️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
الذهاب إلى القناة على Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
إظهار المزيدلم يتم تحديد البلدالفئة غير محددة
261
المشتركون
+224 ساعات
+197 أيام
+1930 أيام
أرشيف المشاركات
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 23-12-1447 oo waafaqsan 09-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Ciise.
Tartanka Hubka Nukliyeerka ayaa Dib Ugusoo Noqonaya Caalamka, Xili Dalalka Haysta Hubkan ay Ku Bixinayaan Kharashaadkii Ugu Badnaa.
Ciidanka Dawladda Suudaan ayaa Sheegay Inay Ka Hortageen Weerarro Loo Adeegsaday Diyaarado Daroon ah oo Lagu Bartilmaameedsaday Magaalada Omdurmaan.
Kooxda Labaxday Xisbullah ayaa Sheegtay Inay Fulisay Weerarro Isdaba Joog ah oo Ka Dhan ah Ciidamada Yahuudda ee Duulaanka Kusoo Galay Koonfurta Lubnaan.
Masuul Horay Xil Usoo Qabtay ayaa Sheegay, in Yahuudda ay Dhexgashay Nidaamka Dowladda Fedaraalka.
Zakariye Maxamuud Xaaji Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in maamulka Yahuudda uu si qoto dheer u dhexgalay hay’adaha iyo go’aannada siyaasadeed ee ee Dowladda Fedaraalka.
Masuulkan oo wareysi siinayay warbaahin laga leeyahay dalka Masar ayaa waxa uu tilmaamay, in tabardarrada iyo kala qeybsanaanta ka jirta nidaamka Dowladda Fedaraalka ay Yahuudda ka faa’idaysatay inay dhexgasho.
“Israa’iil waxay si qoto dheer u dhexgashay hay’adaha Dowladda Fedaraalka, waxayna saameyn ku yeelatay go’aanka siyaasadeed ee Dowladda,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka.
Madaxweybayaasha Masar iyo Eratariya ayaa War-Murtiyeedyo Kasoo Saaray Kulama uga Socda Magaalada Qaahira.
CabdiFataax As-siisi ayaa xarunta madaxtooyada ee Qaahira ku qaabilay dhiggiisa Eretriya, Asaias Afawerki oo dalka Masar ku tagay booqasho rasmi ah oo la sheegay inay qaadan doonto muddo saddex maalmood ah.
Kulamo horudhac ah oo ay labada madaxweyne yeesheen ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga, sida lagu sheegay, Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Qaahira.
Maxamed Al-Shinnawi oo ah Afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada Qaahira ayaa sheegay, in kulankani uu sidoo kale taabtay xaaladaha ka aloosan gobolka iyo caalamka, iyagoo labada madaxweyne ay si gaar ah diiradda u saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.
Labada madaxweyne ayaa waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee lagu xaqiijinayo wax ay ku sheegeen amniga Badda Cas iyo xorriyadda maraakiibta.
Dowladda Kenya ayaa Xabsiga Dhigtay Masuuliyiin iyo Dad Shacab ah Kadib Banaanbax ka Dhacay Caasimadda Dalkaas.
Magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya ayaa waxaa maalintii shalay oo Isniin ahayd ka dhacay mudaharaadyo ay isugu soo baxeen tobanaan ruux oo rayid ah iyo ururro u ol-oleeya deegaan iyo bii'ada.
Mudaaharaadkan ayaa yimid kadib markii shacabka iyo ururada u dooda deegaanka ay ka caroodeen go'aan dhowaan kasoo baxay Dowladda oo dhul weyn oo ka tirsan beer ku taalla gudaha magaalada Nayroobi looga jarayo meel weyn oo baabuurta la dhigto.
Ururada deegaanka ee Kenya ayaa ku dooday, in dhismahan cusub uu khatar weyn ku yahay nidaamka dabiiciga ah iyo deegaanka beertaas oo ay sheegeen, inay ku nool yihiin xayawaanno a naadirka ah, waxayna abaabuleen mudaharaadyo sababay isku dhac u dhaxeeyay iyaga iyo booliska.
Jabhadda TPLF ayaa la Sheegay, inay Isku Diyaarinayso Jawaab ay ka Bixiso Duqeymihii ay Dhawaan Kala Kulantay Dowladda Itoobiya.
In Ka Badan 30 Qof ayaa Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Afar Gaari oo Shil Ku Galay Dalka Kenya.
Dowladda Fedaraalka ayaa Markale u Hanjabtay Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Maamulka Islaamiga ah ee Bakool ayaa Soo Bandhigay Askari Kasoo Baxay Safka Dwladda Fedaraalka.
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 23-12-1447 oo waafaqsan 09-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey habeenkii xalay dagaallo culus ku qaadeen xeryaha askarta Ugaandha ee degmada Qoryooley iyo deegaanada kala ah Shalambood Iyo Buur-colow ee gobalka Shabellaha Hoose.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga ay askarta Dawladda Fadaraalku ku leeyihiin degmada Jannaale.
Waxaa intaas dheer in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen ciidamo Ugaandhiis ah oo ku lugaynayay inta u dhaxeysa deegaanada Buufow iyo Shalambood.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[236]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Dawlada Fadaraalka ayaa Hotel elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Hub ay sheegtay in uuu lahaa Milkiilaha Hotelka.
Bishii May ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Qazza ku dhashay 1701 canug, xilli marinka go'doonsan uu wali wajahayo duullaan cudwaani ah oo kaga imaanaya Yahuudda.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 2312-1447 oo waafaqsan 08-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Bishii May ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Qazza ku dhashay 1701 canug, xilli marinka go'doonsan uu wali wajahayo duullaan cudwaani ah oo kaga imaanaya Yahuudda.
متاح الآن! بحث تيليغرام 2025 — أهم رؤى العام 
