️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
الذهاب إلى القناة على Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
إظهار المزيدلم يتم تحديد البلدالفئة غير محددة
258
المشتركون
-224 ساعات
+197 أيام
+1930 أيام
أرشيف المشاركات
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Isniin ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 15-12-1447 oo waafaqsan 31-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Dab Xooggan oo Khasaare Dhaliyay ayaa Mar Kale Ka Kacay Xarun Waxbarasho oo Ku Taalla Dalka Kenya.
Warbaahinada dalka Kenya ayaa mar kale soo tabiyay dhacdo kale oo lagu gubay xarun waxbarasho oo ku taalla isla gobalka Naakuuro oo ah halkii Sadex maalin kahor lagu gubay dugsi ay gabdho wax ku baranayeen, iyada oo ay ku dhinteen 16 arday, ayna sidoo kale ku dhaawacmeen wax ku dhow Boqol kale.
Saacadihii lasoo dhaafay dugsi kale ayaa dab la qabadsiiyay, inkasta oo aan lasoo sheegin khasaara nafeed oo ka dhashay dabkan, balse waxaa si dhamaystiran u gubtay hoyga ay ardaydu jiiftaan oo ah halka uu dabku ka bilowday.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya, in dabku billowday xilli habeenimo ah iyadoo ardaydu isu diyaarinayeen inay seexdaan, hase yeeshee maamulka dugsiga iyo macallimiinta ayaa ku guuleystay inay si degdeg ah uga baxaan dugsiga, taas oo ka hortagtay in wax khasaare nafeed ah uu dhaco.
Dibad-baxyo Sabababay Khasaare Nafeeed ayaa ka Dhacay dalka Koonfur Afrika, Xilli Banaan-baxyada ka Socda Dalkaas ay Saamayn ku Yeesheen Ajaanibta ay Soomaalida Kamidka Tahay.
Waddanka Koonfur Afrika waxaa kusii fidayo dibad-baxyo rabshado wata oo looga soo horjeeda dadka ajaanibta ah ee ay Soomaalida kamid yihiin.
Waxaana lagu soo waramayaa, in banaan-baxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalkaasi ay sababeen dhimasho iyo barakac baahsan oo ay sameeynayeen dadka aan u dhalanin dalkaas.
Waxaa la xaqiijiy, in Laba qof oo ajaanib ah ay ku dhinteen, inka badan 400-na ay ku barakaceen kadib dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Mossel Bay ee gobolka Western Cape (Westen Keeb) ee waddanka Koonfur Afrika.
Labada ruux ee ajaanibta ah ayaa la sheegay, inay u geeriyoodeen wexyeello xooggan oo ay gaarsiiyeen dad dhigayay dibad-baxyada looga soo horjeeda soo galootiga ee ka socda dalka Koonfur Afrika.
WarbaahiNno iyo Hey’ado Reer Galbeed ah ayaa Walaac ka Muujiyay Dagaallada ka Socda Gudaha Itoobiya.
Warbixinno ay soo saareen Warbaahino iyo Hey’ado fadhigooda yahay dalka Mareykanka ayaa waxa ay si wey uga deyriyeen xaaladda Itoobiya iyo dagaallada iyo qulqulatooyinka kusii xoogaysanaya dalkaas.
Haddaan ku horayno Foreign Affairs oo ah majallad caalamiya oo kasoo baxda waddanka Maraykanka ayaa ka dayrisay xaaladda cakiran ee amni iyo siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya.
Warbixin ay majalladu baahisay maalmo ka hor, ayay ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay khataraha dagaallo cusub iyo xasillooni-darro sii socota oo kusii fidaya gudaha Itoobiya.
Waxay xustay warbixintu, in gobolka Tigray ay ka jirta kala qaybsanaan cusub oo u dhexeysa kooxaha TPLF iyo garabyo kale oo kasoo go'ay, taasoo kordhinaysa halista dagaal cusub.
Jabhadda Fano oo markii hore dawladda garab taagnaa ayaa hadda dagaal adag kula jira ciidanka federaalka, iyagoo sheegtay inay gacanta ku hayaan 80% gobolka Amxaarada.
Waa Habeennimo Isniin ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 15-12-1447 oo ku beegan 31-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
Xiisadda Masar iyo Itoobiya ee ku Aaddan Khilaafka Badda Cas iyo Biyo-xireenka An-Nahda oo ka sii Dartay.[WARBIXIN]
In ka badan 15 askari ayaa lagu dilay Hawgallo ay Fulisay Jamaacada Nusratul islaam kuwaas oo ka kala dhacay Wadamadda Maali iyo Baniin,Ku dhawaad 60 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari oo ka dhacay Bariga Dalka Afghaanistaan, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Kulankii ugu horreeyay ee wajiga Koobaad diyo kala qaadasha jufooyin katirsan beelaha Baadi Cadde iyo Saddex Cumarow ayaa ka dhacay gobalka Hiiraan
Maleeshiyaadka Fano ayaa ku Guulaystay, inay Carqaladeeyaan Doorasho ay Itoobiya ka Qaban Laheed Gobalka Amxaarada.
Soomaali Tahriibaysay ayaa Lagu Qabtay Mid Kamid ah Dalalka Yurub, Xilli ay sii Kordheen Dhallinyarada ka Baxayso Dalka.
Xildhibaanno ayaa Shisheeyaha u Gudbiyay Dacwad ka Dhan Saraakiil ka Tirsan Dowladda Fedaraalka.
Maanta waa maalin Axad, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 14-12-1447 oo waafaqsa 31-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
In ka badan 15 askari ayaa lagu dilay Hawgallo ay Fulisay Jamaacada Nusratul islaam kuwaas oo ka kala dhacay Wadamadda Maali iyo Baniin.
Maamulka Yahuuda oo Duqayn ku burburiyay gaari ay saarnaayeen Dada shacab ah gudaha Lubnaan.
Dibada-bax balaaran oo looga soo Horjeedo Dowllada Jarmalka ayaa ka dhacay gudaha dalkaas.
Ku dhawaad 60 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari oo ka dhacay Bariga Dalka Afghaanistaan.
Xildhibaanno ayaa Shisheeyaha u Gudbiyay Dacwad ka Dhan Saraakiil ka Tirsan Dowladda Fedaraalka.
Koox xildhibaanno ah oo isugu yeero baarlamaanka xorta ah ayaa wax ay dacawad ka gudbiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen, inay ku lug leeyihiin falal ay ku tilmaameen xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Wakiillada caalamiga ah iyo safaaradaha shisheeye ee ku yaalla xerada xalane ayay xildhibaannadani u direen warqad ay ku qoran yihiin saraakiisa Dowladda Fedaraalka ee ay ka cabanayaan.
Mahdi Cumar Mumin oo ah Taliyaha Booliska Dowladda Fedaraalka ee gobolka Banaadir, iyo saraakiil ka hosaysa ayaa kamid dadka lagu xusay warqadda dacwada ee loo gudbiyay shisheeyaha Xalane ee Dowladda Fedaarka soo tabantaabiyo
Saraakiishan ayay xildhibaannadu ku edeeyeen, inay ku lug leeyihiin tacadiyaad lagula kacay xarig iyo dilal oo lagula kacay dad rayid ah.
Soomaali Tahriibaysay ayaa Lagu Qabtay Mid Kamid ah Dalalka Yurub, Xilli ay sii Kordheen Dhallinyarada ka Baxayso Dalka.
Dowladda Poland ee ku taalla qaaradda Yurub ayaa sheegtay, inay gacanta ku dhigtay illaa afar ruux oo dhallinyaro ah oo ay tilmaameen inay Soomaali yihiin, islamarkaana ay si ogolaansho la'aan ah kusoo galeen dalkooda.
Ciidamada ilaalada gaarka ah ka haya xad Poland ayaa sheegay, in dhallinyaradan Soomaalida ah ay qaab qarsoodi ah kusoo galeen dalkooda iyagoo kasoo tallaabay soohdinta uu la wadaago dalka Lithuania.
Waxa ay ciidamada intaasi ku dareen, in dhallinyaradani ay u tahriibayeen wadamada kale ee dhaca Galbeedka Yurub, gaar ahaan dalka Jarmalka.
Ciidamada Poland ayaa baahiyay sawirro ay ka qaadeen afartan dhalinyarada ah ee ay qabteen, inkasta oo ay wajiadooda qariyeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya, in ciidamadu ay ka shakiyeen gaari ay la socdeen, kaas oo ay kaxaynayeen dad loo malaynayo inay ku lug leeyihiin tahriibinta dadka.
Maleeshiyaadka Fano ayaa ku Guulaystay, inay Carqaladeeyaan Doorasho ay Itoobiya ka Qaban Laheed Gobalka Amxaarada.
Xilli Isniinta barito ah doorasha looga dareerayo dalka Itoobiya ayaa gudiga doorashooyinka ee dowladda Itoobiya waxa uu ku dhawaaqay, in aysan wax codbixin ah ka jirin gobolka Amxaarada oo kamid ah gobollada dalkaas ee jaangoogaya siyaasadda Xabashida.
Waxa uu Guddiga Doorashooyinka ee Itoobiya ku dhawaaqay, in codbixin aysan ka dhici doonin 46 deegaan-doorasho, oo ay ku jiraan sideed ku yaalla gobalka Amxaarada iyo dhammaan 38-ka deegaan-doorasho ee Tigray, sababo la xiriira amni-darro iyo xaalado uu guddigu ku tilmaamay kuwo aan ku habbooneyn in doorasho lagu qabto.
Goballada Tigrayga iyo Amhara iyo qeybo badan oo kamid gobalka Oromiya ayaa la tilmaamay, in Abiy Axmed uusan ka qaban karin wax doorasho ah, taas oo la sheegay, inay caqabad ku noqonayso guud ahaan doorashada Itoobiya.
متاح الآن! بحث تيليغرام 2025 — أهم رؤى العام 
