️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
الذهاب إلى القناة على Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
إظهار المزيدلم يتم تحديد البلدالفئة غير محددة
262
المشتركون
+224 ساعات
+127 أيام
+2230 أيام
أرشيف المشاركات
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Malaayiin lacag ah ayaa loo uruuriyay qoyska halyeey Muslim ah oo la dilay isagoo difaacaya Muslimiin badan oo ku sugnaa masjid ku yaalla Mareykanka oo dhawaan la weeraray.
Shabeellaha Hoose ayaa Marti-gelinaysa Tartankii Ugu Horreeyay ee Cuntooyinka Wax Soo Saarka Dalka Lagu Tartamo.
Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajinaya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ku hayso Dowladda Fedaraalka.
Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa laga Dareemayaa Hoos u Dhac Dhaqaale, Xilli ay Fooda Nagu Soo Hayaan Maalmaha Barakaysan ee Ciidul-Adxaa.
Millatariga Itoobiya ayaa u Hanjabay Askartooda Dhaawaca ah oo Iyagoo Cabanaya Warbaahinta Kasoo Muuqday.
Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya, ayaa Xabsiga La Dhigay Sababo La Xiriira Dibadbaxyada Ka Socda Dalkaas.
Maanta waa maalin Arboco, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 03-12-1447 oo waafaqsa 20-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.
Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa laga Dareemayaa Hoos u Dhac Dhaqaale, Xilli ay Fooda Nagu Soo Hayaan Maalmaha Barakaysan ee Ciidul-Adxaa.
Ganactada magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay, inay dareemayaan hoos u dhac dhaqaale oo weyn iyo dhaqdhaqaaq yari baahsan oo ka jirta suuqyada kala duwan ee ku yaalla caasimadda.
Waxay ganacsatadu sheegeen, in arrimo badan oo isbiirsaday ay sababeen hoos u dhac dhaqaale, kuwaas oo ay kamid yihiin, lacago fara-badan oo baad ah oo ay Dowladda Fedaraalka kusoo rogtay ganacsatada iyo saamayn ka dhalatay, xiisadda ka dhex taagan Xasan Sheekh iyo mucaaradkiisa xiligan kala guurka ah.
Sidoo kale, waxay ganacsatadu xuseen inuu jiro hoos u dhac ku yimid awoodda wax-iibsashada, sababo la xiriira diidmada shilinka Soomaaliga, taas oo ay tilmaameen inay si isku mid ah u saamaysay ganactada yaryar iyo kuwa waaweyn.
Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya, ayaa Xabsiga La Dhigay Sababo La Xiriira Dibadbaxyada Ka Socda Dalkaas.
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska ee magaalada Nairobi, kadib loo jeediyay eedaymo la xiriira sii deynta dad badan oo lagu qabtay dibadbaxyada ka socda dalkaas.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa qeybo badan oo kamid ah dalka Kenya is qabsaday dibadbaxyo looga soo horjeedo boobka shirkado uu gaar u leeyahay madaxwayanah Kenya ay ku hayaan shiidaalka dalka, taas oo keentay sara u kaca qiimaha shiidaalka.
Laamaha booliiska oo awood xad-dhaaf ah adeegsanaya ayaa jeelasha ku guray boqolaal qof oo kamid ahaa dadkii dibadbaxyada dhigayay, waxayna taasi khilaaf ka dhex dhalisay saraakiisha ugu sareeya ee laamaha booliisku magaalada Nayroobi.
Sarkaalka xabsiga la dhigay ayaa boqolaal kamid ah dadkii la xiray ooda ka qaaday isaga oo ka caraysan xarigooda, taas oo ugu dambayntii keentay in isagana jeelka loo dhaadhiciyo.
Millatariga Itoobiya ayaa u Hanjabay Askartooda Dhaawaca ah oo Iyagoo Cabanaya Warbaahinta Kasoo Muuqday.
Ciidanka Itoobiya ayaa ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan askartii horey ugu dhaawacantay dagaallada, kuwaas oo dhawaan banaanbaxyo ka dhigay magaalooyinka ka tirsan gobolka Oromiya, iyagooka cabanayay ballanqaadyo loo oofin waayay, waxayna cabashadooda ku baahiyeen Baraha Bulshada.
Hogaanka ciidanka Itoobiya ayaa askartani ku eedeeyay, inay cabashadooda ka faa’idaysanayaan qolooyin kale si ay u horumariyaan "ajande kale.", in kasta oo aan la magac dhabin kuwa ay danta u tahay cabashada askartaas.
Madaxa Xarunta macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee mallatariga Xabashida janaraalka lagu magacaabo Endalkashew Woldekidan ayaa ku goodiyay, inay la xisaabtami doonaan ruux kasta oo banaan-baxyo ceynkaas ah kasoo muuqda isagoo xiran dirayska ama labiska ciidanka Itoobiya.
Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajinaya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ku hayso Dowladda Fedaraalka.
Soomaalida ku sugan dhulka Xarameynka ee sanadka utegay halkaas iney soo gutaan cibaadada Xajka ayaa cabasho xooggan ka muujinaya Dowladda Fedaraalka oo lacago fara badan ka qaaday balse aan siinin adeegyadii ay mudaanayeen.
Waxay si gaar ah cabasho uga muujiyeen hab dhaqanka aan wanaasaneyn ee ay u maamuleyso wasaaradda lagu magacaabo diinta iyo Afqaafka ee Dowladda Fedaraalka oo uu Mukhtaar Roobow Wasiir ka yahay, gaajo, iyo goobta la dajiyay oo aanan wanaagsaneyn ayaana kamid ah arrimaha ay ka cabanayaan, waana kuwan iyagoo ka hadlaya dhibaatooyinka ay wajahayaan.
Mu'assasada Al-Kataa'ib ayaa baahisay xalqada afaraad ee taxanaha Wawadduu Low Takfuruun, kaas oo lagu faaqidayo kaalinta daahsoon ee kaniisadaha kirishtaanku ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya.
Mucaaradka Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu xoog ku dagan yahay Madaxtooyada, ayna ka yeeli doonin inuu sii joogo villada.
Dibad-baxyo ka Dhan ah Soomaalida ayaa ka Dhacay Afaafka Hore ee Safaaradda ay Dowladda Fedaraalka ku Leedahay Waddanka Koonfur Afrika.
Masuul Horay Xilal ugu Soo Qabtay Maamulka la Baxay Puntland ayaa Lagu Dilay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Maanta waa maalin Arboco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 03-12-1447 oo waafaqsan 20-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Gobalka Shabelaha Hoose, waxay habeenkii xalay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal culus ku qaadeen xerada askarta Ugandha iyo saldhiga ciidamada Dawladda Fadaraalka ee degmada Jannaale.
Sidoo kale ciidamada xakarada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta ugandha ee degmada Qoryooley.
Ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qarax ku weerareen askar ka tirsan dawladda Fadaraalka oo ku sugnaa saldhig kuyaalla degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
متاح الآن! بحث تيليغرام 2025 — أهم رؤى العام 
