB
224. Qofkii maalinka oodhan soomanaa haddii uu suuxo maalinka aakhirkiisa, miyuu soo qalleyn maalinkaas? Jawaab: Maya, kol haddii qeyb kamid ah maalinka miyirkiisu joogay, soonkiisuna waa u ansax. 225. Qofku isaga oo sooman dhiig ma shubi karaaa? Sidoo kale dhiiga baadhitaanka ma iska qaadi karaa? Jawaab: Haa, labada dhiig midna majabiyo soonka, laakiin waxa fiican in qofku habeenkii iska shubo; si aanuu udaciifin. 226. Aniga oo sooman haddii aan is idhaahdo iska afur, haddana aan iska daayo, soonku miyuu iga jabay? Jawaab: Maya, kol haddii aanaad waxba cunin, soonku niyadda kuma jabo. 227. Aniga oo soon la igu leeyahay haddii ramadaantii kale soo gasho, maxaa la igu leeyahay? Jawaab: Haddii aad wakhti helaysay aad ku qalleysid se aad dayacday, waxa lagaa rabaa in aad qalleysid , fidyana aad bixisid, laakiin haddii aanay kuu suurtagalin oo aad xanuusanaysay ama safar aad ku jirtay qalle kaliya ayaa lagaa raabaa. 228. Haddii la adimo ma la suxuuran karaa? Jawaab: Maya, haddii uu yahay eedaankii salaadda subax, wixii aad afka ku haysana waad tufaysaa. 229. Haddii anoo sooman oo salaad ku jira ay xaako isoo qabato maxaan sameeyaa? mana tufi karo mana liqi karo'e? Jawaab: Haddii maro ama wax lamida aad helaysid waad ku tufi, haddii kalena salaaddaad kabixi oo waad soo tufi, kadibna waad ku noqon salaadda. 230. Kaanoole ayaan ku qaataa daawooyin, markaa soonka wax ma yeelayaa? " Jawaab: Haddii aanay ahayn daawooyinka udhigma cuntada iyo cabitaanka waa caadi, laakiin haddii ay yihiin daawooyinka qofka awoodda siinaya ee tamarta usoo celinaya maya, waad xanuusanaysaa ee iska afur, oo dib kasoo qallee.
إظهار الكل...
Repost from Fataawada Dr Khadar
Konton (50) su'aalood iyo jawaabahooda oo ku saabsan axkaamta #Soonka iyo #bisha_Ramadaan: [173-223] https://t.me/Fataawo/53 Sidoo kale waxa aad fataawadan ka dhageysan kartaa halkan: https://youtube.com/playlist?list=PL_dIfrvnKLIfRaGIOD8srb5uc423kFAGs&si=PmNCHjZ1tWtPBZht
إظهار الكل...
sticker.webp0.18 KB
220. Gabar aniga oo la hadlaya ayay biyihii taranku iga imaadeen, soonku miyuu iga burayaa? Jawaab: Haddii uu hadal kaliya yahay oo fal aad qabatay aanu jirin, sidoo kale aanaad is dareemin in hadalkaas biyuhu kaaga imanayaan soonku uu kuu jiraa, laakiin haddii fal la socday ama adigoo og in biyuhu kaga imanayaan hadalka sii waday waa ka buray soonku, qallena waa lagugu leeyahay. 221. Qofku haddii uu witriga taraawiixda raaciyo oo haddana habeenkii xaga danbe rabo in uu ka tukado muxuu samayanayaa? Jawaab: Waxa uu tukanayaa salaatul-layl labo labo rakcadood ah, witrina raacin maayo oo hore buu usoo tukaday. 222. Taraawiixda witriga ma banaan tahay in la israaciyo saddexda rakcadood? Jawaab: Haa, laakiin waa in aad sii niyooto. 223. Qofku salaadda ciisha'iga maku dabo xidhan karaa taraawiixda? Jawaab: Haa, mad'habkeena way u ansaxaysaa, laakiin waa arrin laga fiican yahay, oo waxa ka fiican in aad gaar iskaga tukatid ama dad kale oo cishaa'i tukanaya la tukatid; si aad iskaga ilaaliso culimada madaahibta kale oo aan arrinkan ogalayn. #Soonka
إظهار الكل...
187. Qofka haddii soon badan lagu lahaa oo uu ilaawo tiradii lagu lahaa xukunkiisu muxuu noqonayaa? Jawaab: Wuxuu soomayaa inta uu is leeyahay soon baa kugu hadhay ama tirada ugu badan ee uu is leeyaahay waa lagugu leeyahay. 188. Waxa aan soo kacay xilli la eedaamay oo aqiimkii dhiman yahay kadib aniga oo aan eegin wakhtiga ayaan suxuurtay kadibna dib baan ka ogaaday, marka maalinkaa soonku ma iijiraa? Jawaab: May, laakiin maalinkaas waad afxidhnaanaysaa, soonkuna kuuma jiro, qallihiisana waa lagugu leeyahay. 189. Haddii aan irbad xummad-jabin ah isku mudo anoo sooman, soonkayga wax ma u dhimaysaa? Jawaab: Maya. 190. Kiniinka wadnaha loo qaato ee carrabka hoostiisa la galiyo, soonka wax ma u dhimayaa? Jawaab: Haddii la xaqiijiyo in wax kiniinka kamid ah hunguriga marayn, soonka waxba uma dhimayo. 191. Xakaadu (khaakhadu) soonka ma jabisaa? Jawaab: Maya, haddii aanuu dib u liqin. 192. Haddii anigoo janaabo qaba waagu ii baryo, soonkaygii wax ma noqonayaa? Jawaab: Maya, haddii aad soonka sii niyaystay. 193. Qofka qaba xanuun aan la rajaynayn in uu ka bogsado muxuu soonkiisa ka samaynayaa? Jawaab: Raashin (Fidyo) ayuu bixinayaa. 194. Qofku ducada fur-furashada salaada miyuu akhrisanayaa markasta oo uu taraawiixda galayo? Jawaab: Markasta oo laba rakcadood la galayaba ducada waa la akhrisanayaa. 195. Taraawiixdu marka ay dhamaato maxaa la akhrisanayaa? Jawaab: Saddexda rakcadood ee witriga wixii ka horeeya waxba lama akhrinayo, wirtigu markuu dhamaadana wixii uu qofku aakhrisan karo ee adkaar ah wuu akhrin karaa. 196. Ma ii banaantahay in aan afar rakcadood taraawiixda xidhiidhiyo? Jawaab: Maya. 197. Qofka biyaha taranka gacanta iskaga keena soonki maka burayaa? Jawaab: Haa. 198. Waa maxay xukunka ducada salaadda kadib la ducaysto? Jawaab: Waa sunne, waana arrin la jecelyahay. 199. Waagii hore waxaa la odhan jiray “suxuur suxuur”, maxaa loo joojiyay, maa xaaraan baa? Jawaab: Maya, xaaraan maaha, haddii aan booskii adaanka lagu baddalayn.
إظهار الكل...
173. Daawada lagu cadaydo soonka miyey wax yeelaysaa? Jawaab: Maya, haddii aanay waxba raacayn candhuufta. 174. Qofku haddii uu cabo biyo isaga oo is ilawsan miyuu ka nusqaamayaa soonku? Jawaab: Maya. 175. Qadarka fidyadu waa intee? Jawaab: Nuskiiloo iyo wax yar. 176. Gabadhii soonka sanadna xaamilada ahayd, sanadna nuujinaysay maxaa la gudboon? Jawaab: Haddii ay nafteeda ubaqdo qalle kaliya ayaa lagu leeyahay, haddii ay ubadkeeda ubaqdana qalle iyo fidyo ayaa lagu yeelanayaa marka ay u suurto gasho. 177. Waxaan ahay qof da' ah oo aan soomi karin, fidyada laygu leeyahay raashin karsan maka dhigi karaa? Jawaab: Maya, raashin qaydhin ayaad bixinaysaa. 178. Fidyada bilowga bisha Ramadaan ma wada qadimi karaa? Jawaab: Maya, laakiin waxa aad bixin kartaa Ramadan dhexdeeda intii la soo dhaafay ama dhammaadkeeda. 179. Taraawiixda marka witriga laga reebo sideed wax ka badan ma tukan karaa? Jawaab: Haa, taraawiixdu waaba labaatan rakcadood. 180. Sunnihii cishaha ka dambeeyey iyo salaaddii taraawiixdu haddii ay waqtiga isku cidhiidhiyaan tee baa la horraysiinayaa? Jawaab: Kii aad horreysiisaba waa caadi, sunnaha cishaha ka dambeeya dib waad u dhigi kartaa oo taraawiixda waad horreysiin kartaa haddii waqtigeedu kuu taagan yahay. 181. Aniga oo sooman cuntada ma dhadhamin karaa haddii aanan liqayn? Jawaab: Haa, laakiin waa laga fiican yahay. Haddii si kama' ah ay kaaga siibatana soonku waa kaa burayaa. 182. Ramadan kariim iyo Ramadan mubaarak miyaa la isku odhan karaa? Jawaab: Haa, si guud munaasabaatka wanaagsan in laysku tahniyeeyo dhib malaha. 183. Qofkii xanuunsaday ee dhakhtarkiisuna kula taliyey in aanu soomin muxuu yeelayaa? Jawaab: Waa afurayaa, markaa haddii rajo laga leeyahay in uu ka bogsadana dib ayuu ka qalleyn, haddii aan rajo laga lahayn in uu ka bogsadana fidyo ayuu bixinayaa oo qalle laguma laha. 184. Ma jiraa qawl Abuu Bakar R.C ka sugnaaday oo sheegaya in uu afurka iska wadan jiray ilaayo cadceedu ka soo baxayso? Jawaab: Saxaabo dhawr ah baa laga wariyey oo Abuu Bakar ku jiro, laakiin culimadu waxay isku raaceen in soonku bilaabmayo waabariga ilaa qorrax dhacana uu ku eegyahay. 185. Ducada qunuutka in la dheereeyo diintu maxay ka qabtaa? Jawaab: Sax maaha. 186. Haddii imaamku afar rakcadood israaciyo salaaddii taraawiixda, miyaan ku raacaa mise waan ka goostaa? Jawaab: Culimadu waxay ubadan yihiin in aan afar lays raacin karin, markaa waad ka hadhaysaa oo marka labada rakcadood la tukado ee loo fadhiisto waad ka baxaysaa, labadaa kalena waad la xidhanaysaa.
إظهار الكل...