cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking Β«Accept allΒ», you agree to the use of cookies.

avatar

Telefishinka Qaranka

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu.

Show more
Finland35The language is not specifiedNews & Media1 742
Advertising posts
75 753
Subscribers
-2424 hours
+3107 days
+4 68830 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Gaari Leylo ah oo la sheegay inuu Khawaarijta u siday hub, daawo iyo saanad kale oo ciidan ayaa maanta lagu qabtay soohdinta ay wadaagaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa. Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad ee Guutada 77 ayaa fuliyey howlgalka lagu qabtay gaarigaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada gaariga la qabtay iyo qeybo ka mid ah agabka la sheegay inuu Khawaarijta u siday. Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol ee Galgaduud iyo Sh/Dhexe, waxaana lagu guuleystay in dhagarqabayaasha laga sifeeyo dhul baaxad leh.
Show all...
πŸ‘ 82❀ 32πŸ‘ 6πŸ‘Ž 4
Photo unavailableShow in Telegram
Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan. Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.
Show all...
πŸ‘Ž 61πŸ‘ 47❀ 37🀬 20πŸ’” 14πŸ™ 3πŸ‘Œ 2
04:17
Video unavailableShow in Telegram
Muxudiin Maxamed oo kamid ah odayaasha Aadan–yabaal β€œKhawaarijtii degmadaan laga xoreeyey waxay ku duugeen dad ka badan labo kun oo ruux.”
Show all...
πŸ‘ 36❀ 6πŸ‘ 6πŸ† 3πŸ‘Ž 2
πŸ‘ 93❀ 38πŸ‘ 13πŸ”₯ 10
Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa caawa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta dhagarqabahaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, iyagoo caawa ku guuleystay inay khaarajiyaan.
Show all...
❀ 29πŸ‘ 23πŸ”₯ 3πŸ‘Ž 1
Photo unavailableShow in Telegram
Horjooge Siidoow Cali Ibraahim oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dhuumaaleysata koonfurta Gobolka Mudug ayaa xalay iska dhiibay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii uu u dul-qaada waayey dhibaatada argagixisada ku heysata duurka iyo howlgallada is dabajooga ah ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka. Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah ku sheegay Aanas, ayaa mar soo noqday horjoogihii Khawaarijta ee ugu sareeyey deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, balse hadda wuxuu ahaa madaxa maleeshiyaad ku dhuumaaleysta aagga deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere, sida ay noo sheegeen saraakiisha ku sugan Xarardheere.
Show all...
πŸ‘ 168❀ 23πŸ‘ 18πŸ‘Œ 7
πŸ‘ 23πŸ™ 5❀ 1
πŸ‘ 17❀ 3
Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaashii ugu badnaa oo ka tirsan Khawaarijta, kadib howlgallo culus oo ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga. Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay soo qabteen 12 xubnood oo la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, kuwaas oo qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baada ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xiliyada habeenkii ah. Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran. Tallaabadaan ayaa ka dhigan in lagu guuleystay burburinta shabakado halis ku ahaa shacabka oo ka tirsanaa Khawaarijta, mana ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale xididada loogu siibay dhagarqabaasha dhuumaaleysiga ku jooga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee dalka. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee ka soo haray fikirka guracan ee Khawaarijta, waxaana dhalinyarada ugu badan ee isisoo dhiibayaasha ah laga diiwaan geliyey deegaanada K/Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
Show all...
πŸ‘ 35❀ 6πŸ”₯ 4
Photo unavailableShow in Telegram
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay, kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka shaqada Qaran ee loo igmaday.
Show all...
πŸ‘ 138❀ 50πŸ‘ 6πŸ”₯ 5🀬 4πŸ‘Ž 1πŸ‘Œ 1